By Beesha Bariga Burco

Gabaygani wuxuu jawaab kooban uyahay gabayga ka hooseeya ee doraad lagu soo daabacay Qorilugud.

Cosobsiga hashii barata iyo cidhifka daaqiisa

Cishuun bay dhurwaayadu cunaan kuna casheeyaane

Coobaha marbuu kalajaraa cooflihii bahale

 

Caynkaad wadaan habar jeclooy cilinki waa yaabe

Cagaagiyo mudaad buurihii camal ilawdeene

Cariskiyo banaanada mudaad cimidh u daaqdeene

 

Carigiyo dhulkaygii markaan kugu casuumeeyey

Cuudkiyo markay kuu bateen coodidiyo maalka

Cidiyuhu markay kuu bexeen baad i caasidaye

Ciyoon baad ilawdeen waxaan caana kuu shubaye

 

Cisi iyo wanaag kuma anhelin’ caawidaan idhiye

Caybaad bilawdiyo inadaad igu ciyaartaaye

Cafiskii badnaa eede iyo camal samaantiiye

Casharada ankuudhigo hadanad cayndhe kari waayin

Curcuradiyo qararkii hadaan lagu cillaalaanin

Hadii annan cashiyo buurihii kugu ceshiimaynin

Curadada lagaa dilo hadaanay kuman cagayn waayin

 

Caasi baad ahaataye hadanad caabid noqon maanta

Cali geriyo reer Hagar hadaan cagaha loo maydhin

Ciilkiyo dhibaatadu hadaanay kaa camirin laabta

Cuqdadaad qabteen iyo hadaanay cadhadu weynaanin

 

Ceesaanahaagii hadaanad adhiga caataysan

Canjil baad bilwdiye hadaanad caaqil odhanwaayin

Culayskiyo dhibkaagii hadaanan maanta soo celinin

Cabashooyinkii hore hadaanay cayma noqon waayin

Hanjabaado ayaa waxay ka soo yeerayaan beesha Qarilugud taas oo shallay oo arbaca ahayd lagu soo daabacay barta internetka

Ninkii nabad cisaynaayayooy timi colaadiiye

Haddii aan cadaan looga qixin cidifka Buuhoodle

Cida reer marqaan iyo hadaan Qaraaro caydhoobin

Hadaan curadadii layga dilay caaqilo u laynin

Caligeriyo reer hagar hadaan haadu ku cashaynin

Cimrigay intuu jiro hadii cidi ku noolaato

Calaan ahoo calay dhalay haddii layag caban waayo

Gabaygan waxaa tirey abawaan Saleebaan Faarax Cali Garoon

Balada nimankaa yabohoo baaqa soo diray

Bilaahida haddii aan maroo beenta kaba saaro

Burburkiyo shidada marnaba layma buun buunsho

Burco iyo Berbera hadaan bilistu wada ooyin

Oo baadariga waynu meeshuu fadhiyo boodhku ku kor uduulin

Bir adaygii laygu yiqiin baa bilaash noqon

Bahdaada kuwii ahaa oo boobka ku guraacay

Balantii ay kuu qaadayeen iyo burjigu haduusan buushe kaa noqonin

Baligii Kalshaaloo doraad baladu kaa raacday

Boog hadaanan kaaga dhigin buugta kuugala

Allaylehe biyihii Daarood barax aan ka ahaado

Baabulaha libaax oo wax badan ayda ku abaaday

Baahiyo haraad wuxuu beerku ula jiifo

Baadi luntay markuu helo buu micida doojaa

Dabadeed bogii xoodmay buu xalus ku yeeshaa

Baadil adigoo eaboo been Kitaab maray

Bareer aan qarsoonayn sharcigiyo diinta uga bayray

Beer jileec inaad iga hesho marnaba hayga sugintaas

Danbiyadaas ku biirsanaa waa lagaa jariye

Boga rasaas inaan kaala dhaco waa abaalkaaye

Baadrool innan kugu shido baan balan kuu marayaaye

Baqa carar inaad Boorame gasho baan balan kuu marayaaye

Bugtadaad qabteen mataabane wa bilow hadalku

Maansadana halka iigu daa baaqi baaharaye.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *