By Abdirazak Yassin Mohamed

Kelmed muuq leh oo wacan kolkaan anigu siidaayo
Kaftan maaha ee waa kulayl hadalka aan baanay
kadabkii Alle soo diraa, waw diyaar uumiyoo idile
Kuwo debecsan oo Alle(sw)soo diraa kooda meel dhigaye

Kuwo risiqa loo buuxshay, iyo kuwo gaajo la hagoogan
Kas kuma helaan iyo karti amAse garasho roonaane
Waa qayb illaah ku eegayaa adoomaha kii asxaan fale
Kaalmaduna Alle bay u taal oon lagu kadeedmayene

Ummadeena daayaca ku dhacay waa dhegxumo weyne
Dhedig iyo labood ceebtu waa inaga dhexaysaaye
Dhallinyaro iyo waayeel waa ina dhibaysaaye
Dheg la jaray daloolkaa hadhee aan isku duubnaano

Dhul shisheeye sii dhowrad iyo malaha sii jooge
Dumar iyo dhalaankii berebera cusbitaal mahaystaane
Darxumay lawada tiicayaan tabar la’aaneede
Dadaal bay u wada baahan tahay hagar la’aaneede

Qurbe joogna dumar baa u wacan sebenkan maantahe
Dar alle (sw) talada waafajiyaa wada dadaal weyne
London bay u badan yihiin hablaha tafaha noo xaytay
Saaxil women waa hogaan dumar ka soo mudhaye

Cisbitaalkii berbera waa qaawan yahay dayac daraadiiye
Dib u habayn iyo waxay wadaan inay baahida daboolaane
Dagaal aad culus bay wadaan oon cidi lacag ku siinayne
Derajada allay maalin kale dhereg iyo dheef ka heli xoogle.

Aniguna ducaan idinku ladhay iyo quraanka barakadiisiiye
Waa midaan ku diirsaday dadaalkiinu daacada ilaahe
Dullmi iyo nacayb ilaah idinka dhawr quudhsi iyo ceebe
Diihaal xanuun iyo darxumaa dadkii laysay badidiise

Xanuunada laga bogsoodaa dadkii xaaqay badidoode
Cabiraada dhiiga kolay ku tahay amse macaan sheega
Raajiso malaha iyo dhakhaatiir shaybaarna daaba hadalkiisa
Duray baaba loo dhiman hadaan dadkii daawo lala gaadhin

Hadii gabadh la soo doono oo golaha laysku weydiisto
Oo aqal gal keedii farax iyo ciyaar laga dul boodaayo
Ubad bay filaayeen ee illaah sararahow buuxsho
Sagaalkaa bilood waxay xanuun silicle daaduunto

Wajaafkeeda fooshana kolkay laba bogleeyneyso
Dhakhtar lagu dabiibaa majiro hooyadaa iyo dawo lasiiyaaye
Islaamaa miciinkeedu noqon aan wax tarahayne
Kolkaasay xaawiyo faadumooyda guri waa talo haweeneede

Ka qayb qaata dhakhtarkii berbera yar iyo waayeelba
Ku bixiya maalkiina waa sadaqad dib ugu aydaane
Ku dhiirada iskaa wax u qabso iyo wada shaqayn buuxda
ku dadaala dadkii dhimirka waa ina sugaayaane.
U dadaala berberi waa degel barwaaqeede !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
U dadaala berberi waa degel barwaaqeede !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *