Hal la qalay raqdeedaa,

Lagu soo qamaamoo,

Qalalaasihii baa,

Nin ba qurub haleeloo,

laba waliba qaybteed,

Qorraxday ku dubatoo,

Qoloftiyo laftiibaa,

 

Lagu liqay qallaylkee,

Qosol wuxuu ka joogaa,

Qubannaa danbeeyee,

Weli qaba hamuuntee,

Buuraha qotada dheer,

Ka arkaaya qiiqee,

 

Qarka soo jafaayee.
Qalwadii masbaa galay,

Qodax baase hoos taal,

Fule quursigii diid,

Geesi qoorta soo dhigey,

Faras qaayihiisii,

Qurux buu ku doorsaday,

Qabqab dhaafay baa yimi,

Qosol qoonsimaad noqoy,

Qabyo waa halkeedii!

Qarandidu libaaxbay,

Ku qaraabataayoo,

Soo qabo tiraahdaa,

Qaankiyo biciidkoo,

Qaybtana shanlaabay,

Qoondeysataayoo,

Isagnaa qorshaha guud,

Qanjirkiyo xumaystay,

Ha qawedin tidhaahdaa,

Aarkuna ma quustoo,

Ma qarsado xanuunkee,

Hadba qaran jabkiisiyo,

Qiirada xasuustuu,

Kolba dibin qaniinaa.
Qalwadii masbaa galay,

Qodax baase hoos taal,

Fule quursigii diid,

Geesi qoorta soo dhigey,

Faras qaayihiisii,

Qurux buu ku doorsaday,

Qabqab dhaafay baa yimi,

Qosol qoonsimaad noqoy,

Qabyo waa halkeedii!

Weligay cad quureed,

Anna qaadan maayoo,

Qalanjadan faraa dheer,

Wax la qaybsan maayee,

Bal inay qabuuruhu,

Saddex-qayd ka maarmaan,

Ama qoor-tal jeexaan,

Labadaas mid quudhaan,

Xilka qaawan saaraan,

Hadba qaylo-doon baan,

Ka horow qiyaamaha,

Ku qulaamin maydkee,

Aan qufuulanaadee,

Qarqarsiga ha iga furin.
Qalwadii masbaa galay,

Qodax baase hoos taal,

Fule quursigii diid,

Geesi qoorta soo dhigey,

Faras qaayihiisii,

Qurux buu ku doorsaday,

Qabqab dhaafay baa yimi,

Qosol qoonsimaad noqoy,

Qabyo waa halkeedii!!!!!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *