By Warsame Hadrawi

Hooyooy la’aantaa

Oh Mother! Without you

Adduunyadu hubaashii

The world would surely

Habeen kama baxdeenoo

Be perpetual darkness,

Iftiin lama haleenoo.

Devoid of light.

Dadku uma hayaameen

Folks wouldn’t reach

Dayax heego joogoo

Planets in heavens.

Sida haad mafuuleen,

Like hawks wouldn’t

Xiddig hawd ka lulatoo

Soar to looming stars.

Hawo laguma gaareen

With guided ambition

Hubka laguma tureen

Nay, wouldn’t have aspired at

Cirka hirar ka muuqdoo

Sphere in space.

Ruux aad hagaysiyo usha mid aad u haysaa,

Verily one lead by your flawless

hilin toosan weligii, ka habaabi mayee

Devotion the right path never would lose.

Hooyoy adduunku halkuu maanta

Heesta Hooyooy La’aantaa

By Mahad Badan

Waa habeen caways oo dhaqan iyo hawraar xiiso leh la iswaydaarsanayey. Madal si qurux badan looga soo shaqeeyey dad badanina soo camireen hotel imperial oo ku yaalla magaalada Hargeysa, oo marka ugu horreysa ee aad soo gasho hoolka ay ilyartu si qabtay oo si weyn loo soo camiray ilaa dabaqa sare ee hoolka oo labadabaq ka kooban markii aan madasha soo galay ee aan hore u waayey meel aan fadhiisto waxaan dareemay baahida dadka reer Somaliland ama reer Hargeysa ay u qabaan dhaqanka iyo suugaanta soo jireenka ahayd ee ummaddan Ilaahay ku beeray geeska Afrika ay hiddaha iyo dhaqanka u lahaayeen, runtiina waa wax xiiso badan oo loo baahnayahay in la soo celiyo.

Waa madal kulmisey murti maalko kala ah Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, Xasan X. Cabdillaahi “Xasan Ganey”, Axmed Aw Geeddi iyo waliba Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan. Ayaadka Quraanka kariimka ah kadib, waxa si toos ah u billabmay barnaamijkii xiisaha badnaa oo habeenkaa si gaar aha uga hadlayey dhaqanka.

Kulan aad u xiise badan isla markaana looga hadlayay “In dhaqanka Soomaaligu kobcin karo is-ixtiraamka iyo tixgelinta fikirka kale” oo ay soo abaabuleen ururka Dhaqanka ee Kayd ayaa lagu qabtay Magalada Nijmegen ee Waddanka Holland. Ugu horayn kelmadii furitaanka ayaa waxaa soo jeedisay Agaasimaha ururka Kayd Ayaan Maxamuud Cashuur ujeedada kulanka, kaas oo ay tilmaantay inuu daba socdo Bandhigii Mooge Festival oo sannadkan bishii Julaay lagu qabtay magaalada Hargaysa, sidoo kale Ayaan ayaa waxay ka dhawaajisay in bandhigaasi uu furay daaqad cusub oo ilaa tuulooyinka waddanka laga arkay in la dhaqaajiyo maskaxda biniáadamka iyo wax soo saarkeeda lagana faa’iideeyo. Waxa ka soo qayb galayaasha madashaasi ay aad u danaynayeen joogitaanka qaraayo bulshadu aad u tixgaliso isla markaana uga soo socdaalay waddamo kale oo aan ka xusi karno Jaamac Muuse Jamac iyo Maxamed Baashe X. Xasan. Waxaa codbaahiyaha lagu soo dhoweeyey horeba Jaamac Muuse Jaamac oo ka soo kicitimay waddanka Italy kana mid ah xubnaha ururka Kayd, Jaamac wuxuu faahfaadhin dheeraad ah ka bixiyay in urur ahaan ay danaynayan abuuridda Edeg ay ummada Af-Soomaaliga ku hadashaa keeda Cilmiga Diiniga leh, kan Maadiga bartay, ka dhaqanka suugaanta ku wanaagsan, iyo ka waddama shisheeye ku koray, isku dhaafsan karaan fikirkooda kuna soo bandhigi karaan waaya-aragnimadooda si loo helo fikirka wanaagsan ee kama danbaysta ah ee anfacaya dhammaantood.

Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. somheritage waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas’uuliyaddooda ciddii qortey.

By Maxamed Siciid Cilmi

Hooyooy dulqaadeey
Hooyooy dugsiiyaay
Hooyooy daryeelaay,
Aabana daweeyaay.
Dareenkii jaceylkaay
wanaagii dadnimadaay
duunyo aan dhamaaneey
dusha tii i saartee
foosha dihashadeediyo
damqashadaa xanuunka leh,
hurdada taan u diidaay.

Dalkoo nabadu guurtoo
qaraabadu is dilayaan
dadkuna gaajo hoydaan,
adaa noo dadaaloo
diiftiyo xanuunada,
noo diiday hadimada.
Kaa dugsadey dhibaatada
doorka nolosha aayaha
lagu diirsadee mudan
darisyada cibaadada
adaa igu dabiiboo
hooyo Deeqa waa adi.

Hooyooy waxaa tahay
degaankeygii koowaad.
Hooyooy waxaa tahay
diinteyda marinkeed.
Hooyooy waxa tahay
damiirkeyga edebtii.
Hooyooy waxaa tahay
dunidayda khayrka leh.
Hooyooy waxaa tahay
qurux aan dugoobeyn
Hooyooy waxaa tahay
dun xariira oon go’in.
Aamiin ducada aamiin

Alloow daa imoow
adaan kaa dalbanayaa.
degaankeeda aakhiro
ka dhig deriska nabigiyo csw
xuural caynta dumarkee
ku nool daarta dahabka ah
aabahey ha doortoo
dib ha ugo kulmeen nolol.

Guyaal iyo Guyaal iyo Guyaal

Taariikh gu’ weynuu lahaa

Iyo gedaha maanta uu yahee

Gocashada Xasuustiyo Godaal

Adaan kula gulaashaye miyuusi

Gedihii Horaas iyo Virgiilii

Harraad igu gaboobaan rabaa

Ummad wada gammiintaan rabaa

Miltoniiii gabay iiga mara

Waxba gaaxsan maayee

*

Guyaal iyo guyaal iyo quyaal

Gaallaawuhu kolkuu joogayuu

Sooyaal gaboobiyo wuxuu

Cumar Good afkiisiyo waxan

Dhallinyaro gadoodaay war baan

Garta oo ujeeddada fahmoo

Tixdu geeddan weeyiye dhammaan

*

Gadabuursi geyiguu degee

Taariikhda goortaan darseen

Saylac buu gundhigu noo ahaa

Xoolo laga gadyaa iyo cilmiga

Niman Awdal soo gelin la waa

Ilbaxnimo u gaaray lahayd

Iskadaa carabta soo gudboon

Gujaraati baa laga yiqiin

Niman Awdal soo gelin la waa

Ilbaxnimo u gaaray lahayd

Iskadaa carabta soo gudboon

Gujaraati baa laga yiqiin

Garna waxay la yeesheen

Iyagoon dhulkii gelin ayay

Saan bay kaga guddoonsheen heshiis

Odayadii la soo guray ayaan

Hebelaaba loo garanayaa

Gadabuursi buu wada ahaa

*

Afartaasi guuxii baddiyo

Gantaaladii ugaaskiyo

Geeraaradii Cabsiiyiyo Afdeeb

Gabayadii Aw Yaale iyo

Gumburihii Aw Aadan Badaw

Gocashadii Fariid iyo Sugaal

Guubaabadii Daheeyiyo Gufiyo

Cali Bucul gammaankuu watiyo

Galool ubax ku yaalliyo galiyo

Afar kelena tixdaan soo guriyo

*

Geedka Harawe gaafaha jigjiga

Intaan garaw ka beerniyo ilaa

Samaroonka gurigiisu waa

Maal weyn baa u soo gala

Geel iyo lo’ baa buuxa iyo

Gadhoodhka iyo dhaydaan cabnaa

Sixin geeda laga shiilay bay

Giirre hilibka laga gooyay iyo

Xeedho udugga goortii la furo

Gabdhahaa la diiqaa aroos

Garaw baan weliba leenahoon

Geed gaabka heeddiyo galay

Wilwilaan godaynaa kolkaan

Nimay gaajo haysaa ma jiro

*

Afartaasi guuxii baddiyo

Gantaaladii Ugaaskiyo Kunciil

Geeraaradii Cabsiiyiyo Afdeeb

Gabayadii Aw Yaale iyo

Gumburihii Aw Aadan Badaw

Gocashadii Fariid iyo Sugaal

Guubaabadii Daheeyiyo Gufiyo

Cali Bucul gammaankuu watiyo

Galool ubax ku yaalliyo galiyo

Afar kelena tixdaan soo guriyo

*

Axmed-Gurey dagaalkuu galiyo

Geeddiga hayaankuu ku tegey

Jaamac gabayadiisii haddaan

Gobosnowda kiiyoo hayoo

Gadhwadkii Axmaarada markuu

Galaayuus goobtuu ku dilayiv

Geed Soomaalka qoortuu ku furay

Askartii u soo guulay iyo

Geyigii u sii maray dadkuu

Muslinnimo in ay soo gubtoo

Gadabuursi bay wada ahayd

*

Isaguna cidduu galo ayey

Girrid iyo awow iyo intaan

Iskadaa gadaamaha dushiyo

Guntintuu ka sii yahay ayay

Taariikhda kii geddiyayaa

Gabannadii ka joogaan badhkood

Gar ilaah la dhigayaa iyo arlada

Ninkay taasi gubaysaa isagu

Oo geesi kale ha raadsado dadkana

*

Afartaasi guuxii baddiyo

Gantaaladii ugaaskiyo Kunciil

Geeraaradii Cabsiiyiyo Afdeeb

Gabayadii Aw Yaale iyo

Gumburihii Aw Aadan Badaw

Gocashadii Fariid iyo Sugaal

Guubaabadii Daheeyiyo Gufiyo

Cali Bucul gammaankuu watiyo

Galool ubax ku yaalliyo galiyo

Afar kelena tixdaan soo guriyo

*

Jihaadkii kolkuu goobaystayee

Gargaar baa oroobba uga yimid

Imaamkii markuu go’ay dhammaan

Laga golol xumaantii durbana

Amiir Nuur kolkuu galay dagaal

Gulufkiyo hayaankii wadyoo

Gaashaan buurta nimankii ahaa

Guryihii Axmaarada in badan

Isaguna cidduu galo haddaan

Goblan muu ahaynoo arlada

Gabannuu adduunyada ku dhalay

Qabiil bay ku gaadhaan tirada

Geyigay degaan baan haddeer

Gadabuursi Eebbaa ka dhigay

*

Afartaasi guuxii baddiyo

Gantaaladii ugaaskiyo Kunciil

Geeraaradii Cabsiiyiyo Afdeeb

Gabayadii Aw Yaale iyo

Gumburihii Aw Aadan Badaw

Gocashadii Fariid iyo Sugaal

Guubaabadii Daheeyiyo Gufiyo

Cali Bucul gammaankuu watiyo

Galool ubax ku yaalliyo galiyo

Afar kelena tixdaan soo guriyo

*

Gaallaawuhu markuu joogayuu

Guudweyntiyo walaabidu kolkay

Tima-dheerta goortaan ahayn

Gabdhihiyo carruurtiyo kolkay

Ilmadii kolkay gobo’ tidheen

Casar galaba goortuu ugaas

Gurboodkii gugaa kacay kolkay

Da’santii markay soo gashee

Geeddiyaasha nimankii ahaa

Geeddi dabaccdde, geeddi malable

Nimankii Nasriga gaaxday iyo

Geeddi yaryare , Jaamac Guure iyo

Ceelaabe goobtuu ka baxay

Bookh Qalalaw gedihii lahaa

Obsiiyaan ka gaabinin dagaal

Gudcurkuu habeensaday intuu

Faraskiyo gammaankii intuu

Godobtiyo xumaantiyo intuu

Cabsiiyaan ka soo gelin habeen

*

Afartaasi guuxii baddiyo

Gantaaladii ugaaskiyo Kunciil

Geeraaradii Cabsiiyiyo Afdeeb

Gabayadii Aw Yaale iyo

Gumburihii Aw Aadan Badaw

Gocashadii Fariid iyo Sugaal

Guubaabadii Daheeyiyo Gufiyo

Cali Bucul gammaankuu watiyo

Galool ubax ku yaalliyo galiyo

Afar kelena tixdaan soo guriyo

*

Dagaalada intaan soo gallee

Wada gaadhi maayee haddaan

Boqor nuunno amarkii gafkii

Wuxu dunida kala gaabiyuu

Galsho caano laga buuxiyey

*

Guntiweyne gacmihii furraa

Markuu wadhafku kala gaabiyuu

Waraabaay markii goonyihii

Ceegaag markii la isku galay

Guul darradu waatay heshee

Waa kii haadku ku dul guulayee

*

Rag-ku-boqoyne waa taan galeen

Ged dagaal inay tahay ayaan

Waa taan shalawga soo gambinayuu

Geeshkeenu waa tuu gudbaday

Galguduudna waa tuu ku galay

Geda-biirsay goortii la yidhi

*

Afartaasi guuxii baddiyo

Gantaaladii ugaaskiyo

Geeraaradii Cabsiiyiyo

Gabayadii Aw Yaale iyo

Gumburihii Aw Aadan Badaw

Gocashadii Fariid iyo Sugaal

Guubaabadii Daheeyiyo Gufiyo

Cali Bucul gammaankuu watiyo

Galool ubax ku yaalliyo galiyo

Afar kelena tixdaan soo guriyo

*

Gadabuursi boqor loo gartaa

Nin aan gacan xumayn

Diinna ku gafaynin

Geedki Harawaade

Laguma guurayne

Odayo gaashaana

Loo godeyn jireye

Gari ma laalayne

*

Golayaasha diintaa ahaa

Dhallinyar gadooddiyo musheekh

Gallinkii habeen iyo dharaar

Xadradaa la googoyn jiroo

Geebar baa qubuuraha jiriyo

Qaadiriyadu dadkii ay gashee

*

Hal abuur gu weyniyo intii

Hoobalada intaan garanayeen

Gufaacada tixdoodii kuway

Badihii hirwada gaydhiyee

Hillaac dheerayaashii guntiyo

Ustaadkii balwada goobayee

Sinimoo ninkii garanayaan

*

Afartaasi guuxii baddiyo

Gantaaladii ugaaskiyo kunciil

Geeraaradii Cabsiiyiyo Afdeeb

Gabayadii Aw Yaale iyo

Gumburihii Aw Aadan Badaw

Gocashadii Fariid iyo Sugaal

Guubaabadii Daheeyiyo Gufiyo

Cali Bucul gammaankuu watiyo

Galool ubax ku yaalliyo galiyo

Afar kalene tixdaan soo guriyo

Taariikh gabawdiyo waxaan

Hadalada gufaacada waxaan

Odayaal gaboobiyo waxaan

Waxaan uga gol leeyahay

Qarniyo guudkooda

Geeshka samaroonku

Laga galiilyoodo

Gabayga ii geysay

Jiibta ila gooddi

iila gunud heesta

Inan ka gooshaaye

Inay gadoodaaye

Gaydha igu caawi

Mar uun gorofka ii buuxi

*

Qarniyo guudkooda

Galayay ciiddeena

Galawgu ii sheegay

Oday ka soo gaadhay

Idin garwaaqsiine

Gaydha socodsiiya

Geliya laabtiina

*

Guule nagu beeray

Dib u gadaal raaco

Goob la joogaba e

Laga gol nuugyaaba

Girrid awowgiiye

Xidid an guurayne

Badda gedaankeede

Galadaheegiiye

Girrid awowgiiye

Xidid an guurayne

Badda gedaankeede

Galadaheegiiye

Markay gaaladii timide

Badda ku gaadheene

Guurti soo madhaye

Muran ka gooshnayne

Gebi ahaantoode

Guddi horraadkiiye

*

Gudgude roobaad dhe

Gucumadiisii dhe

Gaydh u hadalkii dhe

Gacamadiisii dhe

Goohi Qalalaw dhe

Galawgoodii dhe

Goohi Qabilaad dhe

Faraski Gaylaan dhe

Geedki Harawaad dhe

Galamushaaxay dhe

*

Herer galbeedkeeda

Badda gudboonkeeda

Gal iyo ceelkiiye

Galladdi weeyaane

Gaabanow adhiye

Goor la joogaba e

Gaari dhigtaaye

Gaadhi iyo baalli

La isku wada guuxo

Gacal wanaaggiiye

Guga abuurnaaye

Galaha noo buuxa

Amadka goynaaye

Godaha jiilaale

*

Gudgude roobaad dhe

Gucumadiisii dhe

Gaydh u hadalkii dhe

Gacamadiisii dhe

Goohi Qalalaw dhe

Galawgoodii dhe

Goohi Qabilaad dhe

Faraski Gaylaan dhe

Geedki Harawaad dhe

Galamushaaxay dhe

*

Gulufkii uu qaaday

Goondar dhinaceeda

Gobol ka soo qaato

Geedka hadhinaaya

Gawraca u jiiday

Galawadii naaxday

Ciiddan garab weynle

Geeshku la hayaamay

Sii hal guranaayay

Gibina mooyaane

Birimadii guude

*

Gari ka joogtaaye

Sheegto oday guun ah

Guudka Samaroone

Gudin ku seeereene

Gacalow yeelkiiye

Nolol ku gaadhaaye

Uga gayooyaaba

Girrid ha doondoonto

Yaanu gadafaynin

*

Gudgude roobaad dhe

Gucumadiisii dhe

Gaydh u hadalkii dhe

Gacamadiisii dhe

Goohi Qalalaw dhe

Galawgoodii dhe

Goohi Qabilaad dhe

Faraski Gaylaan dhe

Geedki Harawaad dhe

Galamushaaxay dhe

*

Muslinku guuleystay

Gaala-madawdiiye

La isku wada goohye

Godob la nooleeye

Soo gadaal celiye

Gaydha socodsiiye

Laga gol roonaaye

Gumuc ka sii qiiqye

Gelin ka faalloodo

Kuma galoofnayne

Eebbe galladiiye

Kuna gar weeyaane

Gebi naqaanaaye

Guulle amarkiiyo

*

Gudgude roobaad dhe

Gucumadiisii dhe

Gaydh u hadalkii dhe

Gacamadiisii dhe

Goohi Qalalaw dhe

Galawgoodii dhe

Goohi Qabilaad dhe

Faraski Gaylaan dhe

Geedki Harawaad dhe

Galamushaaxay dhe

*

Galayey ciiddeena

Naga dul goohaysay

Waydin garataane

Hooyo gacal weyday

Ciilka le gabownay

Guule duco tuugay

Taladu soo gaadhay

Galawgu eedaamay

Guulle nagu deeqye

Iyo geeddi badhi-weyne

Cadawga goobaayay

Geesiga Afdeeb ah

Cadaw ka sii giigye

Xuma gadeefeeye

Geelle tuu falaye

Dibad galaynaayay

Guura bixinaayay

Cadaw gulaalaayay

Gudgude roobaade

*

Gudgude roobaad dhe

Gucumadiisii dhe

Gaydh u hadalkii dhe

Gacamadiisii dhe

Goohi Qalalaw dhe

Galawgoodii dhe

Goohi Qabilaad dhe

Faraski Gaylaan dhe

Geedki Harawaad dhe

Galamushaaxay dhe

*

La isla garanaayo

Gobol ka faaloodo

Arlada gaadhsiiye

Gebi is moodaaba

Galab ku tuureene

*

Godob ka raadceeye

Dhacay gariirkiisu

La isku wada goohay

Yuu garwaaqsadaye

Geeridu u timide

Guray raqdiisiiye

*

Goynay cadawgiiye

Gari ka taagnayne

Giigay nacabkiiye

Beri gadaashiiye

Gala mushaaxiiye

Weydin garataane

*

Gudgude roobaad dhe

Gucumadiisii dhe

Gaydh u hadalkii dhe

Gacamadiisii dhe

Goohi Qalalaw dhe

Galawgoodii dhe

Goohi Qabilaad dhe

Faraski Gaylaan dhe

Geedki Harawaad dhe

Galamushaaxay dhe

*

Hayni jirey guule

Gunna ahayn

Ubax baa la guud dhigi jirey ugaas

Kelidii wuxuu gooyo uun

Guddi boqola gacalow budkiyo

Talo madaxi guushaa dhammaan

Galdafaani goobtuu ku jiro

 

*

Gooba dirireede

Galaha noo buuxda

Gu’ iyo jiilaalka

Lagu gammiinaaye

Duco la goobaaye

Guulay baan nahaye

*

Tirisa geeraarka

Gaadho magacooda

Geddiday suugaanta

Dhaliyey goolkeede

Gaadhay xididkeeede

Tixaha gaar yeeshay

Heesi ka gadnayne

*

Gudgude roobaad dhe

Gucumadiisii dhe

Gaydh u hadalkii dhe

Gacamadiisii dhe

Goohi Qalalaw dhe

Galalawgoodii dhe

Goohi qabilaad dhe

Faraski Gaylaan dhe

Geedki Harawaad dhe

Gabagabayntii dhe

Qorayey geeraarka

Sheeko gabaxleeyay

Gooba megacaabay

Ninkaan garanin yeelkiisa.

Bashir Sh. Omer Good (Goth)
February 15, 1984

Assalamu Calaykum Waraxmatulahi Wabarakatahu – Waa Muxadaro Muqayim ah oo Mowduca Kuu Sahabsaan Badbaadaa Bulshada If iyo Aakhiro

Ku Billabid Magaca Alle ee Naxariis Guud Iyo Mid Gaaraba Nariista. Alle ayaa mahad iska leh, isaga ayaan mahadinaynaa, kaalmo waydiisanaynaa, dambi dhaafwaydiisanaynaa, waxaana Alle ka magan galaynaa naftayada sharteeda iyooacmaashayada xun, qofkii Alle hanuuniyo cid baadiyeen karta majirto, kii Allebaadiyeeyana cid hanuunin karta majirto, waxaan qirayaa Alle mooyee Ilaah kalein uusan jirin, xaal uu yahay kaligiis, shariiknaa uusan lahayn, waxaan kalooqirayaa in (Nabi) Muxammed (scw) uu yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii.

Kuwa (xaqa)  rumeeyowka dhawrsada Eebe dhawrsashadiisa xaqaa ah, hana dhimanina idinkon Muslimahayn. Suurat Aali-Cimraam, aayadda 102.

Dadow ka dhawrsada Eebihiina idinka abuuray nafkaliya(Aadam), kana abuuray xaggeeda haweenaydeeda (Xaawo) , kadhawrsada  Eebihiina aad  wax isku  warsataan iyoqaraabada, Eebana wuxuu u yahay korkiinna haaliye. Suurat An-Nisaa’, ayaadda 1.

Kuwa (Xaqa)  rumeeyowka  dhawrsada Eeba hadal oosanna ku hadla:

Haydiinwaanajiyo camalkiinna hana dhaafo dambigiinee, ruuxii adeeca Eebe iyoRasuulkiisa  wuxuu u liibaanay dhab ahaan, liibaan weyn SuuratAl’Axzaab , ayaadda 70-71.

Hadaal  waxa ugu sita kitaabka Allee(sw), hanunna waxa ugu sita hanuunki Muxammad (S.C.W) . Arrimahana waxaaugu shar badan in arrimo cusub lagu soo daro. Caqiidada Islamka iyo iimanka iyo guudahaan waxa lagu daro dhaan Diinta  ee BidcadaBidcaadu  waa Baadi. Baadikastanaa waa Narta. Walciyadu Bilaah.

Intaakadib,

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yidhi:  “Kuwa cesha cadhodooda iskana cafiyo dadka, Allenawaa jecel yahay samaan falayaasha”.wa suuraadda al-ciimraan, aayadda 134.

Wuxuu kaloo yidhi kor ahaaye: ” Samaanta iyo xumaantu ma sinna, gefka lagugu sameeyo ku qaabil wanaag, markaasaa kii colka kula ahaa noqonayaa gacal saaxiiboo kale ah.

Taasina lama siiyo waxaan aheyn kuwaa samra, oo lama siiyo waxaan aheyn cid nasiib weyn leh” waa suuradda Fussilat aayadda 34-35.

Waxa laga weriye Abuu Hureyra ( Allaha karaalli noqdee) , in uu Nebiga (s.c.w)  yidhi:

1- Qofkiika feyda qof mu’min ah kurbo ka mid ah kurbadaha dunida, isagana Allah (s.w) baa ka feyda kurbo ka mid ah kuwa qiyaamah.

2- Qofkiiu xoolo gooya qof sabool ah,  isaganaAllee baa u xoolo gooya  ifka iyo aakhiraba.

3- Qofkiiu xiil qariya qof muslim ah, isagana Allee baa ceebihiisa astura if iyo akhiriba.

4- Qofkii jid mara isago cilmi doonaya Allee baa u fududeeya jidka Jannada loo maroo.

Ilaahay wuu u gargaaaraa addoomadiisa inta qofku u gargaarayo walaalahiisa.

Haddi ay jamaaca ku kulanto guri ka mid ah guryaha Ilaahay ( waa sidaa Masajiida iyo Masaloyinka ..)   iyagoo akhrisanaya Kitaab Allee waa Qur’aanka oo isbaraya,waxa ku soo degeysa xasilloonaan, waxadabooleysa naxariistii Allee (swt),Malaa’iktuna way la safanaysaa, Ilaahayna wuxuu ku xusayaa khalqiga agtiisa jooga.

5- Qofki camalkiisu reebo nasabkiisu  meel marin maayo..

(Waxaaso Weriye Xadiiskan Muslim , Saxadisuuna Waa Saxiix)

Marka xadiiskan waa xadis cajayiib badaan oo macnaa badaan kuu salaysan, sababtoo ah wakhtiiga xadirka ah oo  waaxad mooda inuu bulshadeena iyo dhibatoyinkaa sii  toos ah kaa maacno bixinayo iyo digniin xag walbaa, balse Insha’Allah  xogga baan  dhuxidiisa kuu rageynaa.

Xadiskanii wuxuu ku saabsan yahaay marka xubin amba xubnoo  ka mid ah bulshadadhibaato qabsato sidi waax looga qaban lahaa XAAL..,

wuxuu so qaatay xadiiskan dhowr qodob.

1-Qodobka kobaad waaxa weeyan markay dhibatoo amba kurbo iyo laxaw ku abuurtoqofka walaalka ee muslimka ah, wax kastaba ha noqotee dhibaatadaasi , sidaxanuun amba cuduroo uu u tabar waayay inuu kaa so baxoodhicii  nolool malmeedkii sidaa  masrufkiireerka,  bahaadi toolkaa , zakaadi iyo iwm…

Marka Allee (sw) wuxuu u ballanqaaday qofkadhibaatadaa ka saara qof muslim ah in isagana Ilaahay ka saari doonodhibaatoyinka kulul Maalinta Qiyaamaha waa maalin laaka firdhinayoo labadiiiskuu jecleyd  aduunka, oo cidna cid wax uu fidinayn, qofkastana  wuxuuoo kuu dhawaqaa Nafsii!! Nafsii!! aniiga Nafteydaa!! Nafteydaa !!!

Haddaba, Qofkii  isagoo cudur qadaa dhigayoodawoo  uu soo qaada markanaa Alle(sw)  kuu bogsiyaa waxaaiska leh abaalkaas dhakhtarkii cudurka gartay, kii daawada sameeyey , sidookalee kii bixiyey kharajka , kii soo qadey daawada iyo qofkii buukey.. iwm…

Sidoo kale qofkii hanuuniyaa  qofbaadi kuu jiira marka  kuu toosiyaa jidkaa xaqaa  ooxanuunkii qalbii  kaa saraa taas waa lamiid iyaadna oo Allee (sw) waakaa abalguudi maalintaa Qiyame,  oo waa maalintee ( Waa Maalinta aynau hanannin Nafna Naf  kale waxba , amarkana maalintaas waxaa iska leh Eebe waa  Suurat Al -Infidhaar1-9.

2- Taan Labaad waa qofka ay dhibaato kahaysato xagga dhaqaaalaha ee saboolka ah waxaa Ilaahay (sw) uu ballan qadaay qofkii cidhiidhiga ka saraa inisagana Ilaahay ka saari doono cidhiidhiga ifka iyo mid aakhiraba, waxanaa jirainaan cidhiidhiga ka bixinta aan loola jeedin oo keli ah in qofka walaalka ambawalashaa ee muslimka ah gajoo loo qudiyo.

Waxaa loojeedaa in laga kaalmeeyo siduu cidhiidhiga uga bixi lahaa oo u lugihiisa isugutaagi lahaa.  Tusaale ahaan , waxaa la bari karaa xirfaad ama cilmiuu ku shaqaysto.

Waxa loosamayn karaa mashruuc uu ka shaqeeyo , waaxa la bariikaara waax badaan oo aywalaalka amba walashaa kaaga  kaftoomii karaan, wixi yara eedkuu  turi jirtey sida dhowr dollar oo weey kaa hadheysaa oo  reerko dhaan buu waxtari oo wuxuu yelan dheef qofkasii hadi Raxmanku  sugoooo  waa laguu dhargidonaa Insha’Allah.

3- TaanSaddexaad waa Qofka Walaalka amba Walaasha ee  Muslimka ah ee aad kuuaragtid ceebo u  leyahay oo aanu jecleyn in lagu ogaada marka qofkiiceeb muslim ogaaday ee qariya, waxaa Allee (sw) u ballanqaday in isagana looqarin donoo ceebihiisa if iyo aakhiraba,

laakin ceebahala qarinaayo kuma jiraan kuwa xuquuqda dadka kale kuu dayacmeyso,

Matalan qofkiiku xadgudbaya xoolo ama sharfata iyo cirdiga dad kale inaad qarisoo maahaa , gaar ahaan haddi marag laguu qabsado, waxaana caddaynaya aayado iyoaxaadiis kale inaan waxyaaalaha ceynkaas ah qofka an loogu ceeb qarinaynin.

Haddaba , wuxu xadiiskani ku hanuuniyeymuslimkii horee iyo kaan wakhtigaa xadiirka jogaa iyo kan so socdabaa inuu kaadhikto hubkii uu kaga bixi karii lahaa dhibaatooyinka dhammantood, hubkaas ooah kaan cilmiga, waxaan ugu baaqay dhaaman qofkasta inuu cilmiga barashadiisaaisku shuqliya in Allee (sw) u fududeynaayo jidka Jannada

“Al’Fardowsa Wal’ Acla ,  Allahuma Acdini Fardowsa Wal’acla waa dakhalniicalaal abraar , Insha’Allah dhahaa  Allahuma Amiin !!Allahuma Amiin!!Amiin.

Waxaa  weyanwalaalayal  cilmigu sida ka muqata xadiiskan cajayibka badan AllahumaCajayib! kuma koobna cilmiga diniga ah oo keliya, balsee  waxa sogeli kara cilmi kasta oo wax tar leh  oo sharciga Allee (sw) aankhilaafasaneyn oo Qofkii dhibka Jahligaa, Gaajada, Dhaqalahaa, XanunadaaQarkood iwm ..wax kaa qabankara abaalgud cadim aah,  oowaxanad  kaa heeli doonta  Abalgudkaa Allaha Raxmaanka eeNaxarista Badan.

Waxaan kuu dharanayaa Allaah Nafteyda iyoUnkaan khalqay inaan ciyaar ciyaar iyo dheel dheel iyo kaftaanreer magaal lagu geleynin Janadaa Allee ee balsee shaqo iyo dadaal badanoo Ikhlaas Lilahiyaa kuu saleysaan in la isweydiin donaa.

Wuxuu kolee xadiisku sheegay abaal gudwayninay leehiyhiin dadka mel ku wada kulma iyagoo akhrisanaya oo baranaya kitaabkaIlaahay waa Quranka, waxa loogu abaal gudayaa xasilloonaan iyo naxariista Alleeoo lagu dejinayo, Malaa’iktaa Allee oo an marnaba casiyiin Raxmaanka oohareerahoodaa  fadhiisanayaaa, Ilahayna (sw) kuu ammani doono  khalqigajogga agtisa.

AllahuAkbaar! Bal kaa waaran Raxmankii kuu umay ooku  siyeey nicmoyiinkan oo halkaan an lagu so kobii kariin ookuu xusaaya.

Masha’Allah nicmoyiin kaa adunka Rabii noogumahaadnaqay waa Kitab Qur’anku waa Nur oo waa  Qawlkii Allee (sw).

Allee(sw) wuxii Yidhii: “  Waxaa Eebe uu khushuuca waxa samooyinkaiyo dhulka ku sugan isaga awood leh, waana kan addomadiisa wanaaga u falay eeuu soo diray Rasuul Bani Adan ah, si uu hannuniyo waxna u Barokuwa  jooga iyo kuwa imaandoona waa inagaa.

Xaalkaasnawaa xaal weyn  oo khayr ah ciddu doona yuuna siiya, illeen waa deeqbadanee, Suraat Al-Jumucah 1-4. “

Waaxan kuu so khatimaya  wacdigaanoo ah is xasusiin iyo dhirigaliin walaloyaal amba hunnoyal, sidaa dadka lagukala soocayo marku Raxmankuu abaal marinaayo addomadiisa  oo ah axadka  kastaImaanka iyo Camalka suubaan uun la yimaado faqad,  oo lagu dari mayoXisaabta Nasabkiisa, Qabiilkiisa iyo Xoolahiisa, Sababtoo ah, Ilaahay dadka umakala dhowa mana kala xigaan dhammantood waa  addoomadiisa, waxaanalagu kala bixinayaa abaalgudkooda qof kasta wuxuu kheyr shaqaystay uuna sii qadimey iyo siduu Allee (sw) ugaa baqayey oo waa Taqwaada Baas iyo  sidii sharcigaa diinta uguu hoggansama, axaadkii camalxun la yimid waxba Nasaabkiisuu iyo Qabilkiisu u tari mayo ilaa man Raximullah.

Allee (sw) wuxuu yidhii: “ Caabuda Eebe hanalawadaajinina waxba, labada waalidna u wanaag fala, iyo qarabada , agoonta ,maasakiinta, dariska dhaw, dariska durugsan, saaxiibka dhinaca socotada  iyo waxay hanatay gacmihiinu, Eebana ma jeclacidda Kibirka badan ee faanka badan. Waa Suurat An-Nisaa .36 “

Wiixi an khaldeyna xagaa shandanka walciyadubilah iyo naafteeda weeyan,

wixii an saxeynaa waa wax xaga Rabii ka yimid,Waa Al-Xamdulilah, Wastaqfiirulah Lii Danbi, Wasalatu WasalamuCaleykum  Salam, An Nebiyuuna, Al- Mustafa, Muxammed, Wal khatimuAl’Anbiyahi, Wal ‘Mursalin, Salalahu Caleyhi Wasalam, Waa billahi TowfiqAjmaciin.

WaaSalaamu Caleykum, Wa Raxmatulahii , Waa Barakatahuu.
Sh. Saciid Xasan Beerujif
Ottawa, Canada

Waxaa laga yaabaa in barnaamijkaan dartii aan maalin walbo soo galo qadka webkan, anna waxaa ku biirin lahaa heestii Cigaal iyo Shankaroon ay isla talan taalinaayeen ee Gacalo, waa hees miraheeda aan aad uga daba dhacay waxaan filaaya inaad ka heli doontaan;
Gacalo

Sida haro gigimanoo
Biyo galac ka leeyiin
Geesahana doogiyo
Ubaxii is gaadheen
Laga guurin waligeed
Waxad tahey gadeedii
Sida galab cadceedoo
Godka lagu ganbiyey
Gaban mayo aniguye
Waan is guursaneynaa
Adna gacaladeydaay
Aynu guri yagleelee
Geestaada ila qabo

Sida geenyo uguboo
Geesigu rabeeystoo
Gayigoo barwaqaa
Naqa goosaneysaa
Oon gaajo aragoo
Galabtii la daawado
Waxad tahey gadeedoo
Waxad guri ku leedahey
Halbawlaha guntiisiyo
Wadnaha gararkiisee
Adna gacaladeydaay
Aynu guri yagleelnee
Geestaada ila qabo

And here is the original of gacalo by Ahmed Ali Egal And Shankaroon Ahmed Sagal

Cigaal

Sida haro gigimanoo
Biyo galac ka leeyiin
Geesahana doogiyo
Ubaxii is gaadheen
Laga guurin waligeed
Waxad tahey gadeedii
Sida galab cadceedoo
Godka lagu ganbiyey
Gaban mayo aniguye
Waan is guursaneynaa
Adna gacaladeydaay
Aynu guri yagleelee
Geestaada ila qabo

Shankaroon

Haddaan anigu go’ayoo
Cudurkaad I galisey
Intuu halista ii galey
Aan gabey talaabada
Geeri iyo god mooyee
Ifka gogoli ii ool
Waxa sida tan ii galey
Garaad xume jacaylbaa
Xeryo igu ganbiyayoo
Geestaa I joojee
Gu waaye ha idhigin
Gago laga hayaamee
Kaaley gacanta ila qabo

Cigaal

Sida geenyo uguboo
Geesigu rabeeystoo
Gayigoo barwaqaa
Naqa goosaneysaa
Oon gaajo aragoo
Galabtii la daawado
Waxad tahey gadeedoo
Waxad guri ku leedahey
Halbawlaha guntiisiyo
Wadnaha gararkiisee
Adna gacaladeydaay
Aynu guri yagleelnee
Geestaada ila qabo.

Shankaroon

Sida qaalin geeloo
Inta uu gu roob heley
Cirka baarku gaadhoo
lagu guurin waligii
Galabtii caraabada
Marku geelu yara baxoo
Waxad tahey gediisoo
Midabkiisa gaarka ah
Sida loogu goohaan
Anna kuugu guuxaa
Go iwaaye ha idhigin
Gago laga hayaamee
Kaaley gacanta ila qabo.

Waxaan filaayaa inaad ka hesheen.

Posted by Aisha on Oct 19, 2009

Sidii horey loo sheegay waa barnaamij wanaaagsan aniga waxaan ku darsan lahaa heestii jaceylka aheyd ee Cumar Dhuule (allaha u naxariistee)
Geesi iyo hanad baa [Cumar Dhuule]

Geesi iyo hanad baa
La gaboodsadaa
Rag ninkii wax garadaa
La gar waaqsadaa
Waa nin gala abaaloo
Gudi kara wanaagoo
Samo kugu gargaree
Gar eexiyo
Adoon godob u malayn
Hawsha ila gal
Ama gooni noqoo
Aan kaa go’ee
Aan kaa go’ee

Galad iyo ayaan baa
Lagu guursadaa
Talo aad gorfaysaa
Geed lala tagaa
Runta laga garaabaa
Layskuma gayaxa oo
Gees lagama eegee
Gar eexiyo
Adoon godob u malayn
Gar eexiyo
Adoon godob u malayn
Hawsaha ila gal
Ama gooni noqoo
Aan ka go’ee
Aan ka go’ee

Gaban maayo aniguye
Adaan kuu go’ee
Jacaylbaa I gooyee
Adna ii garaw
Haygu noqonin
Geed adag
Aan go’I karaynoo
Gacmaa daalinaayee
Gar eexiyo
Adoon godob u malayn
Hawsaha ila gal
Ama gooni noqoo
Aan ka go’ee
Aan ka go’ee

Posted by Falaar on Oct 19, 2009

Marka hore aad baad ugu mahadsan tihiin, barnaamijkan aad inoo sameyseen waxaan filayaa inuu noqdo mid wax ku ool ah.
Haddii runtii aan anigu qaato fursadda ugu horeysa waxaan jecleystay inaan soo bandhigo miraha heesta qaranka ee Soomaaliyeey Toosoo, waana sidtan;
Soomaaliyeey toosoo
Toosoo isku tiirsada ee
Hadba kiina taag daranee
Taageera waligiinee.
Ummadyahay mar kale toosoo
Calankiina wada tiirshoo,
Danta guud ku taagsada oo
Isu wada tanaasula eey.
Somaliyaay toosoo
Toosoo isku tiirsada ee
Hadba kiina taag daranee
Taageera waligiinee.
Tawaabkoo qudhaa bixiyoo
Gobannimada taam ka dhigee,
Rabbi toobad weyddiistoo
Talo saarta Weynaha eey.
Somaliyaay toosoo
Toosoo isku tiirsada ee
Hadba kiina taag daranee
Taageera waligiinee.
Qabiilkaad ku tookhdaan baa
Qawmiyaddaada kaa tira oo,
Tayo li’ida qoys-qoyskaa
Idin bada tabaalaha eey.
Somaliyaay toosoo
Toosoo isku tiirsada ee
Hadba kiina taag daranee
Taageera waligiinee.
Inuu Naar ku taro mooyee
Dagaal ehel ma taabaggalee,
Shacabkaa in loo turo oo
La tabantaabsho kaa mudaneey!
Somaliyaay toosoo
Toosoo isku tiirsada ee
Hadba kiina taag daranee
Taageera waligiinee.
Curaddadaada taargo’ayaa
Tiiraanyo qaran weeyee,
Walaalkiis kan tooganayow
Adays jaray tagoogaha eey.
Somaliyaay toosoo
Toosoo isku tiirsada ee
Hadba kiina taag daranee
Taageera waligiinee.
Quruun teeda hanan weydaa
Tiqo kuma leh dunideenee,
Adduunyada ka tamin qaadtoo
Assaagiina tiigsada eey.

Gabay kasta oo abwaanku unko waxaa ku xambaara dareen ama sabab gooni ah.   Dareenkaa iyo Sababahaa oo badan waxaa ka mid ah qoonsi uu abwaanku qoonsado gabay mid kale tiriyey.  Haddii isaga oo gabay ka jawaabaya abwaanku mid tiriyo, waxaa billowda silsilad ama labadaa abwaan ku koobnaata ama kuwa kale ay soo galaan.  Qormadan waxaan ku dulmari doonaa gabayada taxanaha noqda ee labo gabayaa ama ka badan ay ka qeyb qaataan iyaga oo istixraacaya, gundhacooduna u noqonayo hal dhacdo ama mawduuc.

Gabayada silsiladda ah ee rag badani foodda isku daray way ku badan yihiin suugaanta Soomaaliyeed, waxayna gabayada noocaa ahi horseedaan in abwaanadu isdhaafsadaan xikmad dhumuc weyn oo aysan soo daayeen haddii aanay silsiladdaasi jirin.  Inta badan waxay u billowdaan si kadiso ah oo aan qorshe hore lahayn.  Abwaan ayaa qoonsada ummuur taagan dabadeed dareenkiisa ku rogroga duruufaha u muuqda.  Mid kale ayaa dubaaqiisa, lid ama taageero, cabbira oo ama jawaab garaabid ah bixiya ama mid gawrin ah dhiiba.  Kolkaa ayey dhexdooda ka oogantaa oo ay noqotaa “waa Shilaaboo, waa shan xadhiglee, nin walbow shubo.”

Qiimo iyo sharaf midna ma yeelato silsiladdu haddii ay qorshe ku dhisan tahay oo inta aysan  wali billaaban lagu heshiiyo mawduucii laga gabyi lahaa, meeshii lagu tirin lahaa, abwaankii soo gali lahaa iwm.  Inay ka filo ka fado tahay oo ay gabyaaga xigi doona kii hadda dhameeyey iyo gabaygiisu sidduu noqon doonaba dadweynuhu, tuhun waa halkiisee, u tooghayaan ayaa qiimaheeda samada ku laala.

Silsiladdaha caan baxay waxaa ka mid ah Guba.  Guba markaan leenahay waxaan ujeednaa Gubadii dhabta ahayd ee Ogaadeen dhexdii ka fuftay ee 13ka gabayaa oo wada qoyskaa ahi ka qaybqaateen.  Waxaa kaloo ka mid ah silsiladdaha caanka ah Rayad.  Rayad waa silsiladdii Cali-dhuux Aadan Goroyo billaabay, kuwo aan xogogaal ahaynina si khaldan iyadna Guba ugu yeedho.  Silsiladdaha kale ee baahay waxaa ka mid ah Haameey ama Halac Dheere, Reer Warfaa vs. Maalinguur, Daba la’, Hurgumo, Deelleey, Olal Reema, iyo kuwa kale, (ikk).

GUBA

Guba waxay curatay abbaaraha horraantii 1910aad, waxayna socotay muddo 10 sano ku dhow.  Waxaa ugu magacdheer ragga Guba ka qeyb qaatay Saahid Qamaan Cali, Qamaan Bulxan Yuusuf, Xasan Yuusuf, Cabdi Shinni, Gurraase Xaaji Cali, ikk.  Waxay ka koobnayd ugu yaraan 13 gabay waxayna ka billaabatay Iriirka Siiga Boqorka oo ku yaala banka caanka ah ee Qorraxeey. Waxay silsiladdani mudan tahay raadgooyo dhinac walba ah si gabayadii qaangaadhka ahaa ee la isdhaafsaday oo dhamaystiran loo helo. www.doollo.com gabayo badan oo Guba ka mid ah ayuu isu keenay dhawaana aanu soo gudbin doonaa.  Gabayada aan hadda gacanta ku hayno iyo ragga isugu buntuftay silsiladdaa markii aanu qiimeynay, waxaa hubaal ah Guba taabideedu inay suugaanta Soomaaliyeed xarago iyo maamuus ku kordhin doonto.  Magacu wuxuu ka raacay beydkii Saahid ee ahaa:  “in dhawayd wax igu garaanjiriyo, Guba ma faadhfaadhin.”

Silsiladdani waxay u dhaxaysay niman xayndaab hoose wadaaga oo ugaaskii u arimin jiray iyo xukunkiisii la isku maandhaafay, dabadeed rag la kala dilay iyo aragtiyo is dabamarsan gabayo badan laga tiriyey.

HAAMEEY ama HALAC DHEERE

Waxay ka billaabatay Bariga Soomaaliya, waxaana billaaby Cali Sharmarke.  Wiilal xidid iyo martiba ahaa oo loo loogay hase yeeshee hadal aan dhaqanka Soomaalida ku habboonayn la maqashiiyey ayey ka kacday. Ragga caanka ka ah ee soo galay waxaa ka mid ahaa Qamaan Bulxan, Xuseen Dhiqle, Cali Dhuux Aadan, Camanje Yogol,  Ibraahin Cayo iyo Faarax Caytame oo ugu dambayntii kusoo af-jaray gabaygiisii wada qafilnaa ee Af-Gudhiye.

Waxay silsiladdani u xuub-siibatay hal-xidhaale iyo in fagaare labadii dhinac ee isku hayey ku kala foodqaadan.   Waxaa ku libaystay oo xujooyinkoodii la furi waayey Faarax Caytame iyo raggii la qeyrada ahaa.  Magacu wuxuu ka raacay tixihii Ibraahim Cayo iyo Nabaddiid Gurraase:

“Haameey xaggee jiray markii, Halac la sheegaayey,” iyo “Halac Dheere nimankii sanado, hayn jiraan nahaye” oo asalkeeda Nabaddiid Gurraase lahaa laakiin Cali Sharmarke afaraydiisii ku daray.

 

REER WARFAA iyo  MAALINGUUR

Silsiladan in kasta oo aad looga tiriyo goboladii ay ka fuftay, waxaa la odhan karaa Soomaali Weyn dhexdeeda siddii la rabay uguma faafin.  Waxay dhexmartay laba qoys oo Ogaadeen ah sida cinwaankaba ka muuqata, waxayna socotay muddo dheer.  Wax la isula hadhay iyo maaddo laga gabyi karo oo raggii soo galay carabka la gafeyna lama sheegin.  Labada dhinacba rag tiiri ah ayaa soo gafray gabayo dhammaan boqol lagala bax ah.

Waxaa ka mid ahaa raggii caanka ahaa ee ka qeyb qaatay Maxamed Cumar Dage, Xuseen Hudle, Buraale Cali Ubaxle oo dhanka Reer Warfaa ahaa iyo Baarleex, iyo Aw Faarax Jibriil oo dhinaca Maalin Guur ahaa.  Rag kale ayaa jiray.  Waxay silsiladani u baahan tahay baadhis qoto dheer.

Waxaa kale oo xusid mudan Maxamuud Cali Beenaleey oo aan labadaa qoys midna ahayn inuu gabay dhexdhexaad ah ku darsaday kadib markii niman shirqool waday ay isku dayeen inay kusoo jiidaan hardankii maansada.  Ninka rabay inuu Maxamuud soo galo gabayga labada dhinacba waa lagu sheegaa, waxayse u badan tahay inuu Reer Warfaa ahaa.  Baydadka ninkaa cidduu dooniba ha ahaadee waxaa ka mid ahaa:

–  Inta Bari degtiyo Reer Warfaa, ha is bahaysteene

–  Balanqabaha Doolaal Jiciir, haysku badiyeene

–  Bar hadduu u tari Muumin Cali, ha isku biirsheene

Maxamuud Cali Beenaleey wuxuu tiriyey gabay dheer oo kusoo caano shubtay beydadkan hoose:

–  Basarxumo inuu Reer Warfaa, budulka qaadsiiyey

–  Iyo inay bacdii Maalin-Guur, baanisanhan keentey

–  Beentiyo runtuba waadhow bay, kala baxaayaane

–  Aan baxnaansho xaajada kobtii, badhida loo saaro

 

RAYAD (Dadka qaar ayaa Guba si khaldan ugu yeedha silsiladdan)

Waxaa billaabay Cali Dhuux Aadan Gorayo isaga ayaana soo af-jaray.  Ragga caanka ah ee ka qeyb qaatay waxaa ka mid ahaa Qamaan Bulxan, Maxamed Fiin, Maxamed Cumar Dage, Salaan Carabeey, iyo Maxamuud Bidhiidh.  Waxay ka billaabatay Doollo.  Sheekadani waxay salka ku haysay Ingiriis iyo Talyaani ku hardamaya geyiga Soomaaliyeed oo qabaa’il xurgufi dhextaalay isku hubeeyey sida gabayadaba ku cad.

Waxay socotay mudo dheer waxaana aakhirkii bud-dhige u noqday Maxamed Cumar Dage oo habeenkii ay bil kowsatay waa wiil la yidhi.  Maxamed wuxuu tiriyey gabayo dhawr ah oo Cali Dhuux ku qasbay inuu calanka cad taago silsiladdiina dabro.  Dadka Guba silsilladan ugu yeedha waxay maqleen beydkii Qamaan ee ahaa:  “geeraarka iyo faanku saw, Guba la xeer ma aha”, dabadeed iyagoo warmoogayaal ah Guba uun iskaga dhawaaqeen.

Silsiladdani waxay ka mid tahay kuwa ugu magac dheer suugaanta Soomaaliyeed xilliga ay socotay, deegaanka ay ka curatay, raggii soo galay, mawduuca ay ku saabsanayd, iyo sababo kale awgood.  Nasiib darose been abuur badan, eex, iyo nin jeclaysi ayaa lagu dheehay soo gudbinteeda sidaa daraadeed dhacdooyinka sheekadan la xidhiidha iyo taariikhdeeda oo badhax la’ dadka hayaa ama og aad ayey u kooban yihiin.

CAMANJE, GEELE, BEENALEEY, IYO DHUUX

Silsiladdan waxaa kiciyey neef geel ah oo ay niman Camanje (Abasguul) ku eedeeyeen inuu ka dhacay.  Camanje ma arag, halna sida dhaqankanagu yahay ma xadno ee haddii aan dhac u badheedhno geel kii Lafa-Ruug iyo Hiil Weyne oo kale ah ayaan mooraduugnaa ayuu ku dacwiyey, hase yeeshee nimankii warkaa way qaadan waayeen.  Wuxuu haddaba codsaday inay u yimaadaan si uu kitaab baallaha u jaro.  Way usoo shireen iyagoo isleh ha idiin dhaarto. Kolkii dhaar laga sugayey ayuu gabay tiriyey.  Waxaa ka mid ahaa:

–  Nimanyahoow hashiinii ma arag, waana la hubaaye

–  Waa taan hudheelaha galaa, hogoga Iidoore

–  Waa taan hariirsade gubaa, dhuxuli hoos taale

–  Waa taan makhaayado hurshaa, halow i leefaaye

–  Haweenkaygu waateey midgaha, hilib ka iibshaane

Nimankii tu xunbaa ka raacday waxayna ku baaneen inay qeylo-dhaan degaankoodii ku dhex tuuri doonaan, gabay jawaab ahna soo diri doonaan.  Orda oo waxaad doontaan soo dira ayuu Camanje isku koobay.  Muddo ayuu sugay hase yeeshee waxba wuu ka iman waayey haddii uu toydayna waxaa loo sheegay in nin gabya oo qurbaawi ah oo dhoof ku maqan lala sugayo.  Bal ha iska yimaado oo wax uun hasoo diro ayuu yidhi Camanje.  Muddo kale ayuu sugay oo sugay.  Markii cid fariin baan ku wadaa dhagta u saarta uu waayey ayuu mar kale afkiisa furtay oo uu tiriyey gabay ay ku jirtay:

–  Gabay haw yidhaahdoo ku dhaca, Cadan hagaageeda

–  Oo hamug yidhaa oo Isaaq, daartii wada heensha

–  Oo halaha kii raaci jiray, kaga hayaay siiya… wuxuu ku dhameeyey

–  Hadduu aar hal dilo oo dhurwaa, hilib usoo doonto

–  Hungurina ka geyn waa kalyana, kuma hagaajaane

–  Huuhdooda unbaad maqliye, lay hor iman maayo

Cali Geele (Arab, Isaaq) ayaa gabaygii Camanje maqlay oo muddo ka dib go’aan ku gaadhay inaan Camanje dhawrasho dambe lahayn, in cid kale lala sugana aysan daw ahayn.  Mid jawaab ah ayuu soo laliyey.  Waxaa ka mid ahaa:

–  Abasguul Isaaq inaan la simo, igama eegtaane

–  Aanada rag kale haw dhintee, eray yar baan baanay…

–  Waa taan Ogaadeen noqdaa, aharta diidaaye

–  Waa taan agoon xooleheed, ku intifaacaaye

–  Waa taan adduunkoon la dhicin, ka aradnaadaaye…

Cali Geele halkaa haddii uu ka bud yidhi, Camanje ayaa la yaabay sababta Cali gabayga ugu jiiday Ogaadeen.  Wuxuu haddaba sida la wariyey ku xawilay abwaanadii qoyskaa oo uu yidhi “ama way iga baqeen nimanku ama way i balfeen ee u jawaaba.”  Maxamuud Cali Beenaleey (Ogaadeen) ayey saddexdii tixoodba gaadheen dabadeed wuxuu ku darsaday gabay ay ka mid ahayd:

–  Waa taan makhnuud iyo noqdaa, makhawad Iidoore..

–  Waa taan mindiyo uus leh iyo, malafsadaa dhiig e

–  Margiyada iyo waa taan garbaha, malax ku yeeshaaye

–  Waa taan middaan dhalay idhaa, maydhan yaa gadane

–  Waa taan nin aan maaganayn, maro u saaraaye

–  Waa taan maryamo luuli iyo, magacyo sheegaaye

–  Waa taan mushtaro baayacaa, suuqa mariyaaye

–  Waa tii Maxooliga Kufrigu, igu maraacshaaye…

Maax Dhagoole (Ogaadeen) ayaa markii ay gabayadii ay is dhaafsadeen Camanje, Cali Geele, Beenaleey loo geeyey wuxuu isna ku darsaday gabay ay ka mid ahayd:

–  Abtiyaashay anigaa aqaan, nimanka Iidoore

–  Ha ka aamusnaadeen Absame, waan abhinayaaye 

–  Aroortay yimaadeen iyagoo, awr faruur xidhane

–  Irriduu yaxoobaa siddii, ood fadhiisin ahee

–  Uurtuu ka reemaa siddii, igadh cayuumeede  

–  Cirka oo unkadi buu yidhaa, adhiga ii looge

–  Aqal aad ah buul ooraluu, ka ag samaystaaye

–  Aagaamuhuu kala yaqaan, ta u iniin roone…

Cali Dhuux (Dhulbahante) ayaa maqlay oo isna isagoo dhinaca saaraya Camanje iyo Maxamuud xagga Galbeedka usoo diray mid ay ku jirtay:

–  Waa taan wan weyn dhinacii iyo, dhabarkii tuujaaye

–  Waa taan intaan kala dhigdhigo, dheriga heenshaaye

–  Waa taan middii ii dhexdayoo, dhowri kariyaaye  

–  Waa taan in soo dhibicsadaa, dhaahiyaha fuud e

–  Waa taan fartaa dhuuban iyo, dhuraha leefaaye

–  Dhab calool ah waa taan wadniyo, dhabano iibshaaye

–  Waa taan dharkaygii xarago, dharas ku laabtaaye

Silsildaddan cid magac u bixisay ma maqal, rag intan ka badan oo soo galayna dadka qaar ayaa sheega.  Baadhis ayey mudan tahay.

 

XARBI ISMAACIIL iyo QOWDHAN DUCAALE

Waxaa dhacda silsilad laba nin kaliya dhex marta oo aan cid kale soo galin.  Waxaan isleeyahay kuwa noocaa

ah waxaa ugu caansan Xarbi Ismaaciil Samatar iyo Qawdhan Ducaale lagatan xagga maansada ahaa oo u

dhexeeyey.  Labadaa nin oo midkood walba af-hayeen u ahaa qoyskiisa waxay is dhaafsan jireen gabayo badan

oo dhaadasho iyo goodiba isuga jiray.

Xarbi Ismaaciil ayaa bari gabay digasho ah dhinaca Qawdhan iyo qoykiisa u diray.  Qawdhan ayaa gabaygii dhibsaday oo tix kaga soo jawaabay.  Tixdaa waxaa ka mid ahaa:

–  Xarbiyow gabaygu waa kaa tasaqay, wuuna kaa tagaye

–  Waana kaa tawaawacay haddaad, toosi leedahaye

–  Adigiyo tumaal beentu waa, mid aad taqaanaane

–  Ma adigaa tubtii geela iyo, tagay awaarihiiba

Xarbi ayaa is weydiiyey sababta adiga iyo tumaal beentu, waa mid aad taqaanaane Qawdhan gabayga ugu daray

Kalmad tarbiico leh in gabayga laga dhawro sawtay muhiimka ahaan jirtay.  Deelqaafka iyo gebidhacu saw

gabayga cadowgii ma ahaan jirin.  Qawdhan ayuu haddaba arintaa ku gawriyey oo wuxuu Xarbi mariyey tix ay

ka mid ahaayeen beydadkan hoose.

–  Tisqaad ma laha gabay uu nin kale, eega tiriyaaye

–  Waxaase tayda loo wada hayaa, waa tamaamnimo e

–  Tabtaasaan ahaa eega iyo, toban jirkaygiiye

–  Ha yeeshee nin taliyaa afxumo, sooma tooxsado e

–  Waadse iigu tagi cay haddii, layga tiigsado e

–  Tagoogtii fayoobayd siddii, turuqu kuu duulay

–  Labadii tacshiiroodba saan, kuugu wada toogtay

–  Toorida siddii loola dhacay, tima caddii daashay

–  Tafdheeriyo Ciroolaba sidaan, uga talaadaystay

–  Ma tummaatidaan kugu dhuftaad, toosi waligaaba

–  Tolse waxyeeladiisu ha jirtee, aniga yey taabtay

–  Tifbaa ugu yaroo maydinkaa, naguba soo tuuray

–  Ma taqaashan baan idinku jirin, na laga taabraaco

–  Mise waad noo turteen saw, xaggaa lagama taag waayin

 

DEELLEEY

Waxay ka billaabatay Xamar, waxaana billaabay Maxamed Gaariye.  Ragga caanka ah ee soo galay waxaa ka mid ah Maxamuud Singub, Axmed Iidaajaa, CabdiQaadir YamYam, iyo Maxamed Hadraawi.  Dad badan ayaa Deelleeyda u haysta silsilad khatar ah, laakiin waxay ka mid tahay silsiladdaha suugaanta Somaaliyeed soo maray kuwa ugu tayo liita sababo dhawr ah awgood.

1)   Waxay ku billaabatay si kaftan iyo war aynu heeso silsiladda tirino ah.  Wax hadaf ah oo hoose iyo dareen macno leh kuma dhisnayn.  Sidaan kor ku xusnay, maanso lagu sii heshiiyey waxay noqon doonto oo aan qalbi wax qoonsaday kasoo hoorin mid macno badan leh ma aha.

2)   Dhammaan waxay ahayd heeso.  Heestu waa nooca ugu sahlan ee maansada waxayna u badan tahay qof kasta oo isku daya inuu alifi karo.

3)   Waxay heesuhu dhammaan ku socdeen xarfaha Af-Soomaalka ee lagu heeso midka ugu sahlan oo ah “Deel” ama “D.”  Waxaa jiray abwaan tiriyey maanso aan aad u faafin oo 6,666 beyd ahayd

4)   Waxaa hamboori isugu tuuray qof kasta oo dhawr beyd isku xidhi karay oo xilligaa joogay, gadaalna meel ay u jeedo iyo meel ay ka jeedo toona waa la fahmi waayey.  Inay ujeedo la’aan ahayd waxaa caddaynaya beydadkii heestii Yamyam ku jiray ee ahaa:

–  Nin waliba dan kaa lehe

–  Duqdu yey i raacine

–  Deelleeydu waa shaxe

–  Aniguna hogbaan degey

Bal u fiirso, Yamyam oo ahaa ninkii afraad ee heesa ayaa xataa ku wareersan ujeedadii Deelleey ee sida raadka gaadhiga dhinac walba u jeeday.  Waxaa caado ahayd rag door ah oo dhinac kasoo wada jeeda ama isku afkaar ah oo aan waxba isku diidanayn inay isku xigaan oo ay kaliya isu marxabeeyaan.

5)   Ilaa maanta dadka qaar ayey Deellaydii u dararsan tahay oo kolba heeso cusub ayey gadaal kaga tidcaan iyagoo tixraacaya kuwa hore.

Dhawr abwaan oo Hal-abuur wanaagsan leh ayaa ku jiray.  Ujeedada qoraalkani ma aha inuu si gaar ah u qiimeeyo Deellayda oo waxaan aaminsanahay in qoraal gooni ah qiimaynteedu mudan tahay, waxaan uga dan leeyahay intaa yar inaan xuso inaan Deelleeydu, in kasta oo ay baahday, ahayn silsilad culus sababahaa aan dulmaray iyo kuwa kale awgood.  Xusid iyo magac silsiladeed ha joogtee, uma dhawa mid qudha kuwan kale ee aan kusoo qaatay qoraalkan.  Waxay, aragtidayda, u soo jiiday sooyaalka suugaanta Soomaaliyeed waji-gabax balaadhan.  Magacu wuxuu ka raacay tixo badan oo erayga “Deelleey” maray, xarafka deelka ahna way ku qotantaa dhamaanteed

 

DABA LA’

Daba La’ waxay ahayd silsilad aan aad u firdhin oo ka billaabatay Xamar, rag badan oo dhammaan deegaanka Soomaalida ee Geeska Afrika ku kala baahsanaana ay isku xinjiro-fajaaseen.  Ninkii billaabay wali ma hayo, laakiin ragga caanka ah ee soo galay waxaa ka mid ah Cabdullaahi Dhoodaan, Yuusuf Dheere Maxamed Sugaal, Gen. Siyaad Daa’uud, Maxamuud Ciise, Cabdi Sheekh Biixi, Yuusuf Colaad, iyo nin kale oo aan magaciisa koobaad oo kaliya hayo, Cabdi Wali.  Dhoodaan gabayga uu silsiladdan ku leeyahay ayey magacyada abwaanada ka qeyb qaatayi ku dhan yihiin.  Waa kii lahaa:

–  War maansooyinkuu diray Siyaad, amuu dabayl raacshay

–  Ragga dookha Ina Ciise lee, dumarada u heesa…

–  Maansada dhulkii daraf ka daraf, Yuusuf kaga daalay…

–  Cabdi Walina aan kuugu daree, tuu dareerinayey…

–  Baqaa door ah hay odhan Cabdiyoow, waa dameernimo e

–  Ina Biixi hooskii dayacay amuu, kasoo dayrshay…

–  Yuusufna waaba dow inuu yidhaa, da’ Allay badaye…

–  Dubaaqiinu suugaanta maag, walise diimoone…

Silsiladdan waxaa gunaanaday Cabdullaahi Dhoodaan oo kusoo gaabiyey gabayga magacu ka raacay ee Daba La’.  Waxay ahayd mid abwaano si gooni ah isu yaqaana, isku raasna kasoo jeeda oo is hadal fahma u dhaxaysay.  In kasta oo aanan gabayada kale badankooda arag, haddana waxaad ka fahmaysaa midka Dhoodaan in abwaanada kale isku aragti dhawaayeen, Dhoodaanna aragti tooda ka duwan ku doodayey.  Magacu wuxuu ka raacay beydkii Dhoodaan ee ahaa:

–  Haddaad Deyr rimaysiyo haddaad, been durdurinayso

–  Daba laay inaad gugan dhashaa, hadalkii loo daystay (Dabaayna waa la akhriyey)

HURGUMO

Hurgumo waa silsilad 1970aadkii uu shiniyeeyey Khaliif Sheekh Maxamuud.  Waxaa la xaqiijiyey in Khaliif Carabaha joogay markii uu gabaygii ugu horeeyey mariyey.  Waxay ahayd silsilad dawladii Maxamed Siyaad mucaarad ku ahayd.  Waxaa soo galay rag dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen Dharbaaxo Jin, Cali Cilmi Afyare, Laba Go’le, Dheeg iyo kuwa kale.  Khaliif oo dhinac ah iyo intooda kale oo dhinaca kale ah ayey ku socotay, waxaase ugu cadcaddaa ragga Khaliif geed walba ka saaray Dharbaaxo Jin oo aad moodo inuu si gooni ah ubbada ugu biyeystay inaan Khaliif kala nabar dambayn.  Dharbaaxo Jin wuxuu gabay-hayeen u ahaa Soomaalida inteeda kale Khaliifna qoyskiisa.  Waxaa ku jiray abayadiisa midkood:

–  Mar unbaa mid lagu meelmariyo, maahir noo kiciye

–  Mar unbaan rag wada miigan iyo, miiddi soo bixine

–  Mar unbaan malkada CabudWaaq, Miig kusoo dagiye

Cabdi Galayax ayey intaasi si gooni ah u dhibtay oo jawaab ka bixiyey.  Wuxuu yidhi:

–  Mar haddii malkada Cabudwaaq, miig cagaha saaro

–  Iyaba Qandala iyo Caluula, ciiddu wey gubane

–  Cidihiinu meeshey dagaan, yaa ka celin doona

Dharbaaxo Jin isna waxaa gabay gabayadiisa ka mid ah ku jiray tix middaa jawaab u ah:

–  Inkastood Colaad maamushood, wax is muhiimsiiso

–  Inkastood Kufriga Moosko iyo, Mililik soo raacdo

–  Inkastood hub magac weyn leh iyo, Miigba lagu siiyo

–  Inkastood magaalada Qandala, oohin kula meerto

–  Ma adaa Malkada CabduWaaq, Miig ku tagi doona

–  Saw inaan mataanaha ku jari, miimka kuma taalo

Khaliif wuxuu ugu dambayn dagaal ooge ka noqday Jabhaddii SSDF waxaana, gabyaagu waa afku leeblee,  sida Dharbaaxo Jin ku goodiyey, Laba Go’lena ku hubaaray lagu dilay degmada Galdogob dagaalkii Xabashida iyo Soomaalida ku dhexmaray.

Waxaan si gaar ah uga helay sida Khaliif iyo Dharbaaxo Jin iyagoo isu jawaabaya ay haddana u kala  faanayaan ee uu midba ka kale gabay liita iyo beyd gaabnimo ugu tuhmayo.  Waxaa ka mid ahaa beydadkii ay isdhaafsadeen:

Khaliif

–  Nimankii aan la maansoon lahaa, mahayo maandhoowe
–  Hadduu Qaasim soo muri lahaa, kama masuugeene
–  Masalooyinkii Reer Gahayr, iima soo marine
–  Waxay dib ugu maageen talay, madal ku gaareene

Dharbaaxi Jin

–  Raggiise aan la maansoon lahaa, aakharo u meerye
–  Raagihii mudnaa iyo Qamaan, mawdki baa helay’e
–  Seyidkii murtida sheegi jirey, meel fog buu tegaye
–  Masalooyin Cali-Dhuux lahaa, iima soo marine
–  Ismaaciil Miriyo Cumar Dagaanan, kaga masuugeene
–  Mujiibtuba khasaaray ku tahay, badaw Majeerteene

OLAL REEMA

Silsiladdan waxaa 1979 furay nin lagu magacaabo Cali Banfis oo reer Hargaysa ah laakiin xilligaa Xamar joogay.  Waxaa soo galay rag badan oo laba dhinac kala ahaa oo ay ka mid ahaayeen Maxamuud Maxamed Fidhin, Yuusuf Colaad, Maxamed Gandaal, Cumar Fakad, Axmed Makayte, Maxamuud Dheeg, Bashiir, iyo kuwo kale.  Tusaale ahaan bal beydad ay is dhaafsadeen Banfis iyo Fakad aan kuusoo dhufto.

Banfis ayaa ku horeeyey oo wuxuu yidhi:

–  Goobtii Mandheeriyo halkii, gaadhka lagu toogtay

–  Saw buuralaydii aan galay, gacan libaax ma aha

–  Gariirshaha qalalan saw wadnaha, kaan u galay ma aha

–  Giddigiiba Daaroodku saw kaan, ganbiyey ma aha

Fakad ayaa la booday oo ku jawaabay:

–  Ma garaabayahow Eebahay, gooyey xadhigiisa

–  Guushaad ku faanayso iyo, goolka aad dhalisay

–  Asgari jeelka aad ugu gashayoo, gaadday saw ma aha

–  Saw laba nin ood gawracdayoo, gama’sanayd ma aha

–  Gashi aanu kugu yeelaniyo, godob xun saw ma aha

–  Geesaha markii aan kaa mareen, gaadhka kugu meershay

–  Saw buuralaydii aad gasheen, gacan libaax ma aha?… 

Waxaa ku noqday Banfis oo yidhi isagoo qoyskiisa la hadlaya:

–  Dawladii aad tuurtaa nabsigu, kugu dilaayaaye

–  Walaalkaad lahayd nagu dar, eed igu dayuucaysay

–  Waa kaa dameer kaa dhigtaye, duudka kaa raraye

–  Dadkoo wada hayaamaaya baad, ugu dambaysaane

–  Duqdu waa shan madaxleey, haddaad dili karaysaane

–  Calaacalaha darandoorigii, duubka ka idleeye

–  Doqontaa Ilaah baa i baday, digigixoonayne

–  Marduufkaa laguu duubayaa, dunidii kaa reebye
–  Dabbaal iyo mirqaan lagu jiraa, door ma kaafiyo e

–  Magaaladu hadday durugto, waa daris qalaadeede

–  Waar damqadoo kakaca meeshan unbaad, dalab ciyaartaane

Waxaa u jawaabay Yuusuf Colaad oo waxaa ka mid ahaa jawaabtiisii.

–  Danbarkeeda maandeeq adaa, maalay darartiiye

–  Dibjirna waa ilaashaa ku qada, dibadihiisaaye

–  Dubai iyo Sucuudiga intaad, dollarka eryeysay

–  Waagii dilaacaba ragbaa, cadowgu dooxaaye

–  Waagii dad-weynuhu kacay, iyo doonistii calanka

–  Afartii kacaan ee dalka, ee is daba joogay

–  Dadkii lumay wixii duni burburay, amase dhiig daatay

–  Dubkay adag haddii aadan u hadlayn, ama is daaxuurin

–  Dagaalada halkaad kaga jirteen, maad dadka u sheegtid?

–  Inta kalaba daayoo halkan, aad dad ugu faanayso

–  Adigoo Riseef baa la dagay, dunida gaadhsiiyey

–  Doolaab cad adigoo xidhiyo, dun iyo weerkeeda

–  Nimanbaa Ilaahay u diray, dawladihii Yurub e

–  Dagta calanka Biixigii ku siday, waad la dirirteene

–  Lixdan sano dib noo dhiga kuwii, doonayaad tahaye

–  Maantana diyaar waxaad u tihiin, saad u dumisaane

–  Allaaba waa difaac aad gasho, iyo dirirtii maandeeq e

–  Dabar iyo luggooyaad ku tahay, daa’inkaa abid e

–  Dumarkaa hinaasee nin rag ah, docosho wow u ceebe

–  Haddii hadalku kaa daaran yahay, madaxnimaan dooni

–  Ninba maalinbaa lagu dayaa, laguna daayaaye

–  Waadigii dilaalyahoow ka gaday, janankii Diigoole

–  Dibna inaan laguu aaminayn, gali dubaaqaaqa

–  Dalka lagaama xigo ee naftaad, dib u dhigaysaaye

–  Waxaad dooni waligaa rag uun, kuu dagaalamo e

–  Ood waliba dood iyo af-xumo, ugu daraysaane

–  Dalkii waan xoraynaye ragbaa, loogu dow galaye

–  Daba-dhilif sidaadaa Caloow, waa dareemada e

Magacu wuxuu ka raacay beydkii Makayte ee ahaa:

–  Ujeedada murtidu daaran tahay, waa in la arkaaye

–  Aqoonyahan waxaa loo ogaa, ubaxa Daaroode

–  Agafaaradii iyo hadday, adhi-jirtii heestay

–  Awr dabar la’aan dhacay libaax, aano waw yahaye

–  Ey waliba maansada hadduu, nagu ataagaayo (attack)

–  Olol Reema waa inaan tirshaa, uubo kala jeexe

ERGO DAAROOD iyo  DURAAQSI

Horraantii 1980aadkii ayey ururo mucaarad ahi ku kaceen dowladii Maxamed Siyaad, jabhadihii gobonimo doonka

ahaa ee Soomaali Galbeedna dhaliileen siyaasadii arimaha dibada ee Jamhuuriyadda.  Arinbaa ku ciirtay, dabadeed

wuxuu is tusay in sidda kaliya ee ay dawladiisu ku badbaadi karto ay tahay in uu Soomaalida iska horkeeno oo uu

qolo iyo qoys u qeybiyo iskuna diro.

Goloyaashiisii ayaa abaabulay dicaayad ah in dowladu qoys tahay, dadka ku kacsanina qoysas kale yihiin.  Wuxuu

yidhi qoysyahow dawladda ah waa laysku kiin diray, waa laydin falay, waa laydin asmeeyey, oo idinka unbaa

duulaan laydinku yahay oo waad baabi’ doontaan.  Wuxuu haddaba isugu yeedhay abwaano dhawr ah oo inay

gabyaan amar ku siiyey, gabayadaa oo ay ku raad-goobayaan midnimada qooyskooda.

 

Waa kaligii taliye iyo gaddiisiiye, wuxuu damcay inuu shacbiga Soomaaliyeed isku mashquuliyo oo uu dabadeed

isagu dhex ku bari noqdo.  Rag dhawr ah oo gabya ayaa arintaa ka maqsuuday oo gabayo badan tiriyey.  Gabayada

ay tiriyeen waxaa kamid ahaa saddex ay u kala bixiyeen Deyro Abwaan, Dood Nin Leh, iyo Durbaan Dhiilo.  Ergo

Daarood ayey wadajir ugu yeedheen gabayadaas.  Cajalad ayey  ku duubeen, dabadeed mashriq iyo maqribba u

duuflaaliyeen.

 

Abwaan Cabdullaahi Dhoodaan oo mudo dheerba mucaarad ku ahaa dowladii Maxamed Siyaad, gabayo badan oo

cambaarayn ahna ooda kaga qaaday ayaa cajaladii loo geeyey isagoo jooga Diri Dhaba.  Haddaba halkaa ayuu

jawaab kasoo dalwiyey.  Gabaygiisii jawaabta ahaa wuxuu u bixiyey Duraaqsi.  Duraaqsi wuxuu Dhoodaan ula

jeedaa  dhibaato kale Soomaaliya kama jirto, xukunkii Maxamed Siyaad oo cantatabay dhinac uu u ciirsadana la’a,

Soomaali inuu isku habaabiyo oo uu jeesas yar yar iyo wax noocaas ah u qaybiyana rabba ma ahee.

 

Haddii aan halal kooban kuusoo qaddimo, waxaa ka mid ahaa Ergo Daarood:

 

–  Daarood Ismaaciil sidii, deero kala yaacye

–  Marre lagu dareershiyo falbaa, deegta loo sudhaye

–  Waryaa Daarood Ismaaciil aheey, durugtay ceebtiiye…

–  Falastiin halkii lagu dagaan, daaqad ka arkaaye

–  Iyaguba darxumaday qabaan, dar Alla ma ahayne

–  Dukaamadiyo beertii kolkii, daarti laga iibshay

–  Ee dalkiiba laga saaray bay, dibad u yaaceene

–  Yaa Daarood Ismaaciil aheey, durugtay ceebtiiye…

–  Haku darina diraceena go’ay, kaa dudada taagan

–  Intii laysku kiin diri lahaa, idinku daaweysta

–  Dubaaxdaad shisheeye u kadeen, siiya doqonkiina

–  Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye…

–  Nin rag ahi dudii kalama hadho, geel hadduu dido e

–  Anna dooda maansada tolkay, baan ku dumayaaye

–  Inuu daawo yeeshaan rabaa, ubadka Daarood e

–  Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye

 

Duraaqsaygii Dhoodaan ee Ergo Daarood jawaabta u ahaa waxaa ka mid ahaa beydadkan hoose.  Eeg sida hufan ee

uu u gawriyey.  Wuxuu ka dhawray qadaf, beyd dalab leh, iyo wax kasta oo anshaxa iyo dhadhanka gabayga dili

kara, islamarkaana wuxuu nimankii u raddiyey si aysan kasoo waaqsan karin.  Dhoodaan wuxuu isticmaalay fan

aad u heersareeya oo Afka Carabiga lagu yidhaahdo “Al Nafyu wal Ithbaat.”  oo ah inaad dooda lidkaagu soo

qaddimay ama xujaystay waxba kama jiraan kasoo qaado oo aad baabi’iso, dabadeed aad sida wax u jiraan ee

xaqiiqda ah sugto.  Bal u fiirso saddexda beyd ee ugu horeeya wuxuu kaga jawaabay afartan hoose.

 

–  Markuu didayo Daarood sidii, deeradiyo cawsha

–  Dhaqankiyo dabeecadu ma ridin, dayradaa culuse

–  Waxaan daayinkood horay u dhalan, yaa dorraad curiyay?

–  Diilintiyo maxaa gubad ka dhigay, dagaladii beesha? …

 

Shanta beyd ee xigta ee ay abwaaniinta kale Falastiin kaga hadleen wuxuu Dhoodaan kaga jawaabay 10 kan hoose.

Jawiga siyaasiga ah ee dhabta ah ayuu hi saxar la’ u cabbiray dabadeed Falastiin xaal mariyey.

–  Soomaaliya intaynaan u dagin, teedi daakhiliga

–  Nimankiina darandooriyee, gabayga soo duubay

–  Falastiin gumaysigii dafaad, uga daraateene

–  Dalkan Yurub Israa’iil dajine, xoog duldhige Naato

–  Uma dixan-dixaysaan agow, waad ku digateene

–  War xoolaha damaankiyo, sidii qalab dukaan yaala

–  Danbiil lacaga iyo doolariyo dahab, ma gooyaane

–  Dhulkuna ma aha daaqada dhariyo, daas qof leeyahaye

–  Umadaa cayda loo diiqayaa, ma aha dawgoode

–  Ha iskana dulqaateen anaa, xaal degdega siine

 

Wuxuu si dhaxal gal ah u difaacay Soomaalida kale ee nimanka gabyey ku xadgudbeen.  Wuxuu leeyahay Soomaalinimo iyo dawlad loo siman yahay waatay joogtayee maxaa keenay in qoys sheekadu siddii shinbir malabtii ku gaaf wareegto.  Haddiise abwaan walba tol’ayey iyo qoyskiisa ka dhamaan waayo maxaad faa’iideen qabyaaladii unbaad kabo hor leh u galiseene.  Dubaaqiinu sidee arintaa u yeelay.

 

–  Dad Soomaliyaa wada lahaa, calanka dooga ahe

–  Maxaa keenay Daarood haday, dowladnimo joogtay?…

–  S-du haday dabbuur tahay, D-dana eega lagu doorsan

–  Soomaaliya dabeed lagu badalo, magacan Daarooda

–  Ma qabyaalad baa dami kolkaa, sow dallici mayso?…

 

Haddaan uba daayo dooda sida aad u dhigteen saw dullinimo ma aha in qoys kale kiina isku diro oo maylinka isugu

kiin dhiibo.  Bal doodaa liidatana eega ayuu leeyahay.

 

–  Dibindaabyadii laga cawdiyo, dawgalkiyo eeda

–  Markaan dayey ujeedada ku dahan, tiina dulucdeeda

–  Saw malihid Irrir baa isku dira, qoladan Daarooda?

–  Hadalka qaar diciif kaa dhigiyo, dawdar baa jira e!

 

Afarta beyd ee ugu dambeeya gabayada abwaanada kale wuxuu Dhoodaan kaga jawaabay dood ay ka mid ahayd

todobadan beyd ee hoose.

 

–  Xeradii dugsiya een lahayn, diga xajiimaysa

–  Ardaagood dab weyn ugu shiddiyo, dogob la soo jiiday

–  Haddaan neef libaax kaga dhex dilin, amaan col duubaynin

–  Sidee nimanka deydey lahow, geelba uga daatay?

–  Kolse haduu dilaamihii kacayo, sii dardaro bowdka

–  War geelii dudada jeexayee, dibadaha u yaaca

–  Ninka soo dabaal yidhi miyaa, saamo dabo jiiday?

 

Aad kasta oo ay u furan tahay halabuurka inuu badda maansada ee la isku harqinayo is daadraaciyo, haddana waxay u badan tahay inay abwaanadu kolba say ugu kala ehelsanyihiin u jawaabaan.  Abwaanku wuxuu eegaa sababta iyo qiimaha gabayga, ninka tiriyey iyo culayskiisa, iyo ku habboonida waqtiga iyo waayaha uu ka hadlayo.  Sifooyinkaa iyo kuwa kalaba markii uu qanciyo ayey ama la qurux badnaataa inuu jawaabo ama ay la ahaan weydaa inuu dhexboodo.

Silsilad walba ragga isagu dhibidhacsada ayey la heer tahay oo ay aragtidooda iyo garaadkooda suugaaneed ka tarjuntaa.  Qofka suugaan aqoonta ahi markii uu arko gabayo isku xidhan oo isu jawaab ah, wuxuu markiiba garan karaa ragga ay ku haboon tahay inay ka qeyb qaataan isaga oo la kaashanaya kalasoociisa ku dhisan abwaan walba heerka uu ka gaadhay maleega iyo curinta gabayga.

Waxaa dhacda in abwaan xiribo dheeri iskala weynaado ama ka faano inuu maansooyinka qaarkood ka jawaabo, ama laba maqlo magaciisa oo ku lammaansan hebelo kale oo aan la heer ahayn.  Tusaale, Cabdulaahi Dhoodaan ayaa isu quudhi waayey inuu u jawaabo Cali Banfis marar badan, Qamaan Bulxanna waa kii yidhi: “maansadu inay ugu baxduu, ii maxooliyiye” isagoo diidan inuu u falceliyo mid kale.

 

Maxamuud Cali Beenaleey ayaa jeer niman ay isku raas ahaayeen ku qoddeeyeen inuu Silsiladda Rayad ee aan kor kaga hadalnay uu mid ama laba gabay ku darsado.  Waxay yidhaahdeen war maad jawaabtid guul iyo gobonimaba waa adigaa raarta dhigtayee.  Maxamuud inkasta oo uusan dhaliilsanayn badanka ragga isu afceliyey haddana wuxu liiday mawduuca guud, gaar ahaanna dhawr nin ayuu guryo-noqosho ku tuhmayey.  Wuu ka dhaartay inuu laba isku xidho, wuxuuna xujaystay beydad gabay silsilad kale ku jiray kasoo jeeda.  Wuxuu yidhi Maxamuud:

 

–  Uma baran bahday iyo inaan, bi’iyo Daaroode

–  Shisheeyaha markaan baratanaan, badin aqaanaaye

Cabdullaahi Dhoodaan waa kii lahaa isagoo caddaynaya guud ahaan in gabay iyo geeraar ama gar iyo gorfayn kolba kay joogtaba qofka iyo aragtidiisa la isku astayn karo, si aan dhib badnayna loo odhan karo Allay lehe qawlkaasi qawlkii hebel waayahay:

–  Ardaal xun iyo ay-garad midduu, Eeba kaa dhigiba

–  Adduunkiyo arlada Eebahay, uumiyaha jooga

–  Rag iyo orri reer oday niniyo, ooga ku cirroole

–  Qof waliba ujeediyo markuu, hadal abbaaraayo

–  Aqligiiseey meel uga ekaan, odhaahtidiisuyee

 

Suugaanleydu markii ay hubiyaan in habka iyo hanaanka gabayga ka muuqda yahay kii hebel lagu yaqaanay, waxay isla dhex qaadaan hadalo xigasho ah iyagoo leh wuxuu yidhi sidaa iyo sidaa.  Raggu af-shaxanimada uma sinee ninbaa lagu aqoonsadaa  murti miid ah, hadal qafilan oo maahmaah, halqabsi, xus, iyo hummaag miidhan ah.  Mid kale ayaa lagu dhaliilaa beyd jaban, deelqaaf, hadal aan haboonayn, dood guracan, qodobka laga hadlayo oo uu dhinac ordo, garawsho xumo, indha-cadays iwm.

Ninkaa dambe waxaa magac ugu baxaa beyd gaab iyo goray ciil, waxaana lala mataaniyaa macallin qoryaale iyo kitaab gaab aan Todobada Mingaliyo iyo Suddamada dhinacna u dhaafin.     Abshir Nuur Faarax (Bacadle) isagoo ninkaa u digaya ama tusaalaynaya waa kii lahaa: “mar haddaan lagaa xigan karayn, xaabo kaa noqoye.”  Wuxuu leeyahay xagal-daacada u diid maansadaada si jiilalka dambe magacaagu uga dhex yeedho.

Qamaan Bulxan isna waa kii labada geed kala booday Maxamed Fiin markii uu ku guuldaraystay inuu arko

hadafka iyo habboonaanta maansada Maxamed.  Wuxuu jeclaa Qamaan inaan Cali Dhuux iyo isaga la dhex marin,

gabaygan uu Maxamed ugu jawaabayna wuxuu arkayey inuu kaga haboonaan lahaa inuu Cali jawaab u noqdo

marka uu mid kale soo celiyo.  Wuxuu yidhi Qamaan isagoo gabay malagii galay ka dhigay kii Maxamed:

 

–  Hadalka waad gaftaye Maxamedow, kuuma soo geline

–  Sow magani tii gaabsateen, gabay lahayn ma aha?

–  Geeraarka iyo faanku saw, Guba la xeer ma aha…

–  Gam inaad tidhaahdaan damcoon, Cali garaaxaaye

–  Naagtii ganbada taabatee, gacanta loo maydhay

–  Ee galisay meeshii haddana, gabaygu sow ma aha?

 

Waxaa dooda Qamaan ka mid ahaa oo arimaha gundhaca gabaygiisa u noqday ku jiray tixdan hoose:

–  Labadeenna gobol xaajadeer, la isku guubaabshay

–  Haddaydaan guddiyin oo ciyow, gunno la noo keennin

–  Wallee inaan tix laysugu go’oon, gaagna hadhin sheegi

Nasiib xumo tixdaa uu balan qaaday wakhtigu kuma simin inuu na soo gaadhsiiyo oo isaga oo aan wali tirin ayey tii Alla u timid.

 

Cabdi Iidaan gabyaa la odhan jiray oo ay dawladii Maxamed Siyaad ka dhex hadlayso ayaa gabayo isaga iyo niman kale u direen Cabdullaahi Dhoodaan.  Gabay jawaabihii Dhoodaan ka mid ah beydad ku jiray ayaan tusaale ahaan usoo qaadanayaa.  Waxaan aad uga helay sida hufan ee Dhoodaan u dhaliilay garaadka Cabdi Iidaan iyo gabayga kasoo yeedhayba.

Afarta beyd ee ugu horeeya ra’yi gaabni uu ku matalay qarandidii dayax 15aad ah bil kow mooday ayuu kasoo

qaaday.  Afarta xigta rag qosol been ah maqashiinaya hoosna ka minja xaabinaya, doqon qufacday wixii asiibayna

garaad ay ku qiyaasto aan lahayn, qof qanaaco xumo iyo quus yaraan wax walba seejisay ayuu ku sifeeyey.

Wuxuu xidhmadaa kusoo afjaray inuusan isaguba qummanayn haddii uu la yaabo ninka noocaa ku sifoobay.

Shanta beyd ee ugu dambeeya wuxuu Dhoodaan ku qeexayaa in aanu la caytamaynin, ee uu ilaalin doono anshaxa

iyo asluubta gabayga, inuu iskala weyn yahay oo uusan la qasan doonin laba nin oo isqabatana aysan ahayn.  Bal u

fiirso sida hufan ee isaga oo aan caraatamin uu digada uga dhigay nimankii gabayga soo dhoofiyey.

 

–  Gudcur qammah habaynkoo qafillan, qeybta fiidnimada

–  Iyadoo bil sii quluulatayoo, qiro yar moodaysa

–  Sida Qarandidii kow dheh tidhi, qammar caways kaahay

–  Qof la mid ah horaan ugu qadaray, ma aha qaangaadhe

–  Ragga qoodan ee kaa u qoslina, ugu qalaalaayo

–  Doqontaa qufici een aqoon, meeshii lagu qoomay

–  Ma qanciyo wax kama quustahaa, qaayo kale seegay

–  Ma qummani qudhayduba haddaan, kaa qallooc bida’e

–  Qolqol laga caytamo sidii, qaafadii dumarka

–  Wax la qaab ah qoonkii shubaa, ima quseeyaane

–  Af-qadoodi jaariga baraan, weedhuu qaayibine

–  Ka qab weyni oo lama qastee, waaban quudhsadaye

–  Isma qabano iimana qalmaan, oo ma qayrsado’e

 

Guntii iyo gabagabadii, gabayada silsiladda ah waxaa la odhan karaa waxay ku leeyihiin suugaanta door muhiim ah

oo aan dhaliilsi ogolayn.  Halqabsi iyo odhaahyo badan oo maanta bulshada dhexdeeda caan ku ah ayaa waxay ka

baxeen gabayo taxane ah.

Maansada silsiladda ahi waa kuwa loogu dhagaysi iyo xiisaba badan yahay.  Waxay suugaanleydu ku mashquulaan

oo ay in badan xiskooda ku gedgediyaan baratansiinta abwaanada isu jawaabay.  Waxay ku faanaan hebelada ay ku

aragtida yihiin mawqifkoodana u dooday, kuwa kasoo horjeedayna dhaliilo ayey huwiyaan.  Waxay bulsho weyntu

goloyaasha kaga haasaawaan hebelo waqti hore isdhaafsaday xikmad qaali ah.

 

Ninka gabay dhaadhiga ah iyo inta dhexdhexaadka ah wadar ahaanba waxay si hagar la’aan ah ugu raaxaystaan

qardoofaha gabayga iyo qodobada aan kala dhicin ee la is weydaarsaday.  Guud ahaan iyo gaar ahaanba, gabayga

silsiladda ahi wuxuu udub dhexaad u yahay, una ahaan doonaa  guyaal badan oo iman doona suugaanta Soomaaliyeed.

 

By Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”

Gedgedoonka maankiyo qalbiga, gocasho soo boodka,
Xaajada garlayliga jartiyo, Gun u saluugayga
Gibladiyo mashxaraddayda iyo, farax la goohayga
Gandoodkayga taahayga iyo, goobo xaradhkayga

Gurmadkiyo haloosiga taxmiyo, guluf alooskayga
Gama’li’ida reenkayga iyo, jiif galgaladkayga
Goobyaalka caga-jiidka iyo, Meel-ka-gabargaalka
Gucla orodka seeraarka iyo, geyllan dirirkayga
Haddaan geestan eegana cabsida, gaarkay igu raaran
Gabranaanta qoollaalligiyo, mala gorfayntayda

Gadoobnaanta yeelkayga iyo, kala gantoobnaanta
Garab lida soodhkayga iyo, gooninnimadayda
Goofkiyo xabaalaha shixnadan, godadka buuxbuuxa
Cagta go’an lugaa iyo gacmaha, gabawar duugoobey
Naafada garbaha kaashatee, sumucu gaagaabshey
Geerida shinkeed dhaaftay iyo, Guri dambayskayga
Goodaadsigaygiyo hiyiga, garar tallawgiisa

Kol haddaan wadnuhu kuu garrayn, geydha kugu yeedhye
Garasow anaa kula hadlee, gacalkayow heedhe
Nafta gororaheediyo haddii, galowda lays taabto
Geesteyda waafule ninkii, goob ka saahidaye
Guddoon dhacayna waa doqon ninkii, gaar u faashadaye
Guri ba’ayna waa cadow ninkii, raarta sii guraye
Gobannimana waa quus ninkii, gawska dhaafsadaye.

Ummad geeska loo tumay habeen, gocasho soo jeeddo
Haddii aan tashiga loo golayn, amase gaashaanka
Fallaadhiyo gabooyaha haddaan, godobta loo taaban
Iyadoo gadoodiya hadday, fadal garmaammayso
Hadba nabar gataatiya hadday, gebi dhac tuuryayso
Galladdeeda oo dhow hadday, gaadhi kari weydo
Inta gudashadeed tahay hadday, geysan kari weydo
Iyadoon garaysnayn haddii, gacantu ay daasho,

Gamaarshaa ku dhaca amase way, gabax tidhaahdaaye
Gabbashay liqdaa amase way, gamashi luuddaaye
Way kala guddaa amase way, kala go’doontaaye
Ways gawdhisaa amase way, feedha gurantaaye
Guushay nacdaa amase way, gubasho oydaaye.
Inkastoo guddoonkii burburay, loo gudcura joogey
Inkastoo go’aankii dulliga, geesinnimo diiddey

Inkastoo giyigu waa xormee, gaadhka lagu meershe
Inkastuu gaggaabkii cuslaa, garangar duul duulay
Xaajada god-raaca leh haddii, loo gabbala eego
Sida ay u kala geysan tahay, way gun dheertahaye
Kol haddaan garaad lagala hadhin, galabba sheeggeeda
Inta maanku gaajeysan-yahay, guuli waa weliye.
Gashigayga way dhaqanyihiin, gaasaskii qabaye

Weli gaaf dugsoon bay hurdaan, ganacya weyntiiye
Dibjirkii gidaarrada hurdaa, laysu soo guraye
Gebegebe rag lagu keenay baa, layga gadayaaye
Erey gara haddii loola tago, godol ma waayeene
Gargaarkoodu wuu dhimi lahaa, guul-darrada taalle
Lafa gerina wayjebin lahayd, maalin gudeheede
Gobanimana way dhalin lahayd, loo gudboonyahaye
Gacalnimana way hubin lahayd , aan la goyn karine.

Weli gumucu meel baydhsan buu, gawda ku hayaaye
Gariirkaad maqlaysaan ka dhow, goobahaan rabaye
Gadhqaadkeedu waa leexsanyahay, waana gudayaaye
Garar loo maleeguu ku ridey, guura socodkiiye
Guudkeedu waa wada fin iyo, gaatir iyo booge
Hadday gooli-baadh tahay, waxaa gabay raggeediiye
Guyaal iyo guyaal bay rarteen , gocorro shaydaane
Iyadoon goblamin baa haddana , geelo loo hadhaye
Gol-dalooladeedaa ka badan, galalka ciideede

Gelin looma wada sheegi karo, xaajo geda weyne
Gawdiidka iyo quusta waa, lagu gumoobaaye
Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane
Gabgabteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye
Geeddiga cagaa daaliyaa , lagu geyoodaaye
Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan habaqlaaye
Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye
Gargaraaciddeediyo ha deyn, geed ka didinteeda
Garashadu hadday ruux la tahay , suu u garanaayo
Garaadkiisu suu qabo haddii, loola garan waayo
Gardarruu u qaataa ninkii , yidhi garaadkiise

Xaajadu markay gobo’da iyo , gawda culus joogto
Keligii nin gaashaantay wuu, gola ka fuulaaye
Gadaashiisa uun baa durbaan, laga garaacaaye
Labadiisa geesood ma jiro , ruux ku gelayaaye
Arrin lalama guulee warkuu , gura yidhaahdaqye
Dadka wuxu u gacan haadiyaa, qof iyo gaarkiise

Gendi iyo dhukaan buu qabaa, cudurro guumeede
Gogol wuu ku shaashoonayaa, loo gudboonyahaye
Sida goray fallaagoobey buu, Gooni joogyahaye
Kol hadduu nin mawd lagu gudbadey, tiisa uga guuro
Xil uun buu guddoontaye ka baydh, gudashadiisiiye,
Ka galgaley habaar-qabe halkuu, gool ku cuno weyne
Nin hadduu tashiga guuto faran, keli ganaanaysto
Gaaraayucuuntiyo shinnida, gurucya dhaadheerta

Giiryaalayaashiyo fulaa, laguma guuraanka
Gumarta iyo maajeenta iyo, geed-xunkiyo tuugga
Gungunnaafka iyo maarta iyo, gocorka aan quudhin
Kun ninoo guraangura hadduu, goob isugu keeno
Guufkiyo haddii hooda iyo, giniga loo qaybsho
Dadka kale intii gudan haddii, gararka loo jiido,
Ninka gaaban meel dhow haddii, looga geda-sheegto
Guubaabadeedii haddii, loogu godadleeyo

Hadallada galoofta ah haddii, loogu mala gaaxsho
Guryo-noqoshadeedii haddii, lagu gawaan-raacsho
Gabbal daye sidiisii hadday, laba gar-daymooto
Shimbiraha gabraartiyo hadday, galow wax weydiiso
Kol hadday galaydh soo kallahay, laabta uga guuxdo
Garba-raar cadhaysani hadduu, gooyo taladeeda
Guulkeedu dheeraa sidii, geenyadii Bixine

Weligeed fal baa loo guntaa, lagu guhaamaaye
Mar uun bay gadooddaa siday, gees lo’aad tahaye
Galab xiisaheedaa wakhtigu, kaga gaboobaaye
Ninuun baa ku guuree iyada, geeddi waw weliye
Marka wiil ku guro Naarta iyo, godadka Yaahuuda
Ayay kii Jannada geyn lahaa, dayasho goobtaaye
Marka uu galaa buu iyaga, guba yidhaahdaaye

Markay raar guraysaba nin bay, gudub tidhaahdaaye
Gabno ugubi way quusisaa, gaawe Cumarowe
Garab-daar ninkii lagu bokhraa, geedad sare waabye
Gar-ma-qaatayaashiyo dadkaa beera, ruux gudhane
Ganbo nimaan la soo bixin haddii, guulo lagu waabo
Markuu dhaawac geystaba haddii, loo gargarateeyo
Isagoo canaan lagu gudbiyo, gaarran filanaaya
Giblo iyo haddii sacabbo lulan, loogu gogol-xaadho
Keligii inuu guurti yahay, maalintaa gunudye

Marka uu gadaan iyo gadaan, Gacan-togaaleeyo
Ayuun buu waxaan ganac lahayn, sii gorgoriyaaye
Seetada nin goostaba, wuxuu gesto lala yaabye,
Mar hadduu tallaabada gurguro, gaatan iyo booddo
Dhaaxaa gadaal laysla tebey, wiil galbaday jeere.
Toojaba waxaa lagu godlaa, say u gaar tahaye
Gurranidu mar waa dhalasho iyo, gacanba qaabkeede

Marna waa calool garac siddiyo, xaal ku soo gala’e
Kol haddaanay maankaaga gadin, talana kaa geynin
Gurracnaanta qiil lagu saxoo, loo gudbaa jira’e
Gudboonaantu way daalisaa, ruuxa meel gurane
Nin hadduu go’aankiyo sharciga, gawrac ugu jiido
Hadba goondhabaaliyo hadduu, Gooddi-furan keeno
Gacalnimo hal loo yidhi hadduu, gubasho sii beero
Guudaan haddii uu ku liqo, ereyga geedeysan

Runta wuxu u guul-guulayaa, way gun-dheer tahaye
Goldaloolo qudha maaha iyo, goonnidaa taliye
Gedaan loo filayn baa jirtiyo, Geel-la-daaq kale’e
Hadba geed-is-maris baa u hadha, guul dad leeyahaye
Miyaan Geeddi-Baabbow arladu, gelina waayeynin.
Gole miiggan, geed sheegan iyo, garangar muunaysan,
Gudban iyo cod laba geesa iyo, guurti kala soorta,
Garnaqsiga mudducigoo tashiga, gooni uga showrey,

Geda labe maddaacaley hadloo, dhaabad Wan geystey,
kala gurasho meertiyo rogaal, la isla guur guurey,
Maahmaaho wada guuna iyo, gabayo raac raacay,
Guddoon dhacay hubaal iyo go’aan , layku gacan qaaday,
shan god oo murtidu leedihiyo, gororka suugaanta,
Gedda hadalka loo ruga geshiyo, marin gobaadeed dheh.
Gobannimadu waa libin ku taxan, geeddi nololeede

Waa gumaro aadmigu hantiyo, guusha ugu weyne
Guddoonkeedu waa faral siyaal, loo gafaa firine
Geduun buu ka leeyahay khalqigu, maalintuu gado’e
marka uu gabaabsiyo xilliga, laga gu’weynaadey
Ayuun baa ninkii gudan karaa , dhan ugu guuraaye
Qabyadeedu waa guun intay, gaadho weligeede

Galab noolba ooddeedu waa , gudinta loo hay-ye
Nin gufeeya mooyiye ma jirin, ruux gunaanadaye
Gelbiskeeda oo qudha hadduu, tacabku kuu gooyo
Adigoo gadaashaday hadday , guure kugu dhaafto
Gommodkiyo yaboohdeedu way, goora badataaye
Haddii aan gantada loo adkayn, amase gaafaanta

Guddo iyo waxay yeelataa, gulufo shaydaane
Gaadaa dhexdeedaba ka kaca, maalin gelinkeede
Gacmaa lagu xejaa amase way, galab dhaqaaqdaqye
Waa lagu gam’aa amase way, geeri badisaaye
Gob baa lagu noqdaa amase waa, lagu gumoobaaye.
Garan maayo maalmaha intuu, soor gad leeyahaye

Mar hadduu gidaad bahal qabaa, gaajo kula ciiro
Gujo-dhaadhigeediyo hadduu, taabo gorofkeeda
Waxba kama go’aan ruux ku shubay, xeedho gudaheede
Hadduu gaar u maamulo qof, waa geel nin leeyahaye
Inkastoo gantaal iyo wed iyo, gawrac lagu hooyo
Meel loo gun-raaciyo haddaan, gogol dhig loo yeelin
Mar haddaan garaad loo lahayn, wayska gubataaye
Geedkeed ba’waa sixir haddaan, garasho hilayne

Hadduu gaws dhurwaa ruugi karo, waa lafguri taalle.
Gunti-furey nin caashaqay haddii, guudka loo sudho’e
Galacdeeda uun baa indhuhu, golongol eegaane
Giniis iyo hadday kala dhaxlaan, Gaar-la-ababkiisu
Waa maro gargaranoo adhyaha, lagu gabraartaaye
Mar hadduu waraabuhu gashado, Giiro waa halise
Iyadoo gashaantiya sidii, Loola gogol dhaafay

Guurkeedu tuuguu ahaa, Gaabsi iyo beene
Iyadoo garoobiyo markay, Guudka fidhanaysay
Inanuu gumaystuhu dhalaa, Gaadhka ka ahaaye
Gaboowgeeda way doonantahay, gedaha waayeele
marka ay geyaan sheelataa, garacu yeeshaaye
Hadba wiil is gaalaynayaa, loo gu’tiriyaaye

Nin dharaar wuxuun laga guntay, guushu jamataaye
Gobannimadu ruux kuma xidhniyo, Giib ninkii dilaye
Agaabaynta maalmaha gudbiyo, galaha taariikhda
Gadood dhacayba sheekuu lahaa, geyfan iyo raade
Ganba-xoorka waayaha haddii, laysu minan guursho
Dad uun baa ma guurtada lahaa , goobihii baxaye.
Gurgurshaagu awr buu ka yahay, rarasho gaadiide

Gadh-wadeenku ruux buu ka yahay, geylan wadareede
Nin uun baa guddoonsha’e xil waa, laysu gororshaaye
Galladduna waxay saaran tahay , wax isu geygeyne
Inkastuu wax galo ama wax gudo , ama wax weyn gooyo
Inkastuu galool mudhay ka yahay, dhiraha gaagaaban
Hadduu geel abuuriyo hadduu, gaas cartama beero

Inta ruux wax gaadhsiin karaa, way gun dhowdahaye
Noloshana galgalaheeda iyo, gebi ahaanteeda
Waxaan geesi karin baa jiroon, gaar ninawfaline,
Xaajaba gan baa loo unkaa, talaba waa goore
Ummadyahay tiraa kaa gedmane , wax isu geygeyso
Ninkii aad garaaddiyo shaxshaxo, saartay garabkiisa
Kol hadduu dharaar goonya kulul, kaa gelgelin doontay
Waxaad galabsatuun baa jiree, gaado kale yeelo

Ninkii aan gondaha kaala dhayin, gololo hawsheeda
Gardaadkaaga yuu baran inaan, taada lagu gaadhin
Hadday gibili kaa saarantahay, gocomo hooseeya
Waxaan geedna kaa qarin indhuhu, yay ka gabargaalin
Hadba soo gadaal eeg ninkaad, gadato hiilkiisa
Gol dalooladaaduu nin ogi, galagalaystaaye

Aduun bayse kaa go’an yihiin, maalmahays guraye
Godan baa la yeeshaa xadhkaha, haysku wada giijin
Geyigiisa wiilkaan ahayn, gibilka mooyaane
Gun-dhigiisu meel kaa fog buu, geed ku leeyahaye
Si aad uga go’daba ruux ku neceb, gaarar kala yeesha
Guushaada waa lala jiraa, gees ha ka ahaannin
Godobtaada meelee intaan, gacantu kaa boobin
Gacalnimada noolee intaan, gocasho kaa oodin

Guddoonkaaga reeree markay, kula gudboonaato
Gamaaddaada muunee haddaad, geeri huri weydo
Guntashana xusuusnow waxaad, godolba soo joogtey
Gurgurshaana haw raran nimaan, gudasho kuu doorin
Garashana ogsoonow inay, xaaja badan goyso
geeraarku waa sude hadduu, kuu ged-bixi-waayo
Adba goor is weydii intuu, gabaygu kaa dhaafo.
Cir gadoodey, dirir gaamur da’ay, galayax waalaystay,
Onkodkoo gariirkii ka baxay , galowgu yaab yaabay,

Guulaamo sawsaba kortiyo , dhibic garaaraysay,
Guluuluco mareegeysey iyo, gabadhle miish-miishtay,
Fad godladey, mahiigaan dhex galay, mayay ku soo gaadhey,
Waqal gaaftey jarar soo gabradey , gebiyo soo ciiray,
Gibil bururtay, gale foos burburay , galangal leexastay,
Gurdan baxay, xareed-gala1-jabtiyo, godanno midaystay,
Dadka oo intuu nabad gogladey, godob la’aan toosay,
Qorraxdoo garayskiyo martii , gees isaga xoortay,

Dayaxoo intuu gaadh ka degey, gacalo muunsooday,
Tigaaddoo ganbada uunsatoo, shidatay geed-saaqa,
Marka geela laantiisa dheer, gabantu soo reebto,
Guryahoo haleelada sidkani,, gaabis ka fooftay
Marka gorarka naasaha fatahay , goba’da deyn weydo
Galabuu kulaylkii ka jabay, gubayey jeedaalka,
Qorraxdoo gollaha kuulatood, gaari wacan mooddo,

Gaaraabidhaankiyo markay, taranto goobaantu,
Caweys ay gabdhuhu boodayaan, golaha saarreyda,
Dayaxoo galshada meersadood, geesi ba’an mooddo,
Xilligay gammaankiyo ifaan , quruxda gaarreydu,
Dhulka oo galaaluhu simeen, gun iyo baarkiisa,
Cosobkoo golxada fooraroo, laba gardhaalaystay,
Qorraxdoo gelgelimaysatoo , goroddu laallaaddo,

dayaxoo goyaal wada cas iyo, shaal galgala qaatay,
gu’xasilay, gudgudayaal habsadey , adhaxda Gaaroodi,
Marka awrku goojada ka simo, Gaasa-baya dhaartay
Qorraxoo guduud lagu bokhroo, meel garba ah saaran
Dayaxoo intuu garab la baxay, gooddi uga muuqda,
Gararkiyo taraaraha madow, Kala geddoonkooda,
Gabbal ururay, waa soo gurguray, labada worood dheh.
Ged ninkii ogaadaba shillale, guuto loo wacaye

Inta aan gar- waaqsaday intaan, garasho diidaayo
Inta laygu gaad gaadayaa, iiga geed ba’ane
Cishaday gabnowdiyo intay, gelinba heerjoogtey
Girif-giriftu way igu badnayd, gu’iyo jiilaale
Inaan gaabsho mooyiye cishana, tayda maan gabine
Galka seefta kuma haysan jirin, maalin gulufeede
Misna geeladay, gocoraday, iiga gaws kulule

Goonbaartu eelkay dhigtaba, gaari baw xidhane
Godobteedu waxay saarantahay, meelo aan geyine
God markaan daboolaba far baa, laygu godayaaye
Nin gefaaba lay tirinayaa, garasho waa yaabe
Waxan ahay nin lagu saan gatoon, raadba soo geline
Garraantayda qaar iyo, lag iyo, gaasas baa necebe
Gabbashayda duul iyo badh iyo, goosan baan rabine
Haddaan gaasho yeeshana dar bay, gawl la leedahaye
Hadba waxaan ku guul seegayaa, lama garaystaane

Garba-duub waxaan ugu xidhnahay, maan gurracaneede
Inaan geenyo buubsaday haddii, guuxu welijoogo
Gadaal baaba lay eegayaa, gool tirsaa jira’e.
Ummadyahay dib uma guuri karo , gooshkan maanta ahe
Gosha hooyo waa laga koraa, goodir kay tahaye
Gashi baxana waa lagu dayaa, geed ka hadalkiiye
Hadday gudubto yeedhaydu waa , sheeko ii gadane.
Geyigaygu waa kow intuu, waajib ii galo’e

Dhulka kale intaan gaadhi karo, waw gol leeyahaye
Adduunyada go’doon kagamajiro, garangar loo yaalle
Garaadkaygu waa dhaafsan yahay , xaajo goboleede
Dareenkaygu gooddiga sibuu , ii gilgilayaaye
Guhaad iyo canaan buu hiyigu, ii gab-leeyahaye
Inta garasho ii meel la’dahay , tayda maan gudane
Hadba waxan galiilyoonayaa, goobo lay tebaye
Asaaggay wuxuu galo ayaan , anigu gooyaaye
Anigiyo kuwii lagu goblamay, waa gudboonnahaye
Qayrkay intuu guul suntaday, gooni iifarane

Nin kastoo ganbadu saarantahay, dunida guudkeeda
Gurmadkayga waw baahanyahay, ruux la gaasiraye
Taydana ninkii igu guntadey, waw gar leeyahaye
Marba gooha dhiillada halkii, igu galoollaata
Karaankayga waan geyn intaan, geeri moogahay
Waxa ina rag ii guulayaa , tiisa gaarka ahe

Anna waxaan go’aansaday inaan, lay gaboodfaline.
Garawshiiyo jeeraan ka helo, gaanka dunidayda
Jeeraan galaa baxo arlada, gooddi iyo gooddi
Jeeraan gufaacada ku tago, meelo geriyaada
Gaaliyo Islaamkaba ilaa, taydu wada gaadho
Barigiyo Galbeedkaba ilaa, laygu gacan qaado
Gurey iyo Islow iyo Hurrow, gabaygu waa beene

Godadleysan maayee tashiga, waan guddoonsadaye
Waxba yaan indhaha laygu gubin, gaabsi ma aqaanne.
Gudcur laga tallaabsaday ilays, baadi lagu goobtay,
Gamas iishay, gaashaan burburay, gawrac laga maarmay,
Dunidoo giblada iidsanoo, gacal walaalowdey
Gudboonaanta xeerkeeda iyo, garasho nuurkeed dheh

By Axmed Saleebaan

Maanso wax ka taabanaysa, ama wax ka iftiiminaysa xaqa waalidka, gaar ahaan kaalmaha kala duwan ee hooyadu ilmaha la soo marto. Kaalmahaas oo ay habboon tahay in qofku markuu weynaado uu beddelkooda u gudo waalidkiisa. Kolleyba kaalmahaas lama dhammays tiri karo, oo xaqa waalidka wax u dhigma oo beddelkiisa ah lama heli karo, balse maansadu waxay tilmaamaysaa, in ugu-yaraan Xajka lagula tuntuunsado hooyada, amaba waalidka, kaas oo ah hammiga ugu weyn, ee waalid kasta oo muslim ahi ubadkiisa ka fisho. Haddaba maansada oo abwaanka  Axmed Saleebaan Xirsi u bixiyey Xijaas, waxay tidhi:-

Hooyooy mar aan xalay
Xaqaad iga mudnayd iyo
Xusuustaadii daba galay,
Anoon kuba xisaabtamin
Xaajada muggeediyo
Inaan xaashi iyo qalin
Midna lagu xasilin karin,
Ha yeeshee xusuustiyo
Dhegta xigashadeedii
Xogtii aan ka maalaan
Hooyooy xuskaagiyo
Xushmad kuugu daabacay.

Maalmihii xanjeerkiyo
Qaydkiyo xanbaarkii
Markaan xoolka jiifeen
Xuubkiyo cadka ahaa
Xoorkaad i-siisiyo
Xeel-dheeridaadii
Kolkaan soo xusuustaba
Xaaddaa i-booddoo
Sidaad iigu xaydnayd
Xanuunkii Ku-soomaray
Ma xisaabin karayee,
Hooyooy xannaankiyo
Xaasaamintaadaan
Xooggaa ku yeeshee,
Haddaan xiisahaagiyo
Xubeerkaaga waayoo
Xirfad aanad ii habin
Miyaan xay ahaan laa
Sow maan xijaabteen!

In kastoon xuquuqdiyo
Xilka waalid leeyahay
Gabay lagu xadeyn karin,
Ha yeeshee xiskaygiyo
Intuu xarafku ii jaray
Baan kugu xaq-dhawroo
Xeerin kaaga dhigayaa.

Markaan xaynka diriciyo
Xagashaada haystee
Xifaalaha adduunkiyo
Xisaabteeda aakhiro
Xagar igaga oodnaa,
Hooyooy xogtaadiyo
Xigmaddaad i-siisaa
Xayndaabka noloshiyo
Xaqa ii iftiinshoo
Xil-kas aan la-hurin iyo
Xeer-beegti iga dhigay.

Jahli waa xajiin iyo
Uskag iyo xayaabee
Xila-saamadkaan ahay
Haddaanaad i-xalinoo
Xiisadaa iskuulkiyo
Diinta xarakadeedii
Xa’da macallin ii dhiga
Hooyo aanad igu xidhin
Miyaan caawa Xaaq iyo
Xaammiim fasiri laa!

Intaad dunida xay tahay
Haddii aan xariir iyo
Dahab kugu xijaabana
Xaqaagii ma gudayee,
Jeer oon Xijaas iyo
Xaramkii ILaahay
Xajka cagaha kuu dhigo
Xaakinkeennu kuma dilo,
Kaa xishootay geeridu.

Xaqse mawdku weeyoo
Xilli ay ahaataba
Xabaal lama huraayee
Aakhira xumaan iyo
Hooyo xoloddo naareed
Rabbi kaa xoreeyoo
Xawlkii Rasuulkiyo
Jannadii xisaab-li’i
Inta lagu xormeeyee
Ku xeroota kaa yeel.


AAMMIIN – A
AMMIIN – AAMMIIN.

By Sayid M.C.Xasan

Wuxuu yidhi,

Iidoor waxaan meeriyoo malag laraadshaaba
Waxaan maylinka ululayoo micida ruugaaba
Inaan miigihii shalay lahelay mahad Alle sheega

Inaan guuto mawjada  ahoo meheriyoo u geeyay
Oo aan magkalay duulku waa naga mutaysteene
Oo naan mareegaha ufuray mahad Alle Sheega

Gabagabo kumiiskii markay mayro ololaysay
Sidii muusanawgii bay nirguhu mawda ku hayeene
Madixii iyo ololkii kabaxay mahad Alle Sheega

Mali malida nimankii ahaa waa maquun sadaye
Magligii markaan ulabaxaay marada xooreene
Inay nalash laalaadiyeen mahad Alle sheega

Anna Maarareey waxaan la helay kun iyo may mayye
Mayd koodu waa kuu ahaa maadha oo kale’ e
In waraabihii madhax kahelay mahad Alle Sheega

Nuux Taani anigaa milkiyay maa hirkuu dhaqaye
Miiskaa Ilaah iigu shubay mohoradiisiiye
Inuu cay lamalan daadayo mahad Alle sheega

Nin makhaayad joogaba waa maanka laga qaadye
Awal hore inay maarsadaan maaralaga waaye
Inay haatan murankii dhigeen mahad Alle sheega…

Ma Dukhaynay Iidoor wuxuu doonayuu helaye:

Wuxuu yidhi,

Nimanyohow dabuub gabay baryahan u madadaalayne
Wax idaaray mooyee xalaa laygu soodagaye

Aan dabeebto gabaygaygu waa dab iyo baaruude

Unka  dililiglayn baan ahiyo  dululka cawleede

Daad soorag maday baan ahoo dooxadiiyimiye

Aan dur duro dabaal baan ku imi doolo iyo ximane

Dayax iyo shamsaan ahay hadaan lays dafirahayne

Gudcur dama habayn dumay cirkaan dacal ka nuuraynin

Madayado talaabada ninkii dawga marayaaye

Dugsi hadaan lahelin dhaxanta waa lagu dadoodaaye

Dabaylihiyo foorahaa latagi daar waxaan galine

Dayra dhaafyadaan shidahayaa dogobyo waawayne

Dubaax malaha xaajada midaan diirka ka cadayne

Diirsimo halkii aan ahayn waa sidii danabe

Waxa dunida qaar keed ka dhacay doodan ka idhaahdo

Daa imoow Alahayoow adaan dunimda moogayne

Daan daansi ina Aadanaa loogu dawgalaye

Deyn nimaan ka qabin baa naflu dabagalaayaane

Haddii lanagu soodiray khalqiga Dir Iyo Daaroodba

Iidoor hadduu dunjiga diracyo sooqaatay

Sacad Yoonis iyo Awal haddii Daalo lugu keenay

Guutadii lasoodumay haddii lanagu sooduushay

Wax la soodan daanshaba haddii lana dul gawraarshay

Dil dilaaca waabari haddii lana dabaalsiiyay

Digta weerar qoofkii hadday dininigtii yeedhay

Doonyada ululuftale hadday Daalo kor u dhaaftay

Qaylada daluunta ah haddii lana dareensiiyay

Deg deg inaan u sooroorno waa dawlad camal keede

Ma dulkeenay kuman duud cadoo wada Daraawiisha

Digri hadduu ku soogalo xarbiga aniyo duulkaygu

Dayadii horeetaba baqay dabada taageene

Diigaanyo ciidana miyaan daafta kala raacay

Sida aar daloonbiyi markaan ugu dinaahyeeyay

Dulihii sariirnaa markuu dibawga jiidhaayay

Daayeerku meeluunan marin dani ma jeexsiise

Dambi malaha cadaawaha ninkii dali ka xooraaye

Darajuuse Ilaahii ka heli labada daaroode

Dubku iimo noqo nimay kufriga daris wadaagaane

Faranjiga dirayskale kuwii diiraddaw qaaday

Iyaguba dariiqada Alliyo diinta caasiye’e

Waxay noo duleedsheenba waa doora waynaha’ e

Dulmigaan banaanayn kuwii Doofil ugu hiishay

Haddaan daayo waa anigoo daawadi furaye

Danabkii rasaaseed miyaan diilin kaga yeelay

Dureemada kabadan maydka yaal didibtii buureede

Dhiigoodu sidii doogasin roob siiduduuduxaye

Dugaagii hilbaha quudan jiray loodiyaafadiye

Nimanyohow af labo daanle baan hadalka daynayne

Daleglaa cidla lagama shubo hadal daleeleede

Ma dukhaynay Iidoor wuxuu doonayuu helaye

Aniguna dilkoodaan ku helay libin dabool nayde

Dayaradaha Eebiyo markii deeqa lana siiyay

Ma dabaal degiyo muufahaa duhur nadhaafsiiyay

Duco awliyaad bay qabaan Dagaha Aargooye

Waa nimanka gaalada del dela doog iyo abaare

waa nimanka doofaaradii daarigow jaraye

Roobkiina waa kaa u da’ ay duraha jiilaale

waakaa dalkoodii balidu wada duraabaane

Waataa arladu daahirtoo diifka soobaxaye

Cawskii dumaayoobay baa doog ka soobaxaye

Dalaqyadiyo dooxooyinkiyo diishaya qaare

Dunkaariyo xamaskiyo sidii diriq lamoodaayo

Maalkii diraacdii dhalaa doobka loo culane

Duunyada wax laga maalayaa darartii canoode

Rabigii dawaa’ iga sidaa deeqo nooyimiye

Afartaa dujaye bal aan midkale deylka ka higaadsho

Aan dabeebto eegana halkay damacday laabtaydu

Dacwad kalana waa Siilaanyo hadal aan deeqsiiyo

Adey dayr goortaan ahaa duul xigaal kaaye

Adigay dafiray saan ahaa duul shisheeya ahe

Waa taynu derisnaye adaa daawadii furaye

Doolaalo adigawgu tagay gaalka duuf kalehe

Adigaa dariiqada Alliyo diinta caasiyaye

Goor taan kutaayana adaa diiday nabadiiye

Wax dhaxaan dun qaarahaa lahaa dib uga soojooge

Wax dhaxaan daraadaa u maray daray xidhiidhyoone

Maantaa dubihii kugu dhecee duxi ha kaaraacdo

Waadiga dayoobaye sidii dalaw u meerayso

Ama dayrka dhigo waad taqaan dabin  insha Alleeye

Ama Doofil qabo caydhi waa diifta kugu taale

Ama quud dariiqyada ka xaadh darag haddaad waydo

Ama daaliboow bari inuu kuu dawaro uunku

Ama duunyo raac noqo cidlaa kaaga siidarane

Ama sida dilkii nacasiga dogobyadaw raaro

Ama doonyihii Saaxil iyo Cadan dilaalayso

Ama Doofil qabo caydhi waa diifta kugu taale

Ama duurgal iyo tuugo daganti uun dhawro

Ama doonbirtiyo diinka dabo wareegayso

Ama dabada gaal baad tahaye dacay ha kaasaarto

Ama doorowaynoow baqdaye dirir u soojoogso

SSC hanoolaato, SSC haysraacdo, SSC Cadawgeedu ha jabo guul SSC.