Waxaa laga yaabaa in barnaamijkaan dartii aan maalin walbo soo galo qadka webkan, anna waxaa ku biirin lahaa heestii Cigaal iyo Shankaroon ay isla talan taalinaayeen ee Gacalo, waa hees miraheeda aan aad uga daba dhacay waxaan filaaya inaad ka heli doontaan;
Gacalo

Sida haro gigimanoo
Biyo galac ka leeyiin
Geesahana doogiyo
Ubaxii is gaadheen
Laga guurin waligeed
Waxad tahey gadeedii
Sida galab cadceedoo
Godka lagu ganbiyey
Gaban mayo aniguye
Waan is guursaneynaa
Adna gacaladeydaay
Aynu guri yagleelee
Geestaada ila qabo

Sida geenyo uguboo
Geesigu rabeeystoo
Gayigoo barwaqaa
Naqa goosaneysaa
Oon gaajo aragoo
Galabtii la daawado
Waxad tahey gadeedoo
Waxad guri ku leedahey
Halbawlaha guntiisiyo
Wadnaha gararkiisee
Adna gacaladeydaay
Aynu guri yagleelnee
Geestaada ila qabo

And here is the original of gacalo by Ahmed Ali Egal And Shankaroon Ahmed Sagal

Cigaal

Sida haro gigimanoo
Biyo galac ka leeyiin
Geesahana doogiyo
Ubaxii is gaadheen
Laga guurin waligeed
Waxad tahey gadeedii
Sida galab cadceedoo
Godka lagu ganbiyey
Gaban mayo aniguye
Waan is guursaneynaa
Adna gacaladeydaay
Aynu guri yagleelee
Geestaada ila qabo

Shankaroon

Haddaan anigu go’ayoo
Cudurkaad I galisey
Intuu halista ii galey
Aan gabey talaabada
Geeri iyo god mooyee
Ifka gogoli ii ool
Waxa sida tan ii galey
Garaad xume jacaylbaa
Xeryo igu ganbiyayoo
Geestaa I joojee
Gu waaye ha idhigin
Gago laga hayaamee
Kaaley gacanta ila qabo

Cigaal

Sida geenyo uguboo
Geesigu rabeeystoo
Gayigoo barwaqaa
Naqa goosaneysaa
Oon gaajo aragoo
Galabtii la daawado
Waxad tahey gadeedoo
Waxad guri ku leedahey
Halbawlaha guntiisiyo
Wadnaha gararkiisee
Adna gacaladeydaay
Aynu guri yagleelnee
Geestaada ila qabo.

Shankaroon

Sida qaalin geeloo
Inta uu gu roob heley
Cirka baarku gaadhoo
lagu guurin waligii
Galabtii caraabada
Marku geelu yara baxoo
Waxad tahey gediisoo
Midabkiisa gaarka ah
Sida loogu goohaan
Anna kuugu guuxaa
Go iwaaye ha idhigin
Gago laga hayaamee
Kaaley gacanta ila qabo.

Waxaan filaayaa inaad ka hesheen.

Posted by Aisha on Oct 19, 2009

Sidii horey loo sheegay waa barnaamij wanaaagsan aniga waxaan ku darsan lahaa heestii jaceylka aheyd ee Cumar Dhuule (allaha u naxariistee)
Geesi iyo hanad baa [Cumar Dhuule]

Geesi iyo hanad baa
La gaboodsadaa
Rag ninkii wax garadaa
La gar waaqsadaa
Waa nin gala abaaloo
Gudi kara wanaagoo
Samo kugu gargaree
Gar eexiyo
Adoon godob u malayn
Hawsha ila gal
Ama gooni noqoo
Aan kaa go’ee
Aan kaa go’ee

Galad iyo ayaan baa
Lagu guursadaa
Talo aad gorfaysaa
Geed lala tagaa
Runta laga garaabaa
Layskuma gayaxa oo
Gees lagama eegee
Gar eexiyo
Adoon godob u malayn
Gar eexiyo
Adoon godob u malayn
Hawsaha ila gal
Ama gooni noqoo
Aan ka go’ee
Aan ka go’ee

Gaban maayo aniguye
Adaan kuu go’ee
Jacaylbaa I gooyee
Adna ii garaw
Haygu noqonin
Geed adag
Aan go’I karaynoo
Gacmaa daalinaayee
Gar eexiyo
Adoon godob u malayn
Hawsaha ila gal
Ama gooni noqoo
Aan ka go’ee
Aan ka go’ee

Posted by Falaar on Oct 19, 2009

Marka hore aad baad ugu mahadsan tihiin, barnaamijkan aad inoo sameyseen waxaan filayaa inuu noqdo mid wax ku ool ah.
Haddii runtii aan anigu qaato fursadda ugu horeysa waxaan jecleystay inaan soo bandhigo miraha heesta qaranka ee Soomaaliyeey Toosoo, waana sidtan;
Soomaaliyeey toosoo
Toosoo isku tiirsada ee
Hadba kiina taag daranee
Taageera waligiinee.
Ummadyahay mar kale toosoo
Calankiina wada tiirshoo,
Danta guud ku taagsada oo
Isu wada tanaasula eey.
Somaliyaay toosoo
Toosoo isku tiirsada ee
Hadba kiina taag daranee
Taageera waligiinee.
Tawaabkoo qudhaa bixiyoo
Gobannimada taam ka dhigee,
Rabbi toobad weyddiistoo
Talo saarta Weynaha eey.
Somaliyaay toosoo
Toosoo isku tiirsada ee
Hadba kiina taag daranee
Taageera waligiinee.
Qabiilkaad ku tookhdaan baa
Qawmiyaddaada kaa tira oo,
Tayo li’ida qoys-qoyskaa
Idin bada tabaalaha eey.
Somaliyaay toosoo
Toosoo isku tiirsada ee
Hadba kiina taag daranee
Taageera waligiinee.
Inuu Naar ku taro mooyee
Dagaal ehel ma taabaggalee,
Shacabkaa in loo turo oo
La tabantaabsho kaa mudaneey!
Somaliyaay toosoo
Toosoo isku tiirsada ee
Hadba kiina taag daranee
Taageera waligiinee.
Curaddadaada taargo’ayaa
Tiiraanyo qaran weeyee,
Walaalkiis kan tooganayow
Adays jaray tagoogaha eey.
Somaliyaay toosoo
Toosoo isku tiirsada ee
Hadba kiina taag daranee
Taageera waligiinee.
Quruun teeda hanan weydaa
Tiqo kuma leh dunideenee,
Adduunyada ka tamin qaadtoo
Assaagiina tiigsada eey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *