By Maxamed Siciid Cilmi

Hooyooy dulqaadeey
Hooyooy dugsiiyaay
Hooyooy daryeelaay,
Aabana daweeyaay.
Dareenkii jaceylkaay
wanaagii dadnimadaay
duunyo aan dhamaaneey
dusha tii i saartee
foosha dihashadeediyo
damqashadaa xanuunka leh,
hurdada taan u diidaay.

Dalkoo nabadu guurtoo
qaraabadu is dilayaan
dadkuna gaajo hoydaan,
adaa noo dadaaloo
diiftiyo xanuunada,
noo diiday hadimada.
Kaa dugsadey dhibaatada
doorka nolosha aayaha
lagu diirsadee mudan
darisyada cibaadada
adaa igu dabiiboo
hooyo Deeqa waa adi.

Hooyooy waxaa tahay
degaankeygii koowaad.
Hooyooy waxaa tahay
diinteyda marinkeed.
Hooyooy waxa tahay
damiirkeyga edebtii.
Hooyooy waxaa tahay
dunidayda khayrka leh.
Hooyooy waxaa tahay
qurux aan dugoobeyn
Hooyooy waxaa tahay
dun xariira oon go’in.
Aamiin ducada aamiin

Alloow daa imoow
adaan kaa dalbanayaa.
degaankeeda aakhiro
ka dhig deriska nabigiyo csw
xuural caynta dumarkee
ku nool daarta dahabka ah
aabahey ha doortoo
dib ha ugo kulmeen nolol.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *