Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqalooc) waxa uu kamid ah Halgamayaashi Gobolada Waqooyi iyo Guud ahaanba Soomaaliya ee sida weyn ugu soo dagaalamay xoriyada dhulkeena isla markana sida weyn ula diriray gumaystaha waxana uu naf iyo maalba u huray sidii guumaystaha Ingiriiska Somaliland looga saari laha Xaaji Aadan waxa uu ah halgama , waxa uu ah geesi aan gaban, deeqsi aan tashiilan,  Aftahan hibo eebe u siyay suugaan, dhulal badan kula dagaalamay Gumaystaha Ingirsiika waxa kale oo Xaaji Aadan Afqalooc aha Macalin diimeed dhulal badan baray diinta Islaamka waxa kale oo Xaaji Aadan Afqalooc lagu xasuusan doona Aftahanimadiisi iyo Suugaantiis Dahabka ahayad ee sida hagar la’aanta ah ee aan baaqashada lahayn uu gumaystahay ugula dagaalamaya afkiisa.
Dhamaan astaamahan aynu kor kusoo xusnay iyago faahfaahsan waxaynu ku arki doona marka aynu gudo galano taariiikhda iyo maalmihii nolashiisa Xaaji Aadan Afqalooc.

Sidoo kale Xaaji Aadan Afqalooc waxa uu ah Dhulmareen booqday mudadiid uu noola Wadamo badan oo ku yaala Dunida waxana uu booqday Xaajigu Dalalka Yemen, Sudan, Masar, Eritrea, Palestine, Syria, Iran, France, India, Jasiiradaha Java , Indonesia, Pakistan, iyo Wadamo kale oo badan waxana xiligan uu xaajigu dhulalkan maray ahayad mudooyinkii u dhexeyay 1864 ilaa 1943 wakhtigan waxa aad u adka Safarada wadamada loogu kala goosho waxa uu Xaaji Aadan dib ugu soo laabatay Dalkiisa hooyo Sanadkii 1943
Xaaji Aadan waxa uu aad u taageri jiray in qofku inta uu nool yahay aanu meel uun aanu fadhiyin ee uu Socdo si uu nolosha dunida wax uga barto Somaliduna waxay ku maahmaahda ” Niman Dhul arkini dhaayo ma le”  Xaaji Aadan Afqalooc isagoo Suugaantiisa ku muujinaya in dadku socdaan oo fadhugu aanu wanaagsanayn waxa uu ku yidhi Gabay uu Dadka Somalida kula Dar daarmayaye.

Fakhriga Aabihiis waa fadhiye aad u camal yeesha
Adigoon indho la’ayn wakhtiga meel ha ku idlaynin
Ergo dira dhulkoo Idil marto oo afyo liisan leh.

Hadaba Maaqalkan waxaynu ku eegi doona wixii aynu ka gaadhno Taariikhdii iyo Suugaantii Abwaan Xaaji Aadan Afqalooc inago ku xusi doona dadkan ku xasuusin doona Sanad guuradi 21aad ee ka soo wareegtay xiligi uu Xaaji Aadan Geeryooday ilaahay Naxariisti jano ha ka waraabiye .

Xaaji Aadan Afqalooc alle ha u naxariiste waxa uu ku geeryooday 5 July 1986 Magaaladda Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag Xaajigu waxa uu ah nin ilaahay cimri dheer siyay isla markaan intuu noola la kulmay Masiiboyin iyo Mahlakooyin badan balse nasiib wanaag ilaahay ay ka samato bixiyay waxana uu ah nin Nasiib badan.

Qormadan waxaan ku eegi doona qaar kamid ah Taariikhdii Xaajiga iyo masiibooyinkii soo maray mudadii dheerayad ee uu noola

Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqalooc) waxa uu ku dhashay miyiga magaaladda Ceerigabo meesha loo yaqaano Haldhagan ee Toga Mariishansanadkii 1850 (Sida loo malaynayo waa taariikhida uu dhashay Xaajigu)Xaajigu waxa uu ku geeryooda ku dhawaad 136 Sano jir.

Mahlakooyinkii soo Maray Nolosha Xaajiga

N.B Taariikhda Xaajiga qayb kamid ah waxaanu ka soo xiganay Barnaamij Radio Muqdisho ka diyaariyay markuu Geeryooday Sanadkii 1986 .

Xaaji Aadan isagoo Afar sano jir aha ayaa Libaax ka qaatay Hooyadi iyo Aabihi markii Libaaxi sitay dhawr daqiido ayuu dhigay meel cidlo ah iskagana tegay isagoon cunin markii Xaajigu labo maalmood yaalay kob cidlo ah  maalintii danbe ayaa adhi meesha ku soo foofay ka diday wiilka yar ee meesha yaala waxana markaas Xaaji Aadan soo qaaday gabadhi adhiga la joogtay kadiban waa la baantay oo la daweeyay Xaajiga, marki mudo Saddex bilood ah la hayay ayaa shir laga baafiyay Xaajiga loona keenaya reerkoodi oo ka quustay una haystay in Libaaxi cunay.

Shan Sano kadib ayaa hadan Xaajiga mar kale Reer koodu geeri ku tiriyeen markii isagoo Sagaal (9) Sano jir ah oo Adhi la jooga Xeebta Maydh uu loox weyn oo uu ka helay Xeebta inta uu fuulay u bada galay oo Mawjadah iyo Moolka badu ay jiiten waxan uu bada dhexdeeda ku dhaxay habeen kadib intaanay helin Saddex Doomood oo ay wateen Dad ah Danaakiil, Suuriyaan iyo Suudaniyiin doonyahayn oo Xeebaha Somaliland ka guranayay Kaluun, Luul iyo wax yaabo kale ayaa helay Xaajiga kadibna way qaaten waxanay haysteen mudo 6 bilood ah oo ay ugu adeeganaayen sidii qof ay iibsadeen kadib markii doonyihi dhameysteen hawshoodi ayaa si ay cunto iyo waxyaabe kale uga sii qaatan xeebta yimaaden tuulo la yidhaahdoWaqdara oo u dhaxaysa Maydh iyo Laas-qoray nin tuulada joogay oo reer laas-qoray ah laguna Magaacabi jiray Cali Gaacir ayaa aqoonsaday in wiilka yare e Nimanka Ajaanabiga ah doonta u saran inu yahay Soomaali kadiban Cali Gaacir ayaa Galka seefta kala baxay oo nimankii ku yidhi ” Hadii aydaan iska soo rogini wiilkan dhamaantin dhagta ayaan dhiiga idin daraya” markii ay nimankii cabsadeen ayay iska soo rogeen Xaaji Aadan Afqalooc waxan Xaajiga kaxaystay Cali Gaacir oo la tegay gurigiisi mudo kadib ayaa Xaaji Aadan Habar yartii ayaa waxay ku soo baxday Xaaji Aadan oo caruur la ciyaaray kadiban way ku barooratay lakiin Cali Gaacir oo ah ninkii doonta kala soo degay aya u diiday oo sheegay in la siiyo magtiisi hadi kale aanu bixinaynin hase yeeshe xeerbegtidi dhulkaas ayaa go’aamisay in xaajiga lagu soo furto 10 Ishin ah sidaasuna mar labaad ugu soo laabtay guridoodi isago bad qaba.

Shan Sano kadib Sanadkii 1864 ayuu mar saddexada Xaajiga Mahlako soo afsaartay markii uu dooni siday adhi iyo Dhuxul…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *