By Abiraxamaan Faarax “Barwaaqo”

Mudanayaal iyo marwooyinba dhammaantiin waydin salaamantihiin.
Intaa kadib waxa aan halkakani idiidinku soo gudbinayaa qaybtii 1aad ee
maansada la yidhaa “HAN-LAAWE”,taasi oo ay qaybo ka midihi ku soo baxeen
bogga tifaftiraha ee wargeyska “Baaq” ee ka soo baxa magaalada Toronto.
Iyada oo dhanna waxa laga siiddaayey laanta Af-soomaaliga ee idaacadda la
yidhaa “CKCU” ee magaalada Ottawa.

Hargeysa dusheeda
Hareerta Banaadir
Intii Hobyo dhaafsan
Kuwii hardafaayee
Inuu hilbahooda
Ka haago dugaaggu
Wixii ka hadhaana
Ifkeer ku hagaaso
Ka diidey hoggaankii
Kuwii huwan sheegtay
Iney halis daaqdo
Han-laawe ma moogtey ?

Intii hanqal taagtee
Hillaaca arkootee
Hollaand u tallawday
Hadday garan laydba
Iney hawirmeyso
Haadaan ka dhacayso
Hadhawna jidhkooda
Hilbaa ubadkooda
Dhurwaagu hanfiiri
Hayaanka halkiisa
Iney hakanlaydba
Anaa huba taasa
Hawraartan dhegeyso !

Markuu Han-yaraale
Shirqaalka hubaysan
Inuu hab ku siiyo
Heeryeeyo barbaarta
Haabkiisa ka keenay
Haweenkii gadoodee
Hareer galay xooggii
Haanraawaha siiyey
Hayeygii sawaabnaa
Inaan la hilmaamin
Han-laawe ma moogtey ?

Harleyda Toroonto
Hollaanda la sheego
Haddee yuruboo dhan
Intii la hal-maashaa
Iney ku heshiisey
Libteynu haleellay
Ahaan tu hagaagta
Hurdow dhegahaagu
Haddeer ma dareemeen ?

U hiilinta heedheh
Halyeeyo ku sheeggii
Habtii ka hor waagii
Hunfeydiyo yeydiyo
Intii u yar haaddu
Ka haagtay so’doodu
Inuu hirgelaayo
Hoheey ma ogaannay ?

Hurdow magacaabe’
Hayaanka bal jooji
Hayaayda dhegeyso
Dayaanka hawhawle
Hortaadana fiiri !!

Hoobaaqda la jeexay
Dalluunta hagoogan
Waxeer halaq jiifa
In laynugu heero
Hormoodkuna lee’do
Hadhaagu dayoobo
Dabeed habaqlaana
Harraadku dishoodu
Haloosigu weeye !

Hoheey cakuyeey hoh
Hurdow hammi laawe
Hareeraha eeg bal
Waxeer horor joogee
U soo hanqal taagi
Iney hablaheenna
Haddee gabankii yar
Haaweyda u loogaan !!

Dagaalkan habaysan
Ku aaddan haweenka
Hiddii dhaqankeenna
Intaan is habaynno
Dabeed is hubaynnoo
Hareer gallo heedhe
Hooyooyinka ciillan
Intii hilqadaalee
Ilaahay hortiisa
Hagoogta u qaatay
Ayaa hadda toosan !!!!

Haddii aan gefaf dhanka higgaadda aan sameeyey haloo dulqaato. Makiinad
garaacidda iskuma fiicnin.Qaybta labaadna haddii Eebbe yidhaa
waan idiin soo dawin.

Sidaa iyo nabadgelyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *