By Sayid M.C.Xasan
Wuxuu yidhi,
Iidoor waxaan meeriyoo malag laraadshaaba
Waxaan maylinka ululayoo micida ruugaaba
Inaan miigihii shalay lahelay mahad Alle sheega
Inaan guuto mawjada ahoo meheriyoo u geeyay
Oo aan magkalay duulku waa naga mutaysteene
Oo naan mareegaha ufuray mahad Alle Sheega
Gabagabo kumiiskii markay mayro ololaysay
Sidii muusanawgii bay nirguhu mawda ku hayeene
Madixii iyo ololkii kabaxay mahad Alle Sheega
Mali malida nimankii ahaa waa maquun sadaye
Magligii markaan ulabaxaay marada xooreene
Inay nalash laalaadiyeen mahad Alle sheega
Anna Maarareey waxaan la helay kun iyo may mayye
Mayd koodu waa kuu ahaa maadha oo kale’ e
In waraabihii madhax kahelay mahad Alle Sheega
Nuux Taani anigaa milkiyay maa hirkuu dhaqaye
Miiskaa Ilaah iigu shubay mohoradiisiiye
Inuu cay lamalan daadayo mahad Alle sheega
Nin makhaayad joogaba waa maanka laga qaadye
Awal hore inay maarsadaan maaralaga waaye
Inay haatan murankii dhigeen mahad Alle sheega…
Ma Dukhaynay Iidoor wuxuu doonayuu helaye:
Wuxuu yidhi,
Nimanyohow dabuub gabay baryahan u madadaalayne
Wax idaaray mooyee xalaa laygu soodagaye
Aan dabeebto gabaygaygu waa dab iyo baaruude
Unka dililiglayn baan ahiyo dululka cawleede
Daad soorag maday baan ahoo dooxadiiyimiye
Aan dur duro dabaal baan ku imi doolo iyo ximane
Dayax iyo shamsaan ahay hadaan lays dafirahayne
Gudcur dama habayn dumay cirkaan dacal ka nuuraynin
Madayado talaabada ninkii dawga marayaaye
Dugsi hadaan lahelin dhaxanta waa lagu dadoodaaye
Dabaylihiyo foorahaa latagi daar waxaan galine
Dayra dhaafyadaan shidahayaa dogobyo waawayne
Dubaax malaha xaajada midaan diirka ka cadayne
Diirsimo halkii aan ahayn waa sidii danabe
Waxa dunida qaar keed ka dhacay doodan ka idhaahdo
Daa imoow Alahayoow adaan dunimda moogayne
Daan daansi ina Aadanaa loogu dawgalaye
Deyn nimaan ka qabin baa naflu dabagalaayaane
Haddii lanagu soodiray khalqiga Dir Iyo Daaroodba
Iidoor hadduu dunjiga diracyo sooqaatay
Sacad Yoonis iyo Awal haddii Daalo lugu keenay
Guutadii lasoodumay haddii lanagu sooduushay
Wax la soodan daanshaba haddii lana dul gawraarshay
Dil dilaaca waabari haddii lana dabaalsiiyay
Digta weerar qoofkii hadday dininigtii yeedhay
Doonyada ululuftale hadday Daalo kor u dhaaftay
Qaylada daluunta ah haddii lana dareensiiyay
Deg deg inaan u sooroorno waa dawlad camal keede
Ma dulkeenay kuman duud cadoo wada Daraawiisha
Digri hadduu ku soogalo xarbiga aniyo duulkaygu
Dayadii horeetaba baqay dabada taageene
Diigaanyo ciidana miyaan daafta kala raacay
Sida aar daloonbiyi markaan ugu dinaahyeeyay
Dulihii sariirnaa markuu dibawga jiidhaayay
Daayeerku meeluunan marin dani ma jeexsiise
Dambi malaha cadaawaha ninkii dali ka xooraaye
Darajuuse Ilaahii ka heli labada daaroode
Dubku iimo noqo nimay kufriga daris wadaagaane
Faranjiga dirayskale kuwii diiraddaw qaaday
Iyaguba dariiqada Alliyo diinta caasiye’e
Waxay noo duleedsheenba waa doora waynaha’ e
Dulmigaan banaanayn kuwii Doofil ugu hiishay
Haddaan daayo waa anigoo daawadi furaye
Danabkii rasaaseed miyaan diilin kaga yeelay
Dureemada kabadan maydka yaal didibtii buureede
Dhiigoodu sidii doogasin roob siiduduuduxaye
Dugaagii hilbaha quudan jiray loodiyaafadiye
Nimanyohow af labo daanle baan hadalka daynayne
Daleglaa cidla lagama shubo hadal daleeleede
Ma dukhaynay Iidoor wuxuu doonayuu helaye
Aniguna dilkoodaan ku helay libin dabool nayde
Dayaradaha Eebiyo markii deeqa lana siiyay
Ma dabaal degiyo muufahaa duhur nadhaafsiiyay
Duco awliyaad bay qabaan Dagaha Aargooye
Waa nimanka gaalada del dela doog iyo abaare
waa nimanka doofaaradii daarigow jaraye
Roobkiina waa kaa u da’ ay duraha jiilaale
waakaa dalkoodii balidu wada duraabaane
Waataa arladu daahirtoo diifka soobaxaye
Cawskii dumaayoobay baa doog ka soobaxaye
Dalaqyadiyo dooxooyinkiyo diishaya qaare
Dunkaariyo xamaskiyo sidii diriq lamoodaayo
Maalkii diraacdii dhalaa doobka loo culane
Duunyada wax laga maalayaa darartii canoode
Rabigii dawaa’ iga sidaa deeqo nooyimiye
Afartaa dujaye bal aan midkale deylka ka higaadsho
Aan dabeebto eegana halkay damacday laabtaydu
Dacwad kalana waa Siilaanyo hadal aan deeqsiiyo
Adey dayr goortaan ahaa duul xigaal kaaye
Adigay dafiray saan ahaa duul shisheeya ahe
Waa taynu derisnaye adaa daawadii furaye
Doolaalo adigawgu tagay gaalka duuf kalehe
Adigaa dariiqada Alliyo diinta caasiyaye
Goor taan kutaayana adaa diiday nabadiiye
Wax dhaxaan dun qaarahaa lahaa dib uga soojooge
Wax dhaxaan daraadaa u maray daray xidhiidhyoone
Maantaa dubihii kugu dhecee duxi ha kaaraacdo
Waadiga dayoobaye sidii dalaw u meerayso
Ama dayrka dhigo waad taqaan dabin insha Alleeye
Ama Doofil qabo caydhi waa diifta kugu taale
Ama quud dariiqyada ka xaadh darag haddaad waydo
Ama daaliboow bari inuu kuu dawaro uunku
Ama duunyo raac noqo cidlaa kaaga siidarane
Ama sida dilkii nacasiga dogobyadaw raaro
Ama doonyihii Saaxil iyo Cadan dilaalayso
Ama Doofil qabo caydhi waa diifta kugu taale
Ama duurgal iyo tuugo daganti uun dhawro
Ama doonbirtiyo diinka dabo wareegayso
Ama dabada gaal baad tahaye dacay ha kaasaarto
Ama doorowaynoow baqdaye dirir u soojoogso
SSC hanoolaato, SSC haysraacdo, SSC Cadawgeedu ha jabo guul SSC.