Posted in July 20th, 2010

Borama-(Lug)-Madarasadaan oo ka mid ah madarasadaha ugu caansan ee ku yaala magaalada Borama iyo gabi ahaanba Gobolada Awdal/Salal, ee xaga xifdiga quraanka Kariimka ah, ayaa waxaa munaasabad noocanoo kale ah, sanad walba lagu qabtaa xarunteeda Borama.pic1

Madarasadan waxaa aasaasay Dhalinyaro naftood hurayaal ah, oo u kaba gashaday sidii ay u kor yeeli lahaayeen, qawlka ilaahay, waxaana maamula xiligaan Sheekh Maxamed Faarax Raage, waqtigaa la bilaabay ayaa waxaa lagu bilaabay arday tiro yar.

pix2

Kadib heerar kala duwan oo ay soo martay madarasadani, ayaa imika waxaa madarasadan wax ka barta, arday kor udhaafaysa 350 arday , kuwaas oo iskugu jira rag iyo dumar una badan da’yar.

Hadaba munaasabad si heer sare loo soo agaasimay ayaa maanta ka dhacday Barxada wayn ee Iskuulka Sheekh Cali Jawhar, halkaasoo Shahaadooyin lagu guddoon siiyay 6 Wiil iyo 1 Gabadh oo dhameystay Xifdinka Quraanka kariimka.

pic3

Ugu horeyn halkaa waxaa lagu furfuray aayaadka quraanka kariimka ah, kuwaas oo arday dhawrihi, ka soo jeediyeen aayaadka quraanka kariimka ah, oo dadkii halkaas joogay khushuuc iyo daakiro galisay, iyaga oo la dhacsan sida wanaagsan ee ay da’yartaasi u akhriyayeen aayaadka rabbi.

pic4

Aayaadkaa quraanka ka bacdi, waxaa halkaas hadal aad u qiimo badan ka soo jeediyay, Maamulaha Madarasadan Daaru Bin Kasiir Sheekh Maxamed Faarax Raage waxa uuna ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay madarasadani iyo halka ay iminka marayso,waxa uuna ka sheekeeyay fadliga uu leeyahay in la barto lana xafido, Qawlka illaahay, waxa kale oo uu sheegay, in quraanku yahay ka u shafeeca qaadaya cida ilaalisa kuna dhaqanta waxa uu eebe faray.  Ugu danbayn halkaas waxaa lagu gudoonsiiyay, Jawaa’is ardaydii ku guulaysatay xifdiga quraanka kariimka ah tartan usoo socday ardayda wax ka barata madarasadan.

pic5

Isku soo wada duuduuboo, Madarasadani waxa ay ka mid taha, madarasadaha ugu caansan ee ku yaalada degmada Boorama, ardayda ay sanad walba soo saaraana waxa laga arkaa midhahooda, sanadwalba waxa ay tujiyaan bisha Ramadaan masaajidada waa wayn ee ku yaala degmada Borama.
Abdifitahaam Ahmed
Borama

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *