alank Soomaaliya oo ka mid noqday calamada suran dowladda Hoose ee magaalada Ottawa
Thursday, July 02, 2009
Ottawa, Canada (HOL) – Calanka Soomaaliya ayaa marka ugu horeeysay laga taagay xaruunta dowladda hoose ee magaalada Ottawa. Calan saarkan oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah Soomaalida ku nool magaalada Ottawa ayaa wax uu ku soo beegmay maalinta xornimada dalkan Canada oo ku aadan 1da July.
Munaasabadaan calan saarka ayaa lagu sharfay in ay calanka saarto Asli Xasan Cabaade (Calansada) oo horay duuliye uga ahaan jirtay ciidankii cirka ee Xooga dalka Soomaaliyeed. Duuliye Asli ayaa halkaas ka aqrisay qudbada aad iyo aad u qiira badan oo qaar ka mid dadkii halkaas joogay ka ooysiisay.
Dr. Xersi Cabdikarim Ciyow oo ka mid ah odayaasha magaalada Ottawa ayaa isagan halkaas ka hadlay warbixin koobana ka bixiyey taariikha calanka Soomaaliyeed iyo halgankii loosoo galay xornimada Soomaaliya. Dr. Ciyow ayaa halkaas ku soo dhaweeyey Duuliye Asli oo marti ku ah magaalada Ottawa.
Waxaa sidoo kale warbixin xabaarsan taariikhda calanka Soomaaliyeed iyo halgankii gubanimada Soomaaliyeed halkaas ka akhriyey Maxamed Xuseen Hadi oo madax ka ah Xarunta Hiddaha & Dhaqanka Soomaaliyeed (Halkaan ka wada aqriso warbixintii Maxamed X. Haddi)
Intii ay calanka saareysay Duuliye Asli ayaa dadweynihii halkaas isugu yimid si wadajir u qaadeen heesta astaanta u ah ummadda Soomaaliyeed ee “SOOMAALIYEED TOOSOO TOOSOO ISKU TIIRSADA HADBA KIINA TAAG DARAN TAAGEERA WALIGIIN” Erayadaas ayaa waxaa halkaas ka aqriyey Mohamed Hussein Hadi ayado markaas ay dadkuna ka daba qaadayeen.
Soomaaliyeey Toosoo .Toosoo isku Tiirsada oo
hadba kiina Taagdaran Taageera waligiin.
Waxaan la ooynaayo Ilmadu iiga Qubanayso
Ikhtiyaar nin loo Diido la adoonsadaan ahayeey
Calan yahow tilmaam wacanbuu midabkaagu taam ku yahoo
xiddigtii na tirinaysaa dhexdaa kaaga sii taallee
Sida tira adhiyoo dhaxalaa sided layadin soo tubayoo
ninba toban la meel marayoo cadowgiin idiin taliyee
Tulud geela oo dhacan baad Tarab tarab u dhimaataane
ma dhulkiini oo tagay baan ruuxna Dhagax u tuurayn
Munaasabadaan ayaa waxaa isku xilsaaray dhallinyaro Soomaaliyeed kuna ballan qaaday in sannad waliba xusidoonaa maalinta xornimada iyo midnimada Soomaaliya.
Ugu dambeyntii ayaa dadkii halkaas isugu yimid u duceeyeen in dhibaatada dalka Soomaaliya maanta ka jirta ilaaheey ka qaado, waxaan lagu ballamay in sannadka soo socda xaflad weyn lagu qabto goobtaan oo ay ka soo wada qayb galaan dhammaan Soomaalida ku nool magaaladan Ottawa.
1st JULY WAA MAALINTII ISRAACA UMMADDA SOOMAALIYEED
By Maxamed Xuseen Hadi
Maanta oo ah 1da bisha luuliyo, 2009,waxa 49 jirsatay Xornimadii Ummaadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba. Waa maalin taariikhi ah oo qiimo wayn ku leh sooyaalka Soomaaliyeed ,waa maalintii israaca labadii Gobol ee ka xoroobay Gumeystiyayaashii reer Yurub. Waxa la odhan karaa Gobonimada ummadda Soomaaliyeed waxaa ugu horeysay 26kii Juun, 1960kii markii beerta xurriyadda ee magaalada Hargeysa laga saaray calankii ummadda Soomaaliyeed ee ay mudada dheer sugaysay, waa maalintii ugu horreysay ee dadka Soomaaliyeed ay indhaha saaraan sida uu u egyahay calankoodu .
Taariikhda Calanka Soomaaliyeed haddii aan dib u eegno, habaynimadii 11kii Oktoobar 1954kii dadweeynaha ku nool magaalaad Muqdishow ma seexan qofkastaana wuxuu doonayey in aan looga hormarin aragtida calanka Soomaaliyeed oo la surayey saqdii dhexe waxaana saacaddu markii aay ahayd 00.00 saqdii dhexe calankii Soomaaliya uu bilaabay in uu ka dhex muuqdo calamadii talyaaniga iyo kii jamciyadda Qaruumaha ka dhexaysa. .Dhacdadaasi waxaay ahayd guul weyn iyo mirihii ugu horreeyey ee halgankii uu soo galay xisbigii SYL oo horseedka u ahaa qarannimada iyo midnimaad Ummadda Soomaaliyeed. Xisbiga SYL oo ugu horreyn markii la asaasay 15kii May 1943kii la oran jiray SYC “Somali Youth Club” kaddibna u xuubsiibatay xisbi siyaasi ah oo ku shaacay dhammaan Soomaaliya oo dhan loona baxshay SYL (Somali Youth League) Xisbigaasi wuxuu awood u yeeshay in uu dhidibada u aaso midnimada Soomaaliyeed, gaarsiiyana heer ku dhawaaqidda ama sheegashada qabiilku ay ceeb laga faano ay noqotay waxaana xisbigaas halhays u ahaa heestii u tiriyey abwaan Cali Mire Cawaale 1947kii oo hadda ku nool Gobolka Ohio (USA). “Soomaaliyeey Toosoo”:
Soomaaliyeey Toosoo .Toosoo isku Tiirsada oo
hadba kiina Taagdaran Taageera waligiin.
Waxaan la ooynaayo Ilmadu iiga Qubanayso
Ikhtiyaar nin loo Diido la adoonsadaan ahayeey
Calan yahow tilmaam wacanbuu midabkaagu taam ku yahoo
xiddigtii na tirinaysaa dhexdaa kaaga sii taallee
Sida tira adhiyoo dhaxalaa sided layadin soo tubayoo
ninba toban la meel marayoo cadowgiin idiin taliyee
Tulud geela oo dhacan baad Tarab tarab u dhimaataane
ma dhulkiini oo tagay baan ruuxna Dhagax u tuurayn
Asaasayaashii SYL waxaa geeriyooday Allah ha u naxariistee 12 ka mid ah waxaana ugu dambeeyey Allaah ha u naxariistee Daahir Xaaji Cismaan “Dhegaweeyne” oo dalkan kanada inagula noolaa. Waxaana maanta nool Cali Xassan Cali “Verdura ” oo ku nool degmada Qoryooleey Maanta oo kale waxaan marnaba la illoobi karin oo aay waajib tahay in la xuso halyeeygii isagu hal abuuray calanka Soomaaliyeed halyeeygaas oo ahaa Allah u naxariistii Maxamad Cawaale Liibaan (1919-2001).Marxuum Maxamad Cawaale Liibaan wuxuu ku Geeriyooday magaalada Toronto ee dalkan Kanada .
(Alla ha u Naxaristee Xaaji Aadan Afqalloc oo quus ka muujiyey wadciga taagan wuxuu yidhi: )
Qaranka iyo Xornimadii la helay waa la quursadaye
Wax ku qooqay Niman aan Ogayn Qaabka loo helaye
Qudhooda iyo Maalkaba Raggii Qiiradow Bixiyey
Waa kaa Gidaarada ku quban Qalin Jabkoodiiye
Qabiil iyo dil baa noo kordhiyo Qoys anaa Badane
Qorax noolba boqolaal dhintaa Qayladood Timide
Qudh Kaliyoo xil lagu aaminoo Qiimo laan jirine
Haddii Allaa Qaadiree Qiil inoo bixinin
OO aanu Qaliifyo u sakhirin Qaata Amarkeena
Ninwalboow Xabaashada Qodo Nololi waa Quuse
Qolaba calankeedu waa cayn: ereyadii Xuseen Aw Faarax Dubbad, codkii CabdullaahiQarshe “Qoloba calankeedu waa cayn:
Qolaba Calankeedu waa cayn
Innaga Keenu waa Cirkoo kale
Aan Caadna lahayn ee la cashaqayeey
Waxa kale oo xusid mudan Allaha u naxariistee Cabdullahi Suldaan Tima cadde oo qawmiyadiisa Soomaalinimo aan qoraal lagu soo koobi Karin, maansooyinkii calanka iyo xuriyadda ummadda Soomaaliyeed uu ka tiriyey gabayo iyo geeraaro badan oo uu ka mid ahaa: “Kaana siib kana saar”
Anigoo sebi uun ahoo Sita leeb iyo qaansoo
Siigaduun isku aasoo Sabo reer ka fogaanoon
Laygu aaminin soofkiyo Saaca maanta aan joogno
Gabaygu waygu sugnaayee Haddii aan Sarsarriigo
Ama aan surmaseejo Amaba aan sixi waayo
Ama aan ka salguuro Amaba laygu saluugo
Soomaalida i maqlaysaay I su’aala hadhow
Ilaahaan waxba seegine Subaciisa Quraankiyo
Sabbaxooyin ku sheegayow Saciira iyo naciima
Rabbiigii kala seerayow` Markay suurtu dhawaaqdo e
La soo saaro makhluuqa e Shaqiga iyo saciidka
Maalintaad kala soocdo Dembigaannu samaynay
Rabbigayow naga saamax
Subciyay oo ka dukeeyaye Ka siddeetan sebaaney
Calankaannu sugaynaye Sahankiisa ahaynow
Seermaweydo hillaacdayow Sagal maanta darroorayoo
Siigadii naga maydhayow Saq dhexaannu ahayne
Kii soo saaray cadceeddow Samada kii u ekaaye
xiddigaa mid la siiyayow Saaxirkii kala guurrnayee
Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e
Kaana siib Kanna saar
Waxa kale oo Tima cadde isagoo ka hadlaya DUGSI MA LEH QABYAALADI
Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo diirka uga qaaday
Dadka waxaan ogaysiinayaa dowgu suu yahaye
Soomaaliday dayaya wanaag idinka doorsoonye
Docda bari, dorooriga baddiyo Seylac deriskeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisa
Degmadeena oo iil haddaan dayey abwaankeeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye
Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dixdhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye
Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahay ooy duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa daa’in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa daad u soo geliye
Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeye
Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkioy waxyiga diinti ka carrowye
Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe
Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad dunida joogtaane
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Waxaad moodaa wuxuu Cabdullaahi waaga ka hadlayey inay maanta joogto, hasayeeshee Ilaahay (SWT) waxaan ka baryeynaa inuu ummadeenna dhexdeeda is afgarad iyo is qaddarin uu dhex dhigo Inshaa Allaah.
Soomaaliya Ha midoowdo Soomaaliya ha is raacdo