Mahad oo dhan Allah ayaa iska leh-Suugaanta Somaaliyeed ayaa dhaxal
gal weyn ah qiimo gaar ahaaneed ugu fadhiya guud ahaanba Ummadda Somaliyeed
xikmad iyo aftahanimo ku saleeysan iyadoo noocyo kale duwan leh tusaale ahaan:-
Gabay,Jeeraar,Maanso,Masafo,Guuroow iyo(Buraan-bur dhanka Haweenka),
heeso,ciyaaro kala duwan,riwaayado maqal iyo muuqaal,sheekooyin IWM,
Lamana soo koobi karaayo suugaan yaqaanadii iyo abwaanadii waaweynaa oo
ka soo baxay ilaa iyo hadana si weyn loo qiimeeyo loona dhegeeyso Tixihii eey
dhaxal ahaan uga tageen diiwaana suugaantana ku duugan-waxaana kaalinta
hormoodnimo iska leh xikmad iyo aftahinimo loo daayeey-Halyeey-Sayid Ma’d
Cabdule Xassan,Qamaan Bulxan,Cali Dhuux,Salaan Carabeey,Halyeey-Ismaaciil Mire,
Maxamed Cumar Dagge,Raage Ugaas,Aw Muuse,Yawle,X,Aden Af-Qalooc,Cali Sharmaarke, Halyeey-Timaca-Cade,Halyeey-Cismaan Yuusuf Keenadiid,Aden Carab,Dhoodaan,Halyeey- Cabdi Iidaan,Cabdi Gaheeyr,Faarax Nuur,Cali Cilmi Af-Yare(Jaamac Cilmi Kediye)Xidigga. Waqtigan iyo boqolaal dhigooda ahaaba(Fiiro Gaar ah Magacyadu waa tusaale ahaan keliya).
Qormadan maanta ayaa ku saabsan aftahanka weyn xikmada alle hibadda u siiyeey
kuna dadaalay nooleeynta iyo xafidaada suugaanta qaaliga ah ee somaaliyeed iyo u
soo gudbinta jiilaca cusub oo aan nasiibka u helin ka ciil baxa suugaantooda qaaliga
ah lana koowsadeey burburka iyo colaadaha dalkii hooyo curyaamiyeey(Waa Ustaadka
Weyn Qoraaga ah-AXMED FAARAX CALI-IDAAJAA oo ka mid ahaan jiray bahdii saxaafada iyo warbaahintii somaaliyeed gaar ahaan Radio Muqdisho oo lagau xasuusto barnaamijkii qiimaha weyn lahaa ee Fanka iyo Suugaanta xiligana wuxuu si habsami leh uga soo tabiyo. Idaacadda VOA-ka oo hab taxano ah ka soo daayeey noocyo badan oo suugaanta ah si weyn uga faa’iideeysteen bulsho-weynta weliba qurba jooga,Ustaad Axmed ayaa hab gaar ahaaneed iyo hanaan cajiib ah oo cod gaar ahaaneed leh ku soo bandhiga si weyna loo fahmi karaayo erayadiisa iyo faseexnimadda lahjadiisa taasoo qiimo kale siineeysa barnaamijka Ustaadku markaas ka hadlaayo,sidoo kale waxaa mudnaan gaar ah siiya guud ahaanba barnaamijyadda Fanka iyo Suugaanta oo wuu soo diyaariyo Idaajaa Moowduca wuu ka hadlaayo oo intoodaba wuu ku aadiyo waqti ku haboon,bal halkan hoose ka eeg ama ka dhegeeyso qeybo ka mid ah barnaamijyadda Fanka iyo Suugaanta iyo Ustaad-Axmed Faarax Cali-Idaajaa:-Waan tucubyo maanso-yaqaano somaaliyeed oo degaamo kala duwan tiriyeen iyo waayo kala duwanba.
01 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Gabayada) Dageeyso
02 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Geeraarka) Dageeyso
03 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Jiiftada) Dageeyso
04 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Deelqaafka) Dageeyso
05 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Heesaha) Dageeyso
06 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Heellada) Dageeyso
07 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Heellada Q-2aad) Dageeyso
08 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Maanso-curinta) Dageeyso
09 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Suugaanta Libidho Dageeyso
Ustaad-Axmed Idaajaa ayaa barnaamijyo qiimo weyn leh dhaxal suugaaneed ah soo
bandhigaayeey Idaacado kale duwan oo ah kugu ugu waaweyn oo looga hadlo afka
Somaaliga si gaar ahna loo xiiseeyo sida:-Radio Muqdisho,BBC-da iyo VOA-ka oo wuu
xiligan ka daadihiyo barnaamijka xiisaha weyn ee Fanka iyo Suugaanta,Ustaad-Idaajaa
ayaa had iyo jeer ina xasuusiya xikmadii,aftahanimadii iyo hibo gaar ahaaneed Allah u
siiyeey Maanso yaqaanadii somaaliyeed oo waayo kala duwan noolaa waana mid mudan in amaan,gobaadiin iyo mahad celinba loogu soo gudbiyeey Ustaad-Axmed Faarax Cali Idaajaa,iyadoo aan qormo kooban lagu soo koobi kareeyn suugaanta iyo barnaamijyada wuu soo diyaariyeey sida wacana u daadihiyo balse waxaa tusaale inoogu filan inta aan soo qaaray iyo kuwo badan oo aad si xarago leh aad ugaga ciil bixi kartaan Idaacadda. VOA-da,gunaanadka qormadan waxaan qiraayaa shakhsiyan in Ustaad-Idaajaa si wacan oo habsamideeda leh,aftahanimo leh xeelad iyo farsamo sare oo weriye-nimo leh u soo bandhigay suugaan aad iyo aad u badan oo dhaxal qaali ah-Mahad-celin Ustaad-Axmed Faarax Cali-Idaajaa-Tucubyo kalle hoose ka dheehda:-sidoo kalle waxaa ka heli kareeysaan Barnaamijyadda Ustaad-Idaajaa:- www.Calamooeonline.com – www.Doollo.com ,
www.golkhaatumo.com.
10 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Suugaantii Gobanimo-doonka) Dageeyso
11 – Dhaqanka iyo Hidhaha (Suugaatii Gobonimo.doonkii Dageeyso
12 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Suugaantii Goba-nimadoonka Q-3 Dageeyso
13 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Suugaantii Goba-nimadoonka Q-4 Dageeyso
14 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Suugaantii Gobanimodoonka Q-5 Dageeyso
15 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Suugaantii Gobanimodoonka Q-6 Dageeyso
16 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Suugaantii Gobannimodoonka Q-7 Dageeyso
17 – Dhaqanka iyo Hidhaha (Suugaanta Jacaylka)Dageeyso
18 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Sugaanta Jacaylka Q-2aad ) Dageeyso