alank Soomaaliya oo ka mid noqday calamada suran dowladda Hoose ee magaalada Ottawa

Thursday, July 02, 2009
Ottawa, Canada (HOL) – Calanka Soomaaliya ayaa marka ugu horeeysay laga taagay xaruunta dowladda hoose ee magaalada Ottawa. Calan saarkan oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah Soomaalida ku nool magaalada Ottawa ayaa wax uu ku soo beegmay maalinta xornimada dalkan Canada oo ku aadan 1da July.

Munaasabadaan calan saarka ayaa  lagu sharfay in ay calanka saarto Asli Xasan Cabaade (Calansada) oo horay duuliye uga ahaan jirtay ciidankii cirka ee Xooga dalka Soomaaliyeed.  Duuliye Asli ayaa halkaas ka aqrisay qudbada aad iyo aad u qiira badan oo qaar ka mid dadkii halkaas joogay ka ooysiisay.

Dr. Xersi Cabdikarim Ciyow oo ka mid ah odayaasha magaalada Ottawa ayaa isagan halkaas ka hadlay warbixin koobana ka bixiyey taariikha calanka Soomaaliyeed iyo halgankii loosoo galay xornimada Soomaaliya. Dr. Ciyow ayaa halkaas ku soo dhaweeyey Duuliye Asli oo marti ku ah magaalada Ottawa.

Waxaa sidoo kale warbixin xabaarsan taariikhda calanka Soomaaliyeed iyo halgankii gubanimada Soomaaliyeed halkaas ka akhriyey  Maxamed  Xuseen Hadi oo madax ka ah Xarunta Hiddaha & Dhaqanka Soomaaliyeed (Halkaan ka wada aqriso warbixintii Maxamed X. Haddi)

Intii ay calanka saareysay Duuliye Asli ayaa dadweynihii halkaas isugu yimid si wadajir u qaadeen heesta astaanta u ah ummadda Soomaaliyeed ee  “SOOMAALIYEED TOOSOO TOOSOO ISKU TIIRSADA HADBA KIINA TAAG DARAN TAAGEERA WALIGIIN”  Erayadaas ayaa waxaa halkaas ka aqriyey Mohamed Hussein Hadi ayado markaas ay dadkuna ka daba qaadayeen.

Soomaaliyeey Toosoo .Toosoo isku Tiirsada oo
hadba kiina Taagdaran Taageera waligiin.
Waxaan la ooynaayo Ilmadu iiga Qubanayso
Ikhtiyaar nin loo Diido la adoonsadaan ahayeey
Calan yahow tilmaam wacanbuu midabkaagu taam ku yahoo
xiddigtii na tirinaysaa dhexdaa kaaga sii taallee
Sida tira adhiyoo dhaxalaa sided layadin soo tubayoo
ninba toban la meel marayoo cadowgiin idiin taliyee
Tulud geela oo dhacan baad Tarab tarab u dhimaataane
ma dhulkiini oo tagay baan ruuxna Dhagax u tuurayn

Munaasabadaan ayaa waxaa isku xilsaaray dhallinyaro Soomaaliyeed  kuna ballan qaaday in sannad waliba xusidoonaa maalinta xornimada iyo midnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyntii ayaa dadkii halkaas isugu yimid u duceeyeen in dhibaatada dalka Soomaaliya maanta ka jirta ilaaheey ka qaado, waxaan lagu ballamay in sannadka soo socda xaflad weyn lagu qabto goobtaan oo ay ka soo wada qayb galaan dhammaan Soomaalida ku nool magaaladan Ottawa.

1st JULY WAA MAALINTII ISRAACA UMMADDA SOOMAALIYEED

By Maxamed Xuseen Hadi

Sh.Xadi

Maanta oo ah 1da bisha luuliyo, 2009,waxa 49 jirsatay Xornimadii Ummaadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba. Waa maalin taariikhi ah oo qiimo wayn ku leh sooyaalka Soomaaliyeed ,waa maalintii israaca labadii Gobol ee ka xoroobay Gumeystiyayaashii reer Yurub.  Waxa la odhan karaa Gobonimada ummadda Soomaaliyeed waxaa ugu horeysay 26kii Juun, 1960kii markii beerta xurriyadda ee magaalada Hargeysa laga saaray calankii ummadda Soomaaliyeed ee ay mudada dheer sugaysay, waa maalintii ugu horreysay ee dadka Soomaaliyeed ay indhaha saaraan sida uu u egyahay calankoodu .
Taariikhda Calanka Soomaaliyeed haddii aan dib u eegno, habaynimadii 11kii Oktoobar 1954kii dadweeynaha ku nool magaalaad Muqdishow ma seexan qofkastaana wuxuu doonayey in aan looga hormarin aragtida calanka Soomaaliyeed oo la surayey saqdii dhexe waxaana saacaddu markii aay ahayd 00.00 saqdii dhexe calankii Soomaaliya uu bilaabay in uu ka dhex muuqdo calamadii talyaaniga iyo kii jamciyadda Qaruumaha ka dhexaysa. .Dhacdadaasi waxaay ahayd guul weyn iyo mirihii ugu horreeyey ee halgankii uu soo galay xisbigii SYL oo horseedka u ahaa qarannimada iyo midnimaad Ummadda Soomaaliyeed. Xisbiga SYL oo ugu horreyn markii la asaasay 15kii May 1943kii la oran jiray SYC “Somali Youth Club” kaddibna u xuubsiibatay xisbi siyaasi ah oo ku shaacay dhammaan Soomaaliya oo dhan loona baxshay SYL (Somali Youth League) Xisbigaasi wuxuu awood u yeeshay in uu dhidibada u aaso  midnimada Soomaaliyeed, gaarsiiyana heer ku dhawaaqidda ama sheegashada qabiilku ay ceeb laga faano ay noqotay waxaana xisbigaas halhays u ahaa heestii u tiriyey abwaan   Cali Mire Cawaale 1947kii oo hadda ku nool Gobolka Ohio (USA). “Soomaaliyeey Toosoo”:

Soomaaliyeey Toosoo .Toosoo isku Tiirsada oo
hadba kiina Taagdaran Taageera waligiin.
Waxaan la ooynaayo Ilmadu iiga Qubanayso
Ikhtiyaar nin loo Diido la adoonsadaan ahayeey
Calan yahow tilmaam wacanbuu midabkaagu taam ku yahoo
xiddigtii na tirinaysaa dhexdaa kaaga sii taallee
Sida tira adhiyoo dhaxalaa sided layadin soo tubayoo
ninba toban la meel marayoo cadowgiin idiin taliyee
Tulud geela oo dhacan baad Tarab tarab u dhimaataane
ma dhulkiini oo tagay baan ruuxna Dhagax u tuurayn

Asaasayaashii SYL waxaa geeriyooday Allah ha u naxariistee 12 ka mid ah waxaana ugu dambeeyey Allaah ha u naxariistee Daahir Xaaji Cismaan “Dhegaweeyne” oo dalkan kanada inagula noolaa.  Waxaana maanta nool Cali Xassan Cali “Verdura ” oo ku nool degmada Qoryooleey  Maanta oo kale waxaan marnaba la illoobi karin oo aay waajib tahay in la xuso halyeeygii isagu hal abuuray calanka Soomaaliyeed  halyeeygaas oo ahaa Allah u naxariistii Maxamad Cawaale Liibaan (1919-2001).Marxuum Maxamad Cawaale Liibaan wuxuu ku Geeriyooday magaalada Toronto ee dalkan Kanada .
(Alla ha u Naxaristee Xaaji Aadan Afqalloc oo quus ka muujiyey wadciga taagan wuxuu yidhi: )
Qaranka iyo Xornimadii la helay waa la quursadaye 
Wax ku qooqay Niman aan Ogayn Qaabka loo helaye
Qudhooda iyo Maalkaba Raggii Qiiradow Bixiyey 
Waa kaa Gidaarada ku quban Qalin Jabkoodiiye 
Qabiil iyo dil baa noo kordhiyo Qoys anaa Badane
Qorax noolba boqolaal dhintaa Qayladood Timide 
Qudh Kaliyoo xil lagu aaminoo Qiimo laan jirine
Haddii Allaa Qaadiree Qiil inoo bixinin 

OO aanu Qaliifyo u sakhirin Qaata Amarkeena 
Ninwalboow Xabaashada Qodo Nololi waa Quuse

Qolaba calankeedu waa cayn: ereyadii Xuseen Aw Faarax Dubbad, codkii CabdullaahiQarshe                                                                                             “Qoloba calankeedu waa cayn:
Qolaba Calankeedu waa cayn
Innaga Keenu waa Cirkoo kale
Aan Caadna lahayn ee la cashaqayeey

Waxa kale oo xusid mudan Allaha u naxariistee Cabdullahi Suldaan Tima cadde oo qawmiyadiisa Soomaalinimo aan qoraal lagu soo koobi Karin, maansooyinkii calanka iyo xuriyadda ummadda Soomaaliyeed uu ka tiriyey gabayo iyo geeraaro badan oo uu ka mid ahaa: “Kaana siib kana saar”

Anigoo sebi uun ahoo                                   Sita leeb iyo qaansoo

Siigaduun isku aasoo                                    Sabo reer ka fogaanoon

Laygu aaminin soofkiyo                               Saaca maanta aan joogno

Gabaygu waygu sugnaayee                         Haddii aan Sarsarriigo

Ama aan surmaseejo                                    Amaba aan sixi waayo

Ama aan ka salguuro                                    Amaba laygu saluugo

Soomaalida i maqlaysaay                              I su’aala hadhow

Ilaahaan waxba seegine                               Subaciisa Quraankiyo

Sabbaxooyin ku sheegayow                         Saciira iyo naciima

Rabbiigii kala seerayow`                              Markay suurtu dhawaaqdo e

La soo saaro makhluuqa e                            Shaqiga iyo saciidka

Maalintaad kala soocdo                                 Dembigaannu samaynay

Rabbigayow naga saamax

Subciyay oo ka dukeeyaye                            Ka siddeetan sebaaney

Calankaannu sugaynaye                                Sahankiisa ahaynow

Seermaweydo hillaacdayow                          Sagal maanta darroorayoo

Siigadii naga maydhayow                               Saq dhexaannu ahayne

Kii soo saaray cadceeddow                             Samada kii u ekaaye

xiddigaa mid la siiyayow                                 Saaxirkii kala guurrnayee

Sarreeyow ma-nusqaamow                            An siduu yahay eegno e

Kaana siib Kanna saar

Waxa kale oo Tima cadde isagoo ka hadlaya DUGSI MA LEH QABYAALADI

Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo                 diirka uga qaaday

Dadka waxaan ogaysiinayaa                            dowgu suu yahaye

Soomaaliday dayaya wanaag                           idinka doorsoonye

Docda bari, dorooriga baddiyo                          Seylac deriskeeda

Dusha koonfureed iyo ilaa                                  wabiga daaciisa

Degmadeena oo iil haddaan                               dayey abwaankeeda

Nimaan duubiyadu naafo noqon                       deelka laga waaye

Dul iyo hoosba waan ugu dhigay                       waa dixdhagaxeede

Anuunbaa damqanayee dhaguhu                     uma daloolaane

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn                    dux iyo iimaane

Bal inay dalfoof tahay caqliga                            dooni laga saaray

Wixii hore usoo daashaday bay                       degashanaysaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy                         dhowrto danaheeda

Ooy duul walaala  ah tahay ooy                        duunka ka heshiiso

Dadka kama yaraateene ways                          dabar jaraysaaye

Dubba madaxa wayskala dhacdaa                    daa’in abidkiise

Goortay is wada dooxatay baa                          daad u soo geliye

Ubadkiinii waad daadiseen                                waana dubateene

Dubaaxdiisii waad wada cunteen                      duhur dharaareede

Dariiq toosan Soomaaliyey                                 waa lagaa deyeye

Darajada Ilaahay ninkii                                       doonayaa hela e

Nin ka duday distoorkioy waxyiga                    diinti ka carrowye

Dugsi malaha qabyaaladi waxay                        dumiso mooyaane

Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo                     daynin kala qaadka

Dibaddaan ka joognaa sharciga                         daacadda Ilaahe

Danbarkeedu waa Jahannama                          iyo dogobkii naareede

Dugsi ma leh qabyaaladi                                    waxay dumiso mooyaane

Dir dir la isu laayiyo intaan                                weerar daba joogno

Ooy dumarku weerkii sitaan                             danabadii waayey

Uu sida dureemada u yaal                                 meydku dibaddiinna

Wallee doogsan maysaan haddaad                   dunida joogtaane

Dugsi male qabyaaladi                                       waxay dumiso mooyaane

Waxaad moodaa wuxuu Cabdullaahi waaga ka hadlayey inay maanta joogto, hasayeeshee Ilaahay (SWT) waxaan ka baryeynaa inuu ummadeenna dhexdeeda is afgarad iyo is qaddarin uu dhex dhigo Inshaa Allaah.

Soomaaliya Ha midoowdo                                  Soomaaliya ha is raacdo

Ali Mire: author of somali national anthem

Maqaloo Ooy, Ali Mire laa hadleyaa

BBC Somali 21: Cismaan Badawi

Taariikhda far soomaaliga