Xogwarrankan waxaa idiin soo diyaariyey Guddiga Muslimiinta Dumarka Kanada [Canadian Council of Muslim Women (CCMW)] si uu dumarka Muslimiinta ah u siiyo warbixin kooban oo ku aadan xeerka qoyska ee gobolka Ontario sida uu u quseeyo bulshada Muslimiinta ah.

Waxaan isku dayeynaa in aan ka jawaabno su’aalaha ugu muhimsan oo ku saabsan sida shareecada Islaamka loogu isticmaali karo xallinta khilaafaadka qoyska kolka la joogo Kanada. 5020_CCMW_M&D_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:14 PM Page 2 CANADIAN COUNCIL OF MUSLIM WOMEN (CCMW) 3 Guurka iyo furidda Buugan yar waxaa loogu tala galay in lagugu siiyo warbixin gaaban oo ku saabsan arrimaha khuseeyo sharciga. Xogtan ma lagu beedeli karo xogta gaarka ah iyo caawinaada qofka loo fidiyey oo sharciga ku saabsan. Haddii arrintaada ay khuseyso sharciga xeerka qoyska, raadso la talin sharci ah sida ugu dhaqsiyaha badan si xaqaada aad u dhacsato. Xogwarran dheeraad ah ee ku saabsan sida aad u heli lahayd qareenka arrimaha xeerka qoyska, lagacna aad u siin lahayd, ka fiiriso buuga yar ee FLEW oo ku magacaaban “sida aad u heli lahayd cid kaa caawinta dhibaatada xeerka qoyska” oo ku qoran shabakadda FLEW oo ah www.onefamilylaw.ca. Maxaa loola jeeda guurka sharciga ah marka Kanada la joogo? Si guurkaada uu u noqdo mid Kanada laga aqoonsanyahay, waa in aad raacdaa labada nooc oo uu sharciga faraayo. Nooca koowaad wuxuu qeexaya cidda sharci ahaan wax guursan karta. Nooca labaad wuxuu qeexayaa habka uu guurka u dhici karo. 5020_CCMW_M&D_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:14 PM Page 3 (a) Yaa wax guursan karo marka Ontario la joogo? Waxaa jira dhowr qodob oo qeexayo qofka wax guursan karo iyo qofka aan wax guursan karin marka Ontario la joogo. Qodobadaas waxaa ka mid ah tusaale ahaan: · Gobolka Ontario gudahiisa, si aad u guursato waa in aad tahay ugu yaraan 18 jir. Haddi aad jirto 16 ama 17 sano, sida keli ah ee aad ku guursan kartid waa adiga oo ogolaasho qoraal ah ka sita waalidkaada. Gobolka Ontario gudahiisa waa ka mamnuuc ah in dhallinyaro 16 sano ka yar ay is guursadaan, xitaa haddii uu waalidka ogolyahay. · Waxaad guursan kartaa nin ama naag. · Haddii aad xaas leedahay ma guursan kartid xaas kale. Kanada gudaheeda waa ka mamnuuc in hal xaas ka badan la yeesho. Arrintan waxaa lagu magacaabaa godadleyn. · Haddii aad horey u soo guursatay, waa in aad soo caddeysaa in aad is furteen saygaadii hore. Haddii aad waddan Kanada ka baxsan aad isku furteen, waa in aad soo caddeysaa in furitaankaas uu ahaa mid waddankaas ka sharciyeysan 4 GUURKA IYO FURIDDA 5020_CCMW_M&D_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:14 PM Page 4 Haddii saygaada furitaankiisa laga aqoonsanayn Kanada gudaheeda, sharci ahaan kuma guursan karo. Waad qaldan tihiin adiga iyo jaalkaadaba in aad si daacad ah u rumeysataan in furitaankii hore uu ahaa mid sax ah, sidaas dartedna aad is guursan kartaan – furitaanka waddanka Kanada dibaddiisa ah haddii aan la aqoonsaneyn, markale ma guursan karo ruuxaasi maxaayeelay sharciga Kanada u degsan ma ogola in uu ruux yeesho wax ka badan hal xaas. · Haddii adiga iyo ruuxa kale aad qaraabo aad isugu dhow tihiin dhiig ahaan ama isla soo korteen, lama ogola in aad is guursataan. Ma guursan kartid waalidkaada, ayeeyo/awoowe, caruurtaada, caruurta aad ayeeyo/awoowe u tahay, walaalkaa, walaashaa, caruurta aad isku hooyo ama isku aabe tihiin. · Guurkiina mid sharciyeysan ma noqon karo, haddii adiga ama ruuxa kale uusan fahamsaneyn macnaha guurka. · Haddii lagugu khasbo guurka, Kanada gudaheeda wuxuu ka yahay mid sharci darro ah. CANADIAN COUNCIL OF MUSLIM WOMEN (CCMW) 5 5020_CCMW_M&D_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:14 PM Page 5 (b) Sharciyan waxa layska rabo Qeybta labaad ee sharciyadan waxay qeexayaan sida uu guurka u dhici lahaa. Haddii aad ku guursaneysid Kanada gudaheeda, guurkaada waa in uu waafaqsanaadaa sharciyada u degsan gobolka aad ku guursaneysid. Gobolka Ontario, waxaa lagaa rabaa in aad warqadda shatiga guurka ka soo qaadato xafiiska dowladda hoose ee magaalada ama tuulada aad deggantahay. Shatiga oo aan qiimo badan joogin wuxuu waxtar leeyahay muddo saddex bilood ah. Wuxuu ku anfacayaa in aad la tagtit meel kasta oo Ontario ka mid ah si aad guurkaada u sharciyeysid. Si uu guurkiina u noqdo mid sharciga waafaqsan, waa in uu isku kiin guuriyaa ruux ama qaali ka sharciyeysan gobolka Ontario. Imaamada masaajidka qaarkood sharci ayey u leeyihiin in ay wax isku guuriyaan. Imaamka waa in uu shatiga wax laysugu guuriyo ka haysto gobolka si uu u fuliyo guur sharciyeysan. Waxaa kaloo wax kuu guurin karo qaali, xoghaynta dowladda hoose iyo ruux kale oo sharci u leh in uu wax isu guuriyo. 6 GUURKA IYO FURIDDA 5020_CCMW_M&D_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:14 PM Page 6 Kanada ma laga aqoonsanyahay guur waddan kale lagu sameeyey? Badanaa, guurka waddan kale lagu sameeyey waa laga aqoonsadaa Kanada gudaheeda. Marka keli ah oo aan la aqoonsaneyn waa nidaamka gododlenimada. Sida aan kor ku xusnayba, gododleynta (in la yeesho hal xaas ka badan) sharci ma ahan marka Kanada la joogo. Haddii aad isku guursateen waddan laga aqoonsan yahay gododleynta, marka la eego xeerka qoyska ee Ontario waxaad xaq u yeelan kartaa masruufka caruurta, masruufka xaaska iyo qeybta hantida reerka kolka aad kala tagtaan saygaada, xitaa haddii guurkaada aanan laga aqoonsaneyn halkan. Haddii aad Kanada deggantahay oo aad aadid waddan kale si aad u soo guursato, guurkaada waa in uu waafaqsanaado sharciga waddanka aad ku guursaneysid. Hasayeeshee, si guurkan uu Kanada sharci uga noqdo waa in uu waafaqsanaado qodobada aan kor ku soo xusnay oo ku wajahan cidda guursan karto iyo cidda kale marka la eego sharciga Kanada. CANADIAN COUNCIL OF MUSLIM WOMEN (CCMW) 7 5020_CCMW_M&D_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:14 PM Page 7 `Guud ahaan dadka Kanedianka ah ee ku soo guursanaayo waddamada dibadda ah waxaa laga rabaa in ay waafaqaan sharciga waddankaas marka la eego (habka) laysu guursado iyo sharciga Kanada marka la eego (yaa) wax guursan karo. Tusaale ahaan, haddii aad tahay 15 jir oo aad guursato inta aad dibadda joogto, guurkaada ansax ma ahan marka la eego sharciga Kanada xitaa haddii habka aad u guursatay uu waafaqsanaa sharciga waddankaas aad ku guursatay. Hasayeeshee, haddii adiga iyo jaalkaada aad sharci u leedahiin in aad is guursataan marka la eego sharciga Kanada u degsan oo aad isku guursataan waddan aqoonsan is guursashada dadka kala fog (sida telefoonka ama ruux wakiil laga dhigto), guurkan wuu waafaqsanyahay sharciga Kanada. Haddii uu shaki kaaga jiro arrinta guurkaada, latasho ruux qareen ah. Furitaanka Kanada gudaheeda ka dhaca Hal sharci oo ku saabsan furitaanka ayaa ka jira Kanada oo idil. Waa midka lagu magacaabo “Divorce Act”. Sharcigan iyo habka loo maro furitaanka waa isku mid, meel kasta oo aad Kanada ka joogtidba. 8 GUURKA IYO FURIDDA 5020_CCMW_M&D_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:14 PM Page 8 Waa in aad tagtaa maxkamadaha arrimaha qoyska u qaabilsan. Adiga, saygaada ama labadiina oo wada socdaba waad weydiisan kartaan codsiga furitaanka. Si aad furitaan u codsato uma baahnid fasaxa saygaada. Haddii aad haysato furiin diinta Muslimka waafaqsan, macnaheeda ma ahan in aad si sharci ah u furan tahay maxaayeelay Kanada ma aaminsanaha furiinka noocan ah. Si furiinka uu sharci u noqdo waa in aad raacdaa habka ku qeexan Sharciga Furiinka (Divorce Act). Codsiga waxaad ku weydiisan kartaa in aad is furtaan oo keli ah ama waxaad ku dari kartaa oo kale in maxkamadda ay go’aamiso qofkii qaadi lahaa xannaanynta caruurta, masruufka iyo qeybinta hantida guriga. Codsashadan waxaa lagu magacaabaa codsiga dhaxalka guurka burburay. Marka aad furitaan codsaneysid, waa in aad soo caddeysaa in guurkiina uu burburay. Waxaad ku caddeyn kartaa saddex nooc mid kood. Nooca ugu caansan waa caddeynta ah in ugu yaraan muddo hal sano ah aad adiga iyo saygaada kala nooleydeen inta aadan soo codsan furitaankan. Guriga idinka oo ku wada nool haddana waad noqon kartaan laba qof oo aan guur ka dhaxeyn. CANADIAN COUNCIL OF MUSLIM WOMEN (CCMW) 9 5020_CCMW_M&D_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:14 PM Page 9 Sida kale oo aad isku furi kartaan wuxuu yahay haddii uu ruux idinka mid ah uu sinaysto ama saygaada uu noqdo mid naxariis daran oo aan lala noolaan karin. Kanada ma laga aqoonsanyahay furitaanka waddan kale lagu sameeyey? Furitaanka waddan kale lagu sameeyey waa laga aqoonsanyahay Ontario gudaheeda, kol haddii adiga iyo saygaada aad waddankasi ku wada nooleeydeen ugu yaraan muddo hal sano ah inta aadan codsan furitaanka. Haddii labadiinaba aad waddankaasi ku nooleeydeen muddo hal sano ka yar, haddana furitaankiina waa la aqoonsan karaa haddii ruuxa codsiga soo sameeyey uu caddeyn karo in uu “si cad ugu xiranyahay” waddankaasi. Tusaale ahaan, haddii waddanka furitaanka kuu sameeyey aad ku laabato kolka aad kala tagtaan saygaadii hore, maxkamadda waxay kuu aqoonsan kartaa in aad “xiriir cad “ la leedahay waddankaas. “Xiriir cad” in waddankaas lala leeyahay waxaa kaloo lagu caddeyn karaa haddii qofka la furay uu waddankaas ku leeyahay dhul ama uu waqti badan joogay halkaas. 10 GUURKA IYO FURIDDA 5020_CCMW_M&D_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:14 PM Page 10 CANADIAN COUNCIL OF MUSLIM WOMEN (CCMW) 11 Haddii saygaada uu kugu furo waddan ajnabi ah, waxaad luminaysaa xaq badan oo aad sheegan lahayd Kanada inta aad joogto. Haddii aad aaminsantahay in furiinkaada uu ahaa mid xaq darro ah, waa in aad maxkamadda Kanada tagtaa. Haddii aad ku guuleysato in la nasaqo furiinkii hore, waxaad markaa la imaan kartaa codsiga furiin cusub, kaddibna waad weydiisan kartaa qeybtaada masruufka iyo qeybtaada hantida reerka. Haddii lagugu furay waddan dibadda ah oo aad rabtid in mar kale aad ku guursato Kanada, waa in aad la timaadaa caddeyn ah in lagu furay si aad u guursato mar kale. Si taas loo tix geliyo, waa in aad keentaa nuqulka maxkamadda ka soo baxay oo sharciyeysan. Haddii warqaddan aysan ku qorneyn Ingiriisi ama Fransiis, waa in warqadda uu tarjumaa ruux sharci u leh tarjumidda. Midda kale, waa in uu ruux qareen ah soo caddeeyo in sharciga Kanada uu aqoonsanyahay warqadda. 5020_CCMW_M&D_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:14 PM Page 11 Waddamada qaarkood waxay ogol yihiin furiinka nooca bidah, furiin deg degsiyo ah oo aysan naagta ka soo qeyb galeyn. Noocan furiinka ah way dhib badan tahay in maxkamadaha Kanada ay aqbalaan. Ka qaadidda aqabadaha diiniga ah ee diidaayo in dib loo guursado Diimanka qaar kood ma aqoonsana furitaanka madaniga ah, waxayna kaa mamnuuci karaan ka qeybgalka arrimaha diiniga ah. Waxay kaloo ku dhihi karaan hab diini ah dib uguma guursan kartid. Haddii ay saa dhacdo, xeerka qoyska ee Kanada kaama caawini karo in aad si diini ah u guursato. Laakiin waxaad xaq u leedahay in aad u guursato si madani ah. 12 GUURKA IYO FURIDDA 5020_CCMW_M&D_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:14 PM Page 12 Xeerka qoyska Kanada kuma khasbi karo saygaada in uu si diini ah kuu furo. Sharciga Kanada wuxuu leeyahay sayga uma isticmaali karo furitaanka diiniga ah in uu kaga faa’ideysto waan waanta xeerka qoyska u tilmaamayo. Haddii saygaadii hore uu isku deyo in uu kaa hor istaago in aad dib u guursato asagoo adeegsanaayo qodobka diiniga ah, maxkamadda way hor istaageysaa codsigiisa ku aadan arrimahiisa xeerka qoyska ama waxay gaari doontaa go’aan ah in uusan asaga ka doodi karin arrimahiisa xeerka qoyska ku aadan. Maxkamadda waxay kaloo nasakhi kartaa heshiiskii aad wada gaarteen haddii ay ogaato in uu ka faa’ideystay heshiiskaas oo uu helay sida uu wax u rabay asaga oo ku hanjabay in uu ho ristaagi doono guurkaada dambe ee diiniga ah Haddii saygaada uu kuu ballanqaad in uu kugu furo si diinta muslimka waafaqsan sida aad horey ugu heshiisaynba, kaddibna uu ballankii ka baxo, maxkamadda waxay kuu ogolaan kartaa abaalmarin dhaqaale ah. CANADIAN COUNCIL OF MUSLIM WOMEN (CCMW) 13 5020_CCMW_M&D_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:14 PM Page 13 Dhacdo: 1. Sacdia iyo Nessim waxay isku Nikaxsadeen Kanada, sharciga Bakistaanna wuu aqoonsanyahay guurkan. Ma aysan sameysan shatiga guurka. Guurkoodan ma mid waafaqsanbaa sharciga Kanada? Jawaab: Maya. Maxaayeelay, inkastoo Sacdiya iyo Nessim ay Kanada isku guursadeen, waxaa laga rabay in ay guurkooda waafajiyaan Sharciga Guurka (Marriage Act) ayna sameystaan shati. 2. Xassan iyo Sureya waxay isku guursadeen Kanada. Muddo kaddib Sureya waxay ogaatay in Xassan uu weli xaas kale leeyahay. Guurkeeda ma mid sharci ahaa? Ma leedahay wax xaq ah marka la eego sharciga Kanada? Jawaab: Sharciga Kanada marka la eego Sureya guurkeeda ma ahan sharci. Sharciga Kanada ma ogola qof xaas leh in uu markale xaas kale yeesho. Inkastoo ay Kanada ku guursatay, haddana ma codsan karto qeybteeda hantida guriga. Hasayeeshee, duroofahooda marka la eego, waxaa dhici kara in ay codsan karto masruufka xaaska. Haddii Xassan iyo Sureya ay caruur leeyihiin, waxay codsan kartaa xanaaneynta iyo masruufka caruurta. 14 GUURKA IYO FURIDDA 5020_CCMW_M&D_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:14 PM Page 14 3. Khaalid iyo Yaasmiin waxay ku noolyihiin Kanada. Khaalid wuxuu u dhoofay waddankiisi, Jordan, si uu furo xaaskiisa. Yaasmiin ma aysan ka warqabin arrinta furiinkeeda. Waa maxay xaqqa ay leedahay Yaasmiin marka la eego sharciga Kanada? Jawaab: Inkastoo furiinka uu Khaalid sameeyey laga ictiraafsanyahay waddankiisa, maxkamadda Kanada way diidi kartaa in ay aqoonsato furiinkan, maxaayeelay Yaasmiin lama siinin wax digniin ah mana aysan ka qeyb galin habka uu u dhacay furiinkeeda. Sidaas oo kale Maxkamadda ma aqoonsanaan doonto furiinkan Khaalid haddii uusan caddeynin in uu xiriir cad la lahaa waddankiisa hooyo ee Jordan. Haddii maxkamadda Kanada aysan aqoonsan furiinkooda, Yaasmiin waxay maxkamadda Kanada ka codsan kartaa in lays furo, isla markaana codsato masruuf, qeybteeda hantida reerka iwm. CANADIAN COUNCIL OF MUSLIM WOMEN (CCMW) 15 5020_CCMW_M&D_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:14 PM Page 15 Buugan yar waxaa soo diyaariyey hay’adda “ Family Law Education for Women (FLEW)”, waana mashruuc loogu tala galay in lagu hanuuniyo bulshada waxaana maalgeliyey dowladda dhexe ee Onraio. Hay’adda FLEW ujeedada ay ka leedahay buugan wuxuu yahay in ay dumarka ku siiso xogwarran ku saabsan xaqqooda ku cad xeerka qoyska ee Ontario. Hay’adda FLEW waxay kaloo soo saartay qoraalo ka hadlaayo mowduucyada ah: Siyaabaha kale ee lagu xallin karo khilaafaadka; xanaaneynta iyo ka warqabka; badbaadinta caruurta; masruufka caruurta; xeerka qoyska iyo kan dambiyada; xeshiisyada qoyska; gar-qaadidda xeerka qoyska; xeerka qoyska iyo dumarka soo galootiga ah,kuwa qaxootiga ah iyo kuwa aan sharciga lahayn; guurka iyo furiinka; sida aad u heli lahayd cid kaa caawinta dhibaatada xeerka qoyska; qeybinta hantida reerka iyo masruufka xaaska. Haddii aad rabti warbixinno kale oo ku diyaarsan luqado kale iyo noocyo kale, fadlan ka fiiri shabakaddat www.onefamilylaw.ca iyo www.undroitdefamille.ca. Buugan waxaa la heli karaa asagoo luqado kale ku qoran. Fadlan eeg shabakadda www.onefamilylaw.ca si aad u hesho warbixin dheeraad ah. Websaaydka waxaad kaloo ka heleysaa buugag badan oo kaa caawinaayo sida aad u aqoonsan lahayd xaqaada ku qoran sharciga xeerka qoyska. Canadian Council of Muslim Women www.ccmw.com MD/SOM 003.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *