By Cabdiqaadir Xirsi Yam-yam

Gabaygaan waxaa tiriyay, Alaha u naxariistee abwaan Cabdiqaadir Xirsi yamyam, waxaana gabaygaan la oran karaa wuxuu kaalinta kowaad uga jiraa suugaanta Soomaalida, waxaa abwaanku aad ugu fogaaday oo tilmaan fiican ka bixinayaa hiddaha iyo dhaqanka soomaaalida, iyo asalka qowmiyeed halka ay ka soo jeedaan. Wuxuu abwaanka aad u cabiray in dadka soomaaliyeed ay yihiin dad uu ilaahay ku manaystay hiddo iyo dhaqan aad u qurux badan.

Waxaa dad fara badan ay isweydiiyaan, su’aasha ah soomaalidu asalkooda halka ay ka soo jeedaan? Hase yeeshee abwaan yam-yam wuxuu gabaygiisa ku xusayaa, In soomaalidu ay tahay bulshada dunida ugu faca weyn, dhinaca kale wuxuu abwaanku gabaygiisa ku xusuyaa in soomaalidu ay ka hareen faraaciinadii hore oo lagu tiriyo qowmiyad aad u fac weyn.

Abwaan yam-yam alaha u naxariistee ayaa isagu hibo u lahaa suugaanta oo uu markuu doono tirin jiray, waxaase uu abwaaniin badan kaga duwanaa isagoo mar walba ku faani jiray hiddaha iyo dhaqankiisa, waxaana uu gabayadiisa iyo suugaantiisa ay intooda badan ahaayeen WADDANI, wuxuu mar walba ku faani jiray in dadka soomaaliyeed ay yihiin bulshada ugu saraysa dunidda. Waxaa dad fara badan ay ku xusuusan karaan heesta caanka ah ee ay ku luqayn jireen hobalada iftiin ee SOOMAALI BAAN AHAY!.

Ugu dambayn waxaa gabaygaan uu wax wayn u tari doonaa jiilasha yar-yar ee soo koraya in ay wax ka bartaan hidahooda iyo dhaqankooda qaalliga ah oo qaab suugaaneed loo cabirayo.

Wuxuuna ku bilaabay sidatan:-
Dadka waw gu’weynahay           Guun soo jiraan ahay
Nuux iyo gadaashii                      Duufaan ka guurkii
Baddii jiidhay gabiyada              Dhulkii giigsanaan jiray
Meeshuu ku kala go,ay                Gardafey ha noqotee
Weli goobti baan naal

Caddaankiyo guduudkaba          Waan ku kala gurracannahay
Muuqaalka guud iyo                    Dhaqamada is geli kara
Canfartaan gudboonahay           Isku gibilna waan nahay
Oramada iyo gaallaha                 Ayaan gacalwadaagnaa;
Mahad aan go,ay iyo                   Gallad Eebahaa lehe
Giddigood Rasuuladi                  Uu geyiga usoo diray
Ninba diin u gooniya                  Hala gola yimaadee
Isu soo gurkoodii                         Tii geba-gebaysiyo
Gudhiggii kitaabada                    Markii la isu geeyiyo
Guddoonshihii Ambiyadiyo      Waxaan haysanaa gacan
Geesigay ku taalla                        Guusha magacyadeedyo
Yahay furaha lagu galo               Albaabada Janada guud
Oo aan nin garab maray             Gadan Karin muftaax kale
Muslim baanu nahay garo         U gudbiya walaalaha
Gudashada wanaaggoo              Guud ahaanna uga diga
Fal xumaato geli kara                 Geerida iyo dhimashada
Yaasiinkaan qofkii go,a              Ku gunaanadnaayoo
Ikhlaas lagu guneeyaa                Godka lagula hooyaa;
Marka qaranba goonidi             Afrikada lakala guro
Bulshada geeska bari xiga        Ku gadaaman baa nahay;

Qaran iyo gob baanahay           Lixdankii gumeysiga
Gacantiisa kala baxay               Calan midab u gaariyo
Sumadda lagu gartaa tahay     Xiddigtaa shan geeska ah
Geysh noo ilaashiyo                  Geesi uu gu dhaartoo
Gabbashada ka caagiyo            Gabyaa baanu leenahay
Markay goob dagaal tahay       Guubaabada ku caanoo
Geeraarkiisa fulayada               Dhex galaan cadaawaha
Gaadiid baanu leenahay           Gurgurshaanu raranaa
Hadba waanu guurnaa             Deyrtiyo gugii baan
Hadba meeshi geeda leh          Cosobkooda guranaa
Gadaal looma sahanshee         Galbeed baan u soconaa
Goobaha barwaaqaa                 Lo, da geeska weyn iyo

 

Ari nooga goohaa                     Dhitadiyo garoorkaan
Gocayada ku shubnaa            Ningixaa la giijaa
Gaaridu ku heestaa                  Burcadkaa ka soo go,a
Digsaa lagu guraayoo              Galabtii la shiilaa
Caanooyada ma gaarnee         Sixinkaanu gadanaa
Ama keyd la geliyaa                 Goosaar ka dhigannaa
Geelbaanu dhaqannaa             Gaawaan u culannaa
Gaaxdaan ka maalnaa             Marna dhinaca guurkaan
Gabadhii jacayl mudan          Yarad loogu geeyaa
Gaafkiyo arooskana                Ciyaarbaan gingimannaa
Gabladaannu tumannaa        Dudadoodhan geesbaa
Aqal loogu gooyaa;                  Guri baannu leenahay
U eg maabka guudoo              Aan dunida laga garan
Marka rarada laga guro         Xarragada gammaankiyo
Geenyaanu fuulnaa                Warmahaan gingimannaa
Garawshaha xishoodkaan    Baal dahaba gelinnaa
Martida gaajo haysoo            Gasiin kale an loo hayn
Ayaa waajib gudashada        Hasha geela ka irmaan
Loo gowracaayoo                   Gole loo dugsiiyaa
Hilbaha loogu geeyaa           Odayada gaboobiyo
Intii garasho dheer iyo         Guud ahaanba culimada
Gaarbaa loo xurmeeyaa.

Go, cad baannu xirannaa     Gammuun baannu qorannaa
Gabooyaha la geliyaa            Golxab baannu tummannaa
Gaashaan baan yagleellaa    Kabo feygamuuraan
Gocandhada ka sidannaa     Geed baa la waabaa
Gogol baa la fidiyaa               Guurti lagu casuumaa
Gar kastoo adayg badan       Way tala gorfeeyaan
Go’aankoodu waa xeer          Dhibta soo gunaanada
Marka dhiig la kala galo!      Daqar iyo qur gooyana
Culimada garsoorkiyo          Diintay u gudubtaa
Xaqaa lagu guddoonshaa !

Mirahaannu gurannaa         Gocasaannu qodannaa
Hangoolka iyo gudintaan    Geedaha ku jarannaa
Sisintiyo geleydiyo                Geedkastoo khudaaraan
Midba gees ku beeraa           Xiliyada la goostaa
Ceel kastoo gundheerbaa     Biyihiisa gaarnaa
Abaarta uga gudubnaa

Dembi geleddii                       Qaabiil Bankii geeriyaadoo
Haabiil markuu go,ay           Dhirta qodaxda guratiyo
Taariikh ma garatooy           Godkii ugu horreeyee
Ina aadan galaybaan             Geesihiisa weli naal!
Tilmaanyeydu waa gaar      Gobolkeygu waa caan
Nin ahraamta galeybaa       Garta raadka dadkeygee
Faraaciinadii gudubtiyo     Masar jiilashii galay
Inaan goobta oga haray      Goggaa yaqaaanoow
Gabar timaha dabatiyo       Gudniinkii la toli jiray
Waa dhaxal aan guurine    Weli geeska yaaloo
Bulshadaan u gaaree           Diiwaanka noo geli!!!.

Waxaa gabaygan tiriyey CALI CILMI AFYARE, wuxuuna ku amaanaya gabadh la yidhaahdo Saynab, oo si aad ah u deeqdey, wuxuna aad iyo aad ugu sifeynayaa akhlaaqdeeda, jaaheeda iyo joogeeda israacsan iyo sida Rabbi u shubay, iyo weliba dabci wanaageeda. Wuxuuna ku bilaabay sidatan:

Inan yahay aduunyada haddaan dhab u ilaaleeyey
Adimadda intii aan ku maray ama la ii sheegay.
Afarta beeyni jaho naagahaa Eebbee ku abuuray.
Asaraar haddaan lagu hadlayn ama la awdaynin.
Annigoo aqoon u leh haddaan xaq abaaraayo.
Illaah igu og inaad Saynabey ugu horaysaaye.
Asluubtaada goortaan arkiyo oogadiyo jaaha
Afka iyo indhaha nuurayiyo edebta loo yeelay.
Adimadiyo laafyaha kolkay aayar soconayso.
Ashkharaar u dhimay Yuusufow ee ninkii yidhiye.
Arwaaxiyi laftay iga gashiyo uurka feeraha e.
Iimaankii baa iga qabsaday aragtideediiyee.
Aalaaba waa aroos iyo inay oori noqotaaye.
Araggeeda keliyaa malyuun lagu ilaawaayee.
Ayaan anigga iga roon ninkay ubad u qaadaaye.
Iyaddoo agtayda fadhida oo ubaxna ii laacday.
Argagaxa hurdada leylki baan aqalka moodaaye.
Sidii Geel ilmihi laga xiroo ololay oo reemay.
Hadba anigu meeshay jirtaan ku ag wareegaaye.
Yurub iyo aasiyiyo aqaladii shiina.
Afrikaanka oo idil haddii laysku soo urursho.
Axad kuu weligay ma arag inna adeereeye.
Awal haddaad u tahay waa inaan ku ogolaadaaye.
Afka inaan ka sheegiyo amaan gibin ah mooyaane.
Asluubtaada lama gaari karo aynigay tahaye..
Ilwaad quruxsan leeyeey mid kale waan ka ood nahaye.
Waa inaad ayaan qura qalbiga iiga olashaaye.

By Cabdullaahi Janno

Magaceygu waa af-Soomaali.  Da’deyda ma aqaan.  Hayeeshee in dhaaxo waan soo joogay.  Tartan badan waan soo maray.  Afaf gumeyste ahaa waan ka guuleystay.  Waan jiray.  Oo noolaa.  Gallad Eebbe ha iga gaadhee, intii uu Islaamku ku faafayay geyiga aan ku noolahay waxaan iska caabbiyay in aan liico—dabar-go’ warkiisaba daa.  Kuwo aan degaan ahaan iga fogeyn iyo kuwo kaloo igula noolaa Afrika waxaa ka xoog-batay afafkii qalaad ee gumeysanayay.  Anigu waxa aan gabbaad ka dhigtay suugaan hodan ah oo aan leeyahay iyo af nolosha si dhammeystiran u cabbiri karo.
Rag shisheeye ah baa ii qiray inaan ahay afkii gabayaasha.  Garab ayaan ahay.  Aniguu i kaashadaa Soomaali walboo uu haleelay jaceyl ugub ah, ama dhiillo qaran, ama dal-tabyo ba’ani, ama dareen dulmi-diidnimo.  Waxaa kaloon ahay af hibo u leh oo ay iga soo burqadaan maanso murti iyo madadaallo leh—ama mid Alle-bari iyo sama-doon ah—lagana meeriyo oo looga damaashaado gole nabadeyn, ama xaflad arooseed, ama fagaaro caleemo-saarid, ama dabbaaldeg qaraneed.  Ilaah wuxuu igu galladeystay awood aan ku cabbiri karo dhacdo walba iyo abuur walba.
Waxaan ahay af-Soomaali.  Waan is’hubaa.  Xoolo-dhaqatada waraabka shubeysa, beeraleyda la foorarta yaambada, iyo kalluumeystaha xeebta ka jillaabanayaba waxaan ku maaweeliyaa hees hawleed.  Dhallaanka ooyayee daallan waxaan nasiino uga dhigaa hees caruureed.  Ardayga loox-jiidka ahee u oomman barashada afkiisa waxaan leyliyaa oo aan garaadkiisa ku kobciyaa hal-xiraale iyo googaaleysi.  Waxaan ku xujeystaa “Googaa!”  Say yiraahdaan, “Cadalle!”  Saan iraahdaa, “Haddaan hayay.”  Say yiraahdaan, “Waa hadalka.”  Si aan nafta u baro, waxaan ku googaaleystaa Guntin macaan geed la fuul.  Si aan wadnaha u baro, waxaan ku googaaleystaa Dudun yaree daba baruur.  Si aan afka iyo ilkaha ku taxan u baro, waxaan ku googaaleystaa Idan yaroo aleelaale.  Rag afkeyga kaashanayaa ifka uga tegay weydiimo maan-daalis ah.  Indheer-garad baa yiri: Lugo goroyo ma horaadaa mise waa dambeeddo?  Abwaan kalaa yiri: Hadduu dabkii dhaxmoodo, maxaa lagu diiriyaa?  Hadday dawo bukooto, maxaa lagu dabiibaa?  Hadduu dufan basaaso, xaggee dux looga doonaa?  Sida la iigu kala badiyo af ahaan ayuu Soomaali walibana qaayihiisu la egyahay.  Mid waa aftahan; mid waa af-maal; midna af-miishaar; ama af-garooc.
Cawo iyo ayaan waxaa ii ahaa maalinkuu qarankii Soomaaliyeed si rasmi ah u askumay dhigaalkeyga 1972, laguna sii xijiyay Olilihii Horumarinta Reer Miyiga.  Waxaan yara dhaliilsanahay in la igu keydiyo far qalaad oo Laatiin ah.  Jeclaan lahaayaa in dhigaalkeygu uu noqdo farihii ay curiyeen maskax-maal Soomaaliyeed sida fartii Gadabuursi, ama tii Cusmaaniya, ama tii Kaddare.  Cakuye saboolnimo!  Laatiinka looma iisheen haddii uu qarankii jiray awoodi lahaa sameynta ama soo iibsashada madbacad faafiso mid ka mid ah far Soomaaligii ay curiyeen aqoonyahan Soomaaliyeed.
Waxay ahaataba, wixii intaa ka danbeeyay waan kobcay.  Oo koray.  Oo sii xidideystay.  Oo xoogeystay.  Oo xadaarad keydsan yeeshay.  Ma aan ogeyne, waxaa igu soo baxay tartan hoosaad.  Kooxo ayaa igu soo baxay la yiraahdo tiibo talyaani iyo tiibo carabi.  Af-Ingiriisiguna kama xawaaro yareyn.  Geed ayaa beri ku garramay “Gudineey ima goyseen haddaan badhkay kugu jirin.”  Rag Soomaaliyeed baa u soo tafa-xeytay luggooyadeyda.  Anigii oo nool ayaa afaf kale la igu milay.  Waxaan lahaa Nagaad, markaasaa la igu beddelay Sabti.  Waxaan lahaa Suni, markaasaa la igu beddelay Axad.  Waxaan lahaa Sani, markaasaa la igu beddelay Isniin.  Goodaar waxaa lagu beddelay Talaado; Goonyaadna Arbaco; Ugbaadna Khamiis; Hooyaadna Jimce. In badan waan iska caabbiyay.  Qaran baa ii taagnaa.  Aqoonyahan iyo suugaanyahan baa ii taagnaa.  Hidde iyo dhaqan jiray ayaan ku ilaashanaa.  Nabad iyo Soomaali qab-weyn ayaan higsanayay.  Anigoo firfircoon—dhigaal ahaanna jirsaday 18 gu’—balse weli u sii baahnaa turxaan-bixin, ayaa waxa igu dul dhacday wax ay Soomaalida cusubi ugu yeeraan “qabta”.

Qarankii i kabayay ayaa burburay.  Isla xilliyadaasna  waxay Ilmo Aadan u xuub-siibteen tiknoolijiyad dardarteeda wadata.  Af ahaan waxaan la jaan-qaadi waayay isbeddelkaas cusub ka dib markii calankii ii babanayay uu la itaal-xumaaday daruur dhiig hoorineysa iyo duufaanno colaad oo kala firdhisay midnimadii walaalaha iyo maskax-maalka Soomaaliyeed.  Da’yartii gudaha ku jirtayna waxay galeen meerto madow oo ma-dhammaato ah; kuwii dibedda u firxadayna waxay ku indho-sarcaadeen kombiyuutarrada iyo degellada internetka ee kobcinaya afaf qalaad.  Sidii ruux gablamay ayaan dhabanno-heys miciin biday.  Waxaan isku sasabay rajo ma gablanto, Rabbina ma war la’a.  Siddeed iyo tobankii gu’ ee aan qornaa waxaa ii xigtay 20 gu’ oo dayac iyo dar-xumo ah.  Waan shakiyay.  Oo is canaantay.  Oo aan is iri tolow ma nabsi ayaa ku heysta sidii wiilkii aabbihiis indhoolaha ahaa uga dhaqaaqay geedkii higlatible?
Waan dayacmay.  Oo doorsoomay.  Dhexda ayaan ka baxay.  Neef gowracan geed kama waabtee anigoo gagabaya ayaan waxa aan magan u noqday wadaaddadii.  Waxaan lahaa maadaama diintu u baahan tahay in la kala dhigdhigo af ahaan, dadkana lagu baro af-Soomaali ahaan, wadaaddada ayaa ku weeleyn doono.  Mise waa iiga sii dareen.  Dugsiyo Islaami ah ayaa la furay.  Anigoo af-Soomaali ahna docadocayn baa laygu sameeyay af shisheeye sidiisii.  “Maktabado” ayaa dal iyo dibadba laga dhakoolay.  Oo aan aniguna marti ka noqday.  Waxaan lahaa ereyada baraarugwalaalogaal, iyo kuwo kale oo gooni u istaagi karo.  Waxaa si doqon-ma-garato ah hoosta la iiga soo geshay saxwoikhwaanmurtadmuqaawamo, iyo kuwo kale….

Hooyooyinkii iyo caruurtii waxaa guryaha loo soo dhoobay “nashiido” aysan af-aqoon.  Halkii ay aheyd in cunug qurbaha joogo loo badbaadiyo afkiisa, loona tix-geliyo Soomaalinimadiisa, waxaa caruurta sanka laga geliyay cajallado ay ka soo yeerayaan Dhalacul shamsu calaynaa!  Kaaga daranee wixii nebi-ammaan ahee af-Soomaali ahaa waa loo “fatwooday”, oo la yiri waa “shirki” ama “quraafaat” ama “makruuh”.  Muslimiin Soomaaliyeed, una jidbeysan Suubanaha, ayaa dadkooda u curiyay nebi ammaan af-Soomaali ah—kuna codeeyay:

 

Nebigeen quruxdiis

Yaa qiyaasi karaya?

Qumanow timihii baa

Dhegta loogu qiyaasay

Mar hadduu qosol maagana

Dhoolluhuu yara qaadaa

Qorraxdaad aragtaan

Buu qariyoo ka caddaaday

 

Qof hadduu ka danbeeyo

Qalbiguu ka arkaa

Qoriguu qotonshaa

Qoyaan buu noqon

Qurunleyda adduunna

Qaanac buu ka ahaa

Qof hadday is qabtaanna

Qawl xun ma oraneynin

Alle Qaadir ah mooyee

Yaa qiyaasi karaya?
Ri’ waliba shilinkey is dhigtaa lagu qalaaye, aniga waxa i dabray, oo i dilooday, dabar-go’na qarka ii saaray dadkii aan afka u ahaa.  Af-Shisheeye ayaa la iga soo sokeysiiyay; anigoo sokeeye ahina shishe la i marsiiyay.  Badanaa dhallinyaro ku baratama, isuguna faana , maahmaahyada af-Ingriiska.  Waxay meelaha la taagan yihiin: “Look before you leap” balse kuma baraarugsana maahmaahdaas dhiggeeda ee ah: “Intaadan falin ka fiirso.”  Badanaa dhallinyaro ku doodaysa Let not the pot call the kettle black, balse mooggan maahmaahdii aheyd Maroodi takarta saaran ma arkee midka kale tan saaran buu arkaa.  Waxay u riyaaqaan You can take a horse to the river, but you can’t make it drink.  Waxayse ka dhoohan yihiin Qoolley qoor-qabasho biyo kuma cabto.

 

Maxaan ku heystaa dhallinyaro ku hana-qaadday qax iyo qaran-jabkii billowday 1991.  Waxa badan aqoonyahan gaamuray.  Da’ dhexaad ah.  Oo ka soo waraabay dhaqan iyo hidde Soomaaliyeed oo saafi ah.  Kuna soo dhex barbaaray oo wax ku bartay dalkii.  Nasiib-darro, waxa uu il-baxnimo iyo dadnimo biday inuu Soomaalida kale ugu gar-naqsado af qalaad.  Is tus-tus ama wahsi dheh, waxaa hal-heys u ah oraahyo qalaad sida “Catch-22” oo gebigeedaba soo if-baxday 1961.  Catch-22 waa hal-qabsi la xiriiro xaalad ruuxa ka dhigeysa mid uu mar walba guul-darraysto, oo sinnaba uma roona.  Haddaba aqoonyahanka Soomaaliyeed ee heli karo hal-qabsi af-Soomaali ah, ma hawl fududeysi bay ka tahay in uu isticmaalo kuwa afka Ingiriisiga?  Mise waa qab-yari?  Soo anigaba ma lihi hal-qabsi soo jireen ah, oo qoto dheer: Haddii aan hadlo waa af sallax-ku-dheg; haddii aan aamusana ariga leynta laga deyn maayo?  Hal-qabsiganba wuxuu muujinayaa xaalad aan sinnaba ruuxa u rooneyn—oo sida keliya uu ku badbaadi karo ay tahay in uusan ruuxu gelin xaaladdaas.

Da’ yartii iyo da’ dhexaadkii waxa kuu soo biiray rac saddexaad.  Badanaa oday Soomaaliyeed dal iyo dibedba jooga oo afka iyo suugaantana u yaqaan si qoto dheer balse aan taa xushmad ku heysan labo dhacdo awgood.  Kow, odaygii suugaanta iyo dhaqankiyo hiddaha yaqaannay oo aan is moodin in uu wax yaqaanno—kana heybaysto rag afaf kale bariiskooda ku soo dhacsada.  Labo, dhallinyartii oo aan aqoon u arag ruuxii ku xeel-dheer hiddeha iyo dhaqanka, murtida, afka, iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Barasho horteed ha i nicin.  Anigu waxa aan ku dul-qotomaa suugaan iyo murti xeel-dheer.  Gallad Eebbe weeyaan in ay ii rumowday maahmaahdii aheyd Soomaalidu been way sheegtaa; beense ma maahmaahdo.  Aristotle ayuu ahaa ninkii si cilmiyeysan ugu dooday in markuu cunuggu dhasho ay maskaxda ilmo Aadan tahay tu maran (tabula rasa).  Dhalashada ka dib, waxa ay maskaxda aqoon dhab ah ku heshaa dareemaha iyo wixii nolosha iyo noolaha ku hareersan ee uu ilmuhu goob-joog ka ahaado.  Waxaa maahmaahyahayga ka mid ah Nimaan dhul marin dhaayo ma leh.  Oo ruuxu wuxuu noqon qof aan laheyn waayo-aragnimo duruqsan oo uu cashar ka qaato.  Sidoo kale af-Soomaali ahaan faracayga Benaadiriga ahaa ku maahmaaho Cimrigaaga dheeraaday geel dhalaayaas ku tusaa.

Haddaba ilmihii la soo kulmo neef dhalaya, waxa uu helayaa waayo-aragnimo ku cusub.  Waxa looxa maskaxdiisa ku qormaya ereyo cusub oo mararka qaarkood wata sawir la xiriira ereyada.  Meel neef ku dhalayo ereyada uu cunuggu baran karo waxa ka mid ah fool, mandheer, nirig, wayl, waxar, nayl iwm.  Halkaas waxaa cunugga uga billaabmaya cashar baayooloji ah—iyo lakab kaloo diini ah oo la xiriira jiritaanka Eebbe weynaha abuuray uun kala duwan.  Hadalkii Aristotle qaadatayaa, maahmaahyadaas qaadatayaa, dhammaanba waxa ay farta inoogu fiiqayaan hababka uu ruuxu ku dhiso garaadkiisa waxa ka mid ah isaga ama iyada oo la fal-gala ama la fal-gasha nolosha iyo abuurka Guulaha.
Bal eeg, horaan waxaan u iri labaatan jir intuu geed ka booduu talo ka boodaa.  Goor aan fogeyn ayaa neuroscience (oo ah laan sayniska ka mid ah, qaabilsanna maskaxda iyo siday u shaqeyso) waxa uu baaritaan ku ogaaday in maskaxda da’yartu aysan si fiican u xasilin illaa intay gu’ ahaan ka gaarayaan 23 jir—gaar ahaan maskaxda qeybteeda la xiriirto gaarista go’aan iyo garashada cirib-danbeedka uu go’aankaasi leeyahay.  Waa qeybta saynis ahaan loogu yeero frontal lobe.  Jeclaan lahaayaa in aqoonyahanka ka dhashay Soomaalida, iguna hadla, ay il gooni ah u yeeshaan murtida xeel-dheer ee ku keydsan maahmaahyadeyda.

Dhan kale aan bal idinka tusaaleeyo.  Horaan ugu tiraabay murti oraneysay afar nin ayaa ku tartamay beenta: dhegoole, indhoole, cagoole, iyo qaawane.

Dhegoolihii waa tuu yiri, “Sac baa seeri ka ciyay.”

Indhoolihii waa tuu ugu cammiray, “Arkayoo giirran.”

Cagoolihii waa tuu u daba-dhigay, “War aan orodnoo jebinno.”

Qaawanihii waa tuu kaga qosliyay, “War armaa la ina furtaa?!”
Soomaaligii i garanaya un baa garan xeel-dheeridayda’e, ifka maanta waxa uu la ololayaa gar-wadeenno xummaanta iyo beenta iyo nahaabnimada isku cammiro oo isugu riyaaqo, oo isku bogaadiyo.  Hayeeshee Soomaalidii waxay murtidaan ka dhigeen mid ku kooban keliya maad iyo qosol.  Lama gaarsiin oo uma aysan dhaqan-gelin sidii murtidii ahayd la jiifiyaanna bannaan la joojiyaanna bannaan.  Cidi ma lafo-gurin.  Casharro fogna lagama soo dhiraandhirin.  Waxay noqotay un wax laysku maaweeliyo oo looma aqoonsan in ay tahay murti xeel-dheer oo la fal-geli karta aqoonta siyaasadda maanta iyo maamulka xun.

Magacaygu waa af-Soomaali.  Uma dhutiyo af-garoocnimo.  Hodan ayaan ahay.  Soomaaligii doono ha igu caasiyo, oo af qalaad ha iga doorto.  Ninkii doono ha qaato ereyga dilemma—dad baa ii jooga isticmaalaya dhiggiisa af-Soomaali ahaan: lafta jecli, ludda jecli.  Ninkii doono ha yiraahdo first thing first—dad baa ii jooga oranaya Oodo dhacameed siday u kala sarreeyaan baa loo kala guraa ama Canjeero siday u kala koreysaa loo kala qaadaa.  Ciddii doonto ha la soo shir-tagto A bird in the hand is worth two in the bush—waxaa igu hadlo kuwo oranaya: miro geed saaran kuwa guntaada ku jiro looma daadiyo.  Ciddii doonto ha ku wardiso Birds of the same feather flock together—kuwaa ku faana maahmaahda Shinbirba shinbirkiisuu la duulaa.  Soomaaligii hela wuxuusan filaneyn farxad awgeed hadduu doono qoraalkiisa cinwaan ha uga dhigo ereyada manna from heaven—dad baa ii jooga iyagoo dhaqankooda ku faanaya ku hal-qabsanaya dhacdadii ninkii cag maroodi ka cabay.  Soomaaligii doono ha ku weyraxo isticmaalka ereyada Domino Effect—kuwo ayaa ii jooga qab iyo qaayo leh, oo soo hal-qabsanaya halaq-mareentii Cigaal Shiidaad.

Murtideyda waxa ka mid ah: Run sheeg cid kuu marag-furto la waayimayo,e.  Qoraagii Bangaladesh ee Bankim Chatterjee ee noolaa qarnigii 19-aad waa tuu asiibay runta goortuu xusay in waaya-aragnimada dadka ifka ku nool ay isu eg tahay—jaceyl, cabsi, abaar, colaad, hanqal-taag, hunguri-xumo, maseyr, abaal-dhac—hayeeshee waxaa kala duwan un dhulalka iyo xilliyada ay dadku ku kala nool yihiin.  Murtida oraahdiisa ku jidhaayi Muslimka kuma cusboo Quraankaa xusaya in run-diidka aad mooddo in ay isu dardaarmeen xaq-diidnimada.  Sidaa awgeed, waxa aayaddaasi laga soo dhiraandhirin karaa in dadku ay leeyihiin sansaan hab-dhaqan oo isu eg haba kala fogaadaan dhul ahaan ama jiil ahaan.

Sakaraadba aan ahaadee, saansaantu ma xuma.  Saxansaxo nolol ayaan ka dareemayaa dhankaa iyo Waqooyiga Soomaaliya.  Guurti ayaa garowsatay in xeer iyo kala danbeyn la baadi-goobo.  Nabaddii ka dhalatayna waxay iridaha u ballaqday rugo waxbarasho illaa heer jaamacadeed.  Ujeeddadeey ka leeyihiin yeelkadeedee, waa gallad Eebbe in dhallinyaro is xilqaamay ay sameysteen ururo suugaaneed, oo buugta suugaanta Soomaaliyeed faafiyo, faaqido, faa’iidana ka miirto.  Alleylehe ifafaalo yar ayaa sidoo kale iiga soo bidhaamaysa qurbe-joogta Soomaaliyeed oo qaab sugaaneed iyo hal-abuur ku wacyi-geliya dadkooda.  Taa waxay i gelinaysaa yididiillo cusub.  Se waxa dalkii intiisa badan baadi noqotay nabaddii ama garashadii i sii kobcin laheyd suugaan ahaan iyo dhigaal ahaanba.  Ma aan dhiman, mana nooli.  Waxaanse niyadda ku dhistaa in afaf kaleba ay nasiib u heleen rag boorka ka jafa, oo il-baxnimo iyo u horseeday in uu afkoodu noqdo mid keydiyo tagtada, timaaddana sahmiyo.

Wixii rag u kaco Rabbina u aqbalo waa rumoobaane sooyaalka ayay ku taallaa sida ay afaf kaleba u soo noolaadeen ama u hana-qaadeen.  Afka Hibruuga waa tuu qarniyo aasnaa, balse ay boorka ka jafeen aqoonyahanno iyo siyaasiyiin gaarsiiyay heer uu Hibruugu noqdo mid si rasmi ah kaalin maalmeed ku leh dhammaan nolosha iyo waayo-aragnimada dadyowga Yuhuudda. Sidoo kale dhankaa Hindiya dad baa u kacay in ay soo nooleeyaan af qarniyo aasnaa ee la yiraahdo Sanskrit oo waxay fureen rugo lagu dhigo oo lagu kobciyo afkaasi.

Bal aan is dul taago sida uu af-Ingiriisku ku hana-qaaday oo uu ku noqday af aysan qorraxdu u dhicin.  Ka hor intuusan af Ingiriisku ku faafin qaab gumeystinimo, wuxuu ahaa af ku kooban keliya carriga Ingiriiska.  Wixii aqoon ee jirayna waxay ku keydsanaayeen af-Laatiinka.  Casharrada Jaamacadda Oxford waxay ku bixi jireen af-Laatiin.  Ugu danbeyntii rag Ingiriis ah baa ka fadhiistay, oo fekeray, oo ka fiirsaday, kana falanqooday baahida loo qabo afkooda hooyo.  Si uu af-Ingiriisigu uga sare maro af-Laatiinka, tix iyo tiraab ayay raggaasi ku soo dagaallameen.  Oo dadaaleen.  Oo dul-qaateen.  Nin walibana kaalin laxaad leh ayuu ka galay sooyaalka afkiisa hooyo ee Ingiriisiga.  Shakespeare wuxuu ka mid ahaa halyeeyadii u kacay afkooda hooyo.  Waa abwaankii af-Ingiriiska kobciyay, ku dhiirraday in af-Laatiinka laga maarmo, lana yimid hal-abuur beddelay baahidii loo qabay af-Laatiinka.

Qarnigii 16-aad waa tuu sidoo kale maamule dugsi oo Ingiriisi ah uu si digasho ah u yiri, “Waxaan jeclahay Rome, kasii jeclahayse London.  Waxaan doorbidaa Italy, waxaanse ka sii doorbidaa England.  Waxaan ka daba dhacay oo qiimo u hayaa af-Laatiinka, waxaanse si jidbeysan uga sii daba dhacsanahay oo u sii qiimeeyaa af-Ingiriisiga.”  Keligiis ma ahanee isla qarnigaasi waa tuu gabyaa Ingiriisi ahi uu gabaygiisii Musophilis ku xusay in uu jeclaan lahaa in uu arko af Ingiriisiga oo faafa, wixii lagu keydiyana af Ingiriisiga ay ka waraabaan bulshoweynta ku kala nool ifka dacalladiisa, iyo in af-Ingiriisigu uu noqdo afka ay dadyow kala jaad ahi si hufan ugu xiriiraan.  Qarnigii 18-aad waa tii wixii uu gabyaagaasi naawilayay ay wax ka soo caana-casaadeen ka dib markuu soo baxay John Wallis.  Waa aqoonyahan ku faanay in afkiisa Ingiriisiga uu noqday af ay shisheeyuhu soo higsadaan, oo uu noqday af qoraal ahaan weeleeyay aqoonta iyo murtida ku baahsan ifka.  Haddaba Soomaalidu ma garasho la’ee ma talo-xumo ayaa badday inay i qiimeyn waayaan af ahaan?

Hadda ka hor ayaa anigiyo af-Kikuuyo xifaaltannay.

“Waxaan hodan ku ahay suugaanta iyo murtida,” ayaan ugu faanay.

“Labo maaddo awgood,” ayuu igu yiri af-Kikuuyihii, “faan kuuma yaallo.”

“Saa maxay yihiin?” ayaan la soo booday.

“Waxaa lagaa helaa aqoonyahan ka faana af-Soomaaliga, oo af-Ingiriis ku faafiyo talooyinka dhaxal-galka u noqon lahaa Soomaalidiinna.  Aniga waxaa la iga helaa rag ifka caan ka ahaa, oo barafasooro ah, oo diiday in ay af-Ingiriis wax ku qoraan…ma maqashay halyeyga Kikuuyada ee Ngugi Wathango?  Ma akhrisay qoraalkiisii ‘Decolonizing the Mind’?”  Waxa uu Oday Wathango ku nuuxnuuxsaday in barista afafka shisheeye ee gumeystuhu ay salka ku hayaan qorshe ah in ciddii la gumeysanayay laga qabsado maskaxda, la bah-dilo, lagana xayuubiyo kalsoonidii iyo lexjeclihii ay u qabtay afkeeda hooyo ee xambaarsanaa dhaqanka iyo hiddeha.  Waana ay hirgashay oo dad badan ayaa ka faanay in ay murtidooda ama waaya-aragnimadooda ku keydiyaan afkoodii hooyo.”

“Qodobka labaadna bal hadda soo daa!” ayaan iri.

“Tira-koob ahaan,” ayuu igu yiri af-Kikuuyu, “waxaa kugu hadla dad aan sidaa u badneyn.  Oo kaaga daranee qaarna ay Itoobiya gumeysato, qaarna ay Kiinya hoos tagaan.  Kuwii ku noolaa dalkii Soomaaliyana waxa ay noqdeen kuwo ku dhex tabaaleysan colaadda raagtay iyo madaafiicda ka dul dhacaya har iyo habeen; kuwo dibedaha u qaxay oo dhashoodii aysan ku garnaqsan karin af-Soomaali; iyo kuwo dal iyo dibedba ka furay rugag ay ugu magac-dareen ‘madraso’ oo qandaraas ku heysta sidii uu af-Carabiga u noqon lahaa af looga hadlo guryaha, ceelasha, kawaannada hilibka, maqaayadaha, rugaha qaranka…af si toos ah u hanto nolol maalmeedkiinna oo aan cibaado ku ekeyn.  Dhanka kalena waxa gummaad ba’an kugu haya ururo shisheeye oo si sama-fal ah u furo rugo waxbarasho oo afkooda iyo afkaarahooda lagu hormariyo.  Haddaba ii sheeg, af kafantiisii tolan tahay baad tahayee maxaad ku faantaa?  Yaadse u faantaa?  Soo adigakan sidii ruux gablamay ay diif iyo dar-xumo ku diloodeen? Hodantanimada aad xustay xaggey joogtaa?

“Kafan?” ayaan iri, anigoo ay kalsooni iga muuqato, “taa ha ka yaabin…ma dabar-go’i dooni, weligeyna jiri doonaa.  Oo soo kabsan doonaa.  Oo sii xididdeysan doonaa…Eebbe idinki.  Aan ku hor maro qodobka ah Soomaalida kuma jiro ruux dhigaalka iyo hal-abuurka meel fiican ka gaaray oo misana diiday in uu af-shisheeye ku keydiyo suugaantiisa.  Horta ogow ceebtu ma ahan in af shisheeye wax lagu qori karo—halka ay arrini ka quruntay waa in ruux Soomaali ah loogu gar-naqsado ama wax loogu qoro af aan aheyn afkiisa hooyo oo sidaana la moodo il-baxnimo iyo horumar.  Dhanka kale, waa ay dhooban yihiin rag iyo dumar Soomaaliyeed oo iyagoo afaf shisheeye wax ku curin karo misana doortay afkooda Soomaaliyeed.  Alleylehe sababka aysan qorayaashaasi dadkooda uga dhex muuqan u badi in uu yahay Soomaalida oo il-baxnimo iyo horumar mooday keliya in af-qalaad wax lagu xarriiqo—oo wixii af-Soomaali ku qoranna ay tayo hooseeyaan fikrad iyo farshaxan ahaanba.  Waana mid ka mid ah dabinnadii gumeystaha ee aheyd in uu ruuxu ku kalsoonaan waayo afkiisa hooyo.  Qodobka ah dad tiro yar baa igu hadlo, tiro yarideyda weligey lama dhutin waayo dad tayo iyo garasho lagu galladeystay baa igu hadlo.  Ogowna sida aan u tabar xumahay uma rajo xumi.”

“Af-Soomaaliyow,” ayuu igu yiri af-Kikuuyihii, “ha inkirin in ay jireen afaf kale oo kula dhashay oo geeska Afrika looga hadli jiray.  Maantana xaggee ku danbeeyeen?  Ama waa kuwo gabaabsi ah amaba waa dabar-go’een oo cid ku hadasho ifka ma saarna.  Haddii aad af-Soomaali tahayse, yaa kuu dammaanad qaaday inaadan dabar-go’i doonin?”

Haddii aan af-Soomaali ahay, waxa dhabanno-hays igu ridday weyddiintaas.  Rugihii dhaqankiyo hiddaha ee aan ku ilaashanaa waxa harqiyay colaado iyo abaaro isdaba joogo.  Aqoonyahankii iyo qurbe-joogtii Soomaaliyeed ee wax baratay waxay u iisheen inay af-qalaad ku gudbiyaan taladooda iyo waaya-aragnimadooda.  Qarankii i ururin lahaa, i kabi lahaa, i kobcin lahaa, i keydin lahaana ha sheegin.  Yaan u gar-naqsadaa?  Yaanse ka gar-naqsadaa?  Weligey isma oran waxa laguugu soo hal-qabanayaa maahmaahdii aheyd Cidina uma maqna; ceelna uma qodna.

W.Q.: Cabdullaahi Janno

Fadlan wixii talo iyo tusaale ah iigu soo hagaajiya writersomali@gmail.com

By: Barkhad-Ladiif M. Cumar

Abwaan Gaariye oo xalay ku geeriyooday Norway iyo doorkiisii wacyigelineed ee uu ummadda ku lahaa
Isniin, October, 01, 2012 (HOL)- Alla ha u naxariistee waxa xalay dalka Norway ku geeriyooday abwaankii caanka ahaa Maxamed Xaashi Dhaamac Gaariye oo billihii u dambeeyey ku xanuunsanayey dalkaasi.

Abwaan Maxamed Xaashi Dhaamac Gaariye ayaa geeridiisa si weyn looga dareemay Somaliland, gaar ahaan magaaladda Hargeysa, iyagoo dhamaan suuqyadda iyo goobaha la iskugu yimaado lagu hadal hayey geeridda abwaanka iyo doorkii uu horumar iyo geeddi socodka nabadda ku lahaa, isagoo intii dambe xooga saaray xaga waxbarashadda iyo guubaabinta dhalinyaradda.

Abwaanku waxa uu ku dhashay magaaladda Hargeysa, waxaanu waxbarashadii hoose ilaa sare ku qaatay Hargeysa iyo magaaladda Sheekh, waxaanu macalin ka noqday jaamacadii ummadda ee Lafoole, waxaanu ka mid ahaa guddidii qorista afsoomaaliga, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa gabayadii tisqaaday ee silsiladii Deelay iyo Siinley ragii bilaabay ayuu ku jiray, ka dibna cadaadis badan oo la saaray ayuu dalka iskaga baxay kuna biray jabhaddii ka hor yimid nidaamkii madaxweynihii hore ee Maxamed Siyaad Bare. Dalka markii dib loogu soo noqdayna waxa uu kaalin ka qaaday Nabadayntii dalka iyo waxbaristii dhalinyaradda, wuxuuna 22 sannadeed u dambeeyey wax ka dhigayey jaamacada dalka, gaar ahaan jaamacadda Camuud iyo Jaamacadda Hargeysa, kaas oo si weyn ay u dareemeen ardaydii jamaacadaha ka baxday iyo kuwa hadda jirtaba geerida abwaanka, kuwaas oo aad u xiiseen jiray maadooyinka uu u dhigi jiray, isla markaana saaxib dhow la ahaa dhalinyaradda, waxaanu uga warami jiray dhaqanka wanaagsanaa ee ummadda soomaaliyeed iyo suugaantii ay lahayd oo ka muuqda garashada iyo gobonimada dadyowga soomaaliyeed.
Soomaalidda, waxaa kale oo uu ku xeel dheeraa suugaanta iyo dhaqanka Soomaalida, inta badan marka uu ardayda casharada siinayo waxa soo buuxin jiray ardayda aanu u lahayn xiisadda markaas, kuwaas oo ku soo ururi jiray hadba galaaska uu wax u dhigayo si ay uga faa’iidaystaan, waxaanu ahaa macalin aad loo jeclaa, waxaanu sidaas ku mutaystay aftahanimada iyo khibrada uu u lahaa sugaanta, isagoo inta badan tusaaleyaal u soo qaadan jiray suugaanta ay tirin jireen abwaanadii hore, isla markaana si farshaxanimo ku jirto ugu soo gudbin jiray gobonimadii iyo kartidii ay lahaayeen soomaalida hore iyo aqoonta ay dhulka iyo deegaankaba u lahaayeen, taasoo ardayda ku abuuri jirtay inay jeclaadaan dhaqanka iyo suugaantii hore. Geerida ku timid abwaanka waxa si gaar ah u taabatay ardayda jaamacadaha dhigata ee uu culuunta kala duwan uu siin jiray, isagoo inta badan laba maado ka dhigi jiray jaamacadaha mid suugaanta ah iyo maaddo kale oo ardayda barata caafimaadka iyo saynisa uu siin jiray oo la odhan jiray (Embryology) oo ka warami jirtay halka uu ka bilaabmo ilmaha yar ee caloosha hooyadii ku abuurmay iyo marxaladaha kala duwan ee uu soo maro.
Abwaanku waxa kale, oo ku ka soo qaybtaatay joojinta colaadaha ka socda gayiga Soomaalidda, isagoo gabay badan oo wax sheeg iyo kala qaboojinta beelihii ku diri jiray Soomaaliya wakhtigii dalka la soo galay ka tiriyey, isagoo ku baaqay in dagaaladda la joojiyo oo la wada noolaado, waxa ku jiray gabayadiisa waxyaalo uu sii saadaaliyey oo dadka qaar tilmaamaan inay imika muuqdaan wixii uu wakhti hore ka hadlay, taas oo ay ka mid tahay ciidamadda ajanabiga ah ee imika jooga koonfurta soomaaliya.
Waxa jiray gabay la odhan jiray Dabo-taxan oo ka hadlayey dhaqan bedelka ku dhacay umadda soomaaliyeed iyo burburka maskaxda dadka ku dhacay, isago tilmaamay in sidii uu guryuhu u dumeen inay dhaqanki iyo garashadii dadka soomaaliyeedna u burbureen.
”Daarihhii burburay shalay waxa maanta kaga daran, iimaan daraantiyo nabaad guurka diintiyo kaga dhacay damiirkoo.

Dal waxaan ku noolahay, saddexdii dalaaqood lagu furay dadnimadii, dal waxaan ku noolahay runtu arag daraysoo Daadihii la yidhi been.

Dus-duskiyo khiyaamadda dunida hadday ceeb ka tahay noo dabeecad weeyaan.

Degmadaan ku noolahay nin daryeel yidhaahdaa dulli buu ka qoran yahay.
Dayaxii usoo baxa daamuur baa la mariyaa.

Mooralkaana laga dilay dalagyadii usoo kici lahaa

Markiii geella loo diray ninkii maqasha daayacay”

Maalintii Marxuum: Maxamed X. Ibraahim Cigaal loo doortay madaxweynaha Somaliland 1997 oo dhibaato badani jirtay iyo dagaalo beeloodyo ayaa waxa uu ka yidhi doorashadda mdaxweynaha “ Ninka dayrtan maanta u doonyeystay madaxnimo uba diidi maayee, horta mee dalkii iyo dadkii uu xukumi lahaa.

Inkastoo gabayadiisu kala dhicin, Waxa xusid mudan gabay uu ka tiriyey sida dadka ehelka iyo qaraabadda ahi dagaalkoodu u xun yahay, waxaanu yidhi “
-Aheey way iyo ciil umalkeyga hiqdeyda calool oyga nafteyda
ilmada iga da’aysiyo imtixaanka i haysta
ma dhulkaa i ashkateeyey ma cirkaa iga ajooday
ma badaa igu ugaajay -ma abdaanan lahayn
ma dab baan isku ogaa anigu aan isku daaray
-Islaantii curadkeeda kolkay Eydu cunaysay
ax doraad odhan weyday markii ay arki weyday
wax guda oy ku ilowdo noloshii inankeeda
inay maanta u oydo inteeday ku sugaysay
Oori weerku ku raagayoo geeridii odeygeedu
afaafkay ku banaysay ninkii owdi lahaa
isagii fadhataystey yaan u eersa nidhaa
-Ninkii aarsa yiqiinay haduu aarsaday maanta
uu-fanayskiina guuray iyana waa iga su’aale
tolow yaa colka eega loo abaabulayaa
-Tolow yaa ilma-dayday ulmadeydii u loogayoo
ilma dowgii ka reystay -Yaa u aana ah maanta
udunteyda halowday eebadayda ku fiiqan
ayaantay kululaato kaan u eeran lahaa
-yaa u aana ah maanta
birta layska as-laayiyo galkey siibtay ableydu
-yaa u aana ah maanta’
Mar kale dagaalka sokeeye isagoo tilmaamaya dhibtiisa waxa uu yidhi “
-Laba oorya walaaliyo ilmaadeer is maquunsha
lama sheegin aduunkee marka aan ugu liito
mar aan eeda sokeeyiyo ilmahayga ku waayo
mar aan aayo la’aanta seedigay ugu aaro oo
walaashay asay qaado mar haday aqalkayga
haddii layga adkaadiyo hadaan raystey idhaahdaba
mar lay oohin u tahay bal maxaan istafiiday.
Isagoo wali dadka is dilaya la hadlaya waxa uu yidhi “ gadhlow awr kala guurtey la arkee mar kaleeto
in ay ood ku kulmaana haduu uur kala guuro
sow amuur culus maaha
-Abley baan ramiyaa afeeyaa shirabaa
adhaxdaan is jaraa oogso baan is-idhaa
afweyntaan u dhacaa
Mar kale isagoo sii daalinaya dhibaatooyinka soomaaliya qabsan doona, haddii aan hadalkiisa la maqli waayo, waxaanu yidhi “ Aafo waa ta dambeysoo ifa-faalaha muuqdiyo ishay leedahay maanta
waxba yaan af-gobaadine intay doonto ha gaadho aramaa qarxi doonta
-Dharaar baa iman doonta hadaan Eebahay ceymin
afku uu hadal daayo
-Dharaar baa iman doonta dab munaafaq istaadhay

wax la uunto la waayo
-Dharaar baa iman doonta mujrim oogo madowoo
islaam sheeganayaa agablaay hambadaada
sa sii kaba raacsho ku darsoo Axmed-doolow
waxaan ahay xog-ogaaloo hir fog baan arkayaa
orna waa maqlayaa waxna way urayaan
Aaminaay waan gabyayaa nin abwaanana waan ahoo
ereygiisu tuf leeyahay Hadeydaan i adeecinoo
ergedaan ahay maanta ka abaal ka dhacdaan
Ilaahay balankii ibtilaa dhici doonta”

Gabaygan oo dheer waxa ku jirtay inuu sii sheegay in dhulka Soomaalida ay ciidamo ajanabi ah qabsan doonaan, waxaanay dadka qaar tilmaamaan inuu gabaygani wixii uu sheegay ay hadda jirto oo ciidamadda ajanabiga ah ee Itoobiya, Kenya iyo Ugandha inay dalka qabsan doonaan sii sheegay, kuwaas oo hadda ka hawlgala Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisha iyo magaalooyin waaweyn, waxaana gabaygaasi ka mid ahaa

“ Dhulkay eyro ku fooftana Afrikaan madmadowiyo
ajnabaa degi doona iyagaa talin doona
– Organkaad didiseen baa dib idiin qabsan doonoo
-Dharaar baa iman doonta engag layskugu xiira
oo heeca diida ilmaha qasab loo aqbalsiiyo
-ciyowgaa alwanaayiyo tukahaa uuda hayaana
way is calool ogyihiinoo Qaasinow abti hee dheh
Galow aamusi waayey haddii aan wax aqaano
-Daruuraha iba-baaliyo afagaalaha naafiyo
kolkaan moorada eegay laaxinkay ku aroortiyo
ninka faalka inkiiskee ku ab-yeeshay Cibruhu
haddaan eega la baajin waa sidoo abada ah
-Haddii aad adintaanoo indhaha dhiig laga keeno
idinkoon sidan dhaamin inaad guul urisaan
waa waxaan la arkeynin Allaahu ma balaqtu
ilaahow markhaati ka ahow
“-Ahey way iyo ciil umalkayga hiqdeyda
calool oyga nafteyda ilmada iga da’aysiyo
imtixaanka i haysta Anigaa is maqli waayey
orod bay wax i leeyihiin ololna wuu fahmayaa
ayaamo is gurayaana way igu fool adag yihiin
-Ahey way iyo ciil Aaminaay magacey ba’
Asaagay igu wiirsay inanteydu gumowday

ka irdhoobay shisheeye ku eedoobay sokeeye
ehelkay ka qalooday cidna aamini waayey
“-Dharaartii Alle keenana ayni ii kordha mooyee
caqli iima siyaado mana waayo arkaayo
wax kastood akhridaan waxaan ahay Alle doori
seed dhanina aanay ku oolin

Mar uu ka hadlayey qabyaalada xumaanteeda waxa uu yidhi

-Uf qabiilka anaa leh wuxuunbaa ku adeegta, nin iskii kartidiisa, isagoon cid ku tiirsan, isku taagi kareynin, una haysta ateero, ayaantuu dambi geystana, laga hoos galo eeda.
-sidaan aaminsanahayna abkuu doono ha sheegtee
wuxuunbaa ehel ii ah dadka kaan af aqaano
ee si wax iila arkaaya ee ina midayso ujeedo”ayaa ka mid ah tixixiisii uu ummadda uga digayey qabyaaladda.
Alla ha u naxariista Abwaanka, waxaa tacsi u diraya Madaxweynaha Somaliland Axmed Siillaanyo, abwaano iyo ardayda jaamacadaha dalka, ilaahay ha u naxariisto.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com