By MOHAMED IBRAHIM WARSAME “HADRAAWI”

Maansdan waxa uu Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”sheegay in curinta maansadani ay ku dhalatay ka dib markii uu arkay dhalinyardii loo hanweynaa oo kaalintoodii gabay xilkoodiina gudan la’, hooyo se – waa maanso Hadraawi iyo caadkeede – weli la daba taagan tahay duco iyo denbi-dhaaf, beer-nugel awgii.

Hunguri calafbaa xukuma
Hantina dhaqanbaa shushuba
Dadkana hiddihiisa guud
Wixii la hayaa dhexyaal

Xaq iyo u-hal-buuxintiisa
Habboonkiyo waalid tiisa
Hilbiyo ku-arooridooda
Siduu uga hawl yaraysto
Halmaan laga yeeli maayo
Hawiyo tumashoy dhashayda
Ka daa gacan-haadiskaaga

Barbaar hanaqaad ku leexday
Duciyo habaar qaadan waayey
Cir iyo heeguu noqdaa
Hadhaysa dhul aan aqoone
Hoygii madhan wiilashiisa
Haween dumar baa ka sheegta
Hablaha kacaybaa u yeedha
Haldhaa jecel baa u qaybsan

Inaan hadlo maan sugaynin
Baxnaanana maan horjoogsan
Hubsiinana maan illaawin
Hoggeediyo xaajadayda
Dareenka haloosigiisa
Hugiisa inaan ka qaado
Hayaanka fogaaday baa leh
Markaan cidla hiil ka waayey
Naftayda halaanhalkeeda
Waxaan huri waayey sheego

Haantii lulatay dhegayso
Hoobaanta agtaada taalla
Hadiinadu baadi weeye
Hashii korisaa u ciillan

Qofaad halab-saariddiisa
Daryeelka horseedadiisa
Dedaallada heensihiisa
Habeenna ka seexan weydey
Ku meel maray heegantaada
Markuu hagar kuu banneeyo
Dharaar ku haleeli waayo
Hortaada waxaa yimaadda
Sidaad ugu heellanayde
Harraad iyo waa kalkiise
Hillaac baxayow dhegayso
Siday talo kaaga hoostay

Calooshu intay ku hoysey
Hiyigu ku baxnaaninaayey
Horraadka intaad jaqsiisay
Dhabtaydu intay ku haysey
Intaad huwanayd taftayda
Hobeeya hobey hobeyda
Intaan dusha kuugu heesay
Intaan hanad kuugu yeedhay
Hawraaraha kugu ammaanay
Intaan hubin kuu xambaaray
Dartaa u hoggaansanaaday
Hadhuubada aan ku siiyey
Habniin adigoo ku diidey
Intaan hambo kuu daboolay
Hammuun iyo gaajo qaatay
Adoo haqab-beel ku seexday
Intaan hurdo kuu illaaway
Ilaashay hareerahaaga
Hungaa i xasuusinaysa
Hayaydana meel shishaa leh
Hiloga naftaa aloosan
Kashaa hinqanaysa goorba’an
Hankaa i waraysanaaya
Tolow hebel mee ku foogan
Aniyo hirashaa is weyney
Higsiga noloshaa adkaaday
Adduun iyo haybsigiisa
Hangool li’idaan ku daayey
Waxaan ku hagaagi waayey
Dhankaad ku hagaagsanayde
Adoo ka hanweyn xaggayga
Qof kuugu hanweyn dantiisa
Cid aad ku hallaysay mooyi!

Halyeynnimadaada sheelan
Habawgiyo dhiirintiisa
Ayaan halis kuu tusayne
Intaan kugu hawlo-daaley
Intaan kugu hoodo-sheegtay

Intaan hebla’ kuugu faanay
Hilaado fog bay lahayde
Inaan hafarkaaga qaato
Sidaad ku heshaa da’ weyne
Adiyo habigaaga mooyi!

Habaaska inaad cantuugto
Adoo hanadaan ka dooratay
Xaggayga hibaan ku saaray
Anigu ku habaari maayo
Huqbaase ku raadinaysa
Hibaaq xalan maad ahayne
Hufnaanta dhibtii abuurtay
Inaanay hadhayn yiqiinso!

Hawaala adduun rabbaa og
Dadkuna kala hoodo weeye
Haddeer iyo tii haddeer
Hadhow iyo tii hadhow
Hoosiyo sare tii ku raacda
Anuunbaa hooyadaaya.

Anuun Baa Hooyadaa Ah.

By Abiraxamaan Faarax “Barwaaqo”

Mudanayaal iyo marwooyinba dhammaantiin waydin salaamantihiin.
Intaa kadib waxa aan halkakani idiidinku soo gudbinayaa qaybtii 1aad ee
maansada la yidhaa “HAN-LAAWE”,taasi oo ay qaybo ka midihi ku soo baxeen
bogga tifaftiraha ee wargeyska “Baaq” ee ka soo baxa magaalada Toronto.
Iyada oo dhanna waxa laga siiddaayey laanta Af-soomaaliga ee idaacadda la
yidhaa “CKCU” ee magaalada Ottawa.

Hargeysa dusheeda
Hareerta Banaadir
Intii Hobyo dhaafsan
Kuwii hardafaayee
Inuu hilbahooda
Ka haago dugaaggu
Wixii ka hadhaana
Ifkeer ku hagaaso
Ka diidey hoggaankii
Kuwii huwan sheegtay
Iney halis daaqdo
Han-laawe ma moogtey ?

Intii hanqal taagtee
Hillaaca arkootee
Hollaand u tallawday
Hadday garan laydba
Iney hawirmeyso
Haadaan ka dhacayso
Hadhawna jidhkooda
Hilbaa ubadkooda
Dhurwaagu hanfiiri
Hayaanka halkiisa
Iney hakanlaydba
Anaa huba taasa
Hawraartan dhegeyso !

Markuu Han-yaraale
Shirqaalka hubaysan
Inuu hab ku siiyo
Heeryeeyo barbaarta
Haabkiisa ka keenay
Haweenkii gadoodee
Hareer galay xooggii
Haanraawaha siiyey
Hayeygii sawaabnaa
Inaan la hilmaamin
Han-laawe ma moogtey ?

Harleyda Toroonto
Hollaanda la sheego
Haddee yuruboo dhan
Intii la hal-maashaa
Iney ku heshiisey
Libteynu haleellay
Ahaan tu hagaagta
Hurdow dhegahaagu
Haddeer ma dareemeen ?

U hiilinta heedheh
Halyeeyo ku sheeggii
Habtii ka hor waagii
Hunfeydiyo yeydiyo
Intii u yar haaddu
Ka haagtay so’doodu
Inuu hirgelaayo
Hoheey ma ogaannay ?

Hurdow magacaabe’
Hayaanka bal jooji
Hayaayda dhegeyso
Dayaanka hawhawle
Hortaadana fiiri !!

Hoobaaqda la jeexay
Dalluunta hagoogan
Waxeer halaq jiifa
In laynugu heero
Hormoodkuna lee’do
Hadhaagu dayoobo
Dabeed habaqlaana
Harraadku dishoodu
Haloosigu weeye !

Hoheey cakuyeey hoh
Hurdow hammi laawe
Hareeraha eeg bal
Waxeer horor joogee
U soo hanqal taagi
Iney hablaheenna
Haddee gabankii yar
Haaweyda u loogaan !!

Dagaalkan habaysan
Ku aaddan haweenka
Hiddii dhaqankeenna
Intaan is habaynno
Dabeed is hubaynnoo
Hareer gallo heedhe
Hooyooyinka ciillan
Intii hilqadaalee
Ilaahay hortiisa
Hagoogta u qaatay
Ayaa hadda toosan !!!!

Haddii aan gefaf dhanka higgaadda aan sameeyey haloo dulqaato. Makiinad
garaacidda iskuma fiicnin.Qaybta labaadna haddii Eebbe yidhaa
waan idiin soo dawin.

Sidaa iyo nabadgelyo.

Jacayl dhiig ma lagu qoray

Weli dhuux ma loo shubay

Qofna saanta dhabarkiyo

Ma u dheegey feedhaha

Dhabanada cad laga jaray

Hadalkii ma lagu dhigay

Xinjir aan is dhalan rogin

Midabkeedu dhiin yahay

Laga dhuray halbowlaha

Weli dhiil ma lagu shubay

Laba mays dhansiiyeen

Sida dhayda xoolaha

Dhag dhag maw wadaageen

Weli laba is dhaarsaday

Beryo dhacan nasiib iyo

Dhul ku kala cillaalaa

Subax dharabku kowsadey

Dhedaduna cuddoon tahay

Cidla aan dhir mooyee

Wax dhaqaaqayaa jirin

Jabaq maysku dhaadeen.

Kulankii dhabta ahaa

Riyo dhiifi keentiyo

Dhalanteed ma moodeen

Sida ay dhadhabayaan

Dhawr jeer ma seleleen

Af dhabaan dhab jamashada

Ma ka dhoofay hadalkiii

Bal dhaqaaq na kay tahay

Dhihidii ma waayeen

Ma ka dhabaqday xaajadu

Ilma dhalatay xiisuhu

Sida dhibic ma hiigaan

Ma ka qubatay dhaayaha

Ma ku qoyey dharkoodii

Naxariis ma dhidideen

Iyagoo dhanqalankii

Dheel dheelli mooyee

Dhegna aanay kaga jirin

Kolba erey dhex roorkiyo

Dhumucdii ka maqantahay

Dhitinaaye keligii

Ka dib tooban dharaarood

Carrabkiyo dhanxanagii

Dhirindhirid ma ku heleen

Laba guul u dhalatoo

Isu dhiganta weeyee

Dabadeed dhabeeshii

Hanadkii ku dheeraa

Dhudi mays bariidsheen

Dhubbad qaadka sheekada

Qofba dhagarta caashaqa

Wixii dhaaxo soo maray

Ma dhex galay kalkiisii

Ma akhriyey dhambaalkii

Warka maysu dhiibeen.

Kalgacayl dhito ahaa

Dhamac iyo dab huriyeen

Dhuxuliyo ladh soo kacay

Hadba dhoon ma buuxsheen

Kolba dhacan ma jiideen

Dhacdadiyo u jeedada

Qofba dhaadashada guud

Qofka kale dhankiisii

Inaan looga soo dhicin

Ma ku dhaabadeeyeen

Sannad mays dhegeysteen

Ma dhalaalay waagii

Dhag ma tidhi cadceedii

Intay soo dhaqaaqeen

Iyagoon ka dheeraan

Dhaqankiyo xishoodkii

Dhaymana u jeel qaba

Iyadoo dhexdoodii

Dhulka suxul banana yahay

Dhibta maysla taageen

Wax intaa ka sii dhow

Ma ku dhiiran waayeen

Dhayal laysu taabtiyo

Dhallinyaro habkeedii

Ma ka dhega adaygeen

Dhadhansiga miliilica

Isha mayska dhawreen

Dhabbaday is taageen

Qofba dhaabaddiisii

Sara joog dhankiisii

Kun habeen ma dherernaa

Dhudhummada aboorkii

Dhulka hoose kaga baxay

Dhilashada jidhkoodii

Ma dhanbalay sartii guud

Ma dhammeeyey hilibkii

Xidididada ma dhaawacay

Ma u dhaafay seedaha

Lafta hoose maw dhacay

Dhiilluu ku geliyaa

Ama waad dhalliishaa

Dhagartiyo wedkaagee

Dhimashada kal iyo laab

Ma ku soo dhaweeyeen

Dhoollaha ma ka qosleen

Ubax dheelka subaxdii

Naxariis ku dhaashtoo

Afka dhiin cas mariyoo

Dhaddigiyo labkisii

Laba dhude isugu maran

Ma is dhaafsadeenoo

Dhaxal maysu siiyeen

Dhuuni kawlka caashaqa

Maysu sii dhadhamiyeen

Ereygii dhinaa hadal

Dhegta maysu saareen

Dhafan dhaaf aboorkii

Ma dhufsaday cammuudii

Ma u qaatay dhoobada

Dhab-dhabkiyo kabkabidii

Labadaba ma dhalan rogey

Dhismo kale ma soo baxay

Ma ka dhigay wax yaabliyo

Dudun dherer ku caanoo

Dhumuc iyo laxaad weyn

Dhalan dhoolka maantii

Dadku dhacarta jiilaal

Ma dhasaday dharaartii

Ma ka dheelmay galabtii

Iyadoon la dhaadayn

Sheekada dhabteediyo

Dhabar weyntan hooska leh

In dhexdeeda laba ruux

Runta kaga dhur sugayaan

Haddaan laysu dhamanayn

Nafta laysu dhiibayn

Ama dhaxal tis qaadiyo

Dhismo aqal la taagiyo

Ubad iyo dhaqaaliyo

Dhaqan reer la kala sugin

Dhunkashiyo u jeedadu

Tahay dhaayo guudkood

Waabay la dhabaqsado

Dhereg iyo markaas qudha

Ama sida dhurwaayada

Hilbo gabadh dheg roonoo

Higlo loogu dhuuntoo

Dhakhso loogu kala baxo

Ninba waxa dhabbacashada

Dabinkiisa ugu dhaca

Dhidar iyo xabaashii

Sharaf lagu dhabcaaliyo

Dhawrsooni laga tegey

Dhalanteedka beenta ah

Bulshadaa u dhaawacan

Hab jacayl u dhaqan galo

Ma holladay ka ugu dheer

Maamuusna ugu dhow

Mise weli wax baa dhiman

45. Jacayl dhiig .. Has Love been Blood written? Top

has love been blood-written

has marrow yet

been poured for it

a person peeled

the skin from their back or ribs

has expression of this

been offered in flesh

cut from the cheeks

has blood extracted

its colour still red

uncoagulated

been scooped from the arteries

poured into a milk vessel

have two people offered it

one to the other

as they would fresh milk

have they shared it happily

time-separated in spirit

in body as by a thorn fence

sworn to each other

one morning have two

after first soaking rain

the damp mist dense

in an unpeopled place

where apart from the trees

nothing stirred

become aware

of each other’s rustle

did that true meeting

seem a vision to them

brought by love’s plight

or its mirage

from time to time

as if suddenly waking

out of a dream

did their speech

desiring utterance

pass from a mouth

if just a howl

did words elude them

was the situation soured by this

did spots of ceaseless rain

emotion’s tears

spill from their eyes

did it soak their clothes

did they sweat compassion

disoriented with but

a stutter of movement

they were stuck

each time a word

no link with others

lacking substance

limped out alone

was it ten days later

their tongue and palate

found strength for it

but they are born for success

of equal standing

parted for so long

did they greet one another

exchanging stories

did each for their part

pass on the trials

sustained through their love

did they read the message

exchange their news

love was a food store

which when it was heated

with charcoal and fire

the glowing embers

of emotions stirred

did they fill a large pot

time after time

drag the enclosure’s

night-time gate

each one with tender eyes

seeing nothing harmed the other

did they listen thus

for a whole year

did the talking end

did they then spend

half a day

in this silent way

as the daylight fell

from their staring gaze

their inflamed thoughts

did they pass that night

like the camel herders

in nocturnal endurance

of cold and dark

difficulties bringing illness

did the dawn then glow

and the sun call out

approaching each other

not crossing the boundary

of mores and modesty

longing for a balm

with a mere forearm

between them did they stand

bodies held straight

opposite each other

avoiding the step

of moving closer

resisting the play-touch

the youthful way

the taste glimpsed

in the distance

did they just behold each other

through their eyes

they stood on the spot

each one gazing

standing upright

did it last a thousand nights

the legs of the termite

emerged from the earth

breaking the surface skin

did it peel their bodies

consume the flesh

did it wound the veins

pass to the nerves

persisting

to the very inside of the bone

the bad news

it places in you

that you look on with fear

is the trials and your death

did they welcome it

with their whole body and a smile

there’s a flower which blooms

after morning’s compassion

has refreshed it with dew

it brings forth a red liquid

for the mouth to sip

its stamen and stigma

entwine like a rope

was it this they exchanged

offering as a legacy

did they present it to taste

as the last earthly food of love

did they place at the other’s ear

the word which was missing

the termite gathered up

sand and detritus

forming clay diligently

rendering and plastering

did it transform those two

did a building arise

did it mould from them

a structure of wonder

a lofty termite mound

famed for its thickness and strength

roaming in the sun-heat

of daytime did people

in the dry season grazing lands

rest in its shade

then move away in the evening

unaware of the reality

of the story that deep inside

this shady backbone support

two souls await the outcome of truth

if self sacrifice is not made

the breath of life not exchanged

if one does not wait

for an enduring legacy

the building of a house upright

children and earthly sustenance

then the kisses and intentions

are nothing but superficial

a poison sipped to satisfaction

in that one same moment

like hyenas snatching

a girl of good repute

as they hide themselves

in the higlo tree

to pounce out quickly

each man is expectant

for what will fall to him

a hyena and his grave hole

the honour he has trampled

the modesty he has snatched

the lying illusion

this does society harm

did he strive for the highest level

of fulfilment of love

that closest to honour

or is something still missing

Hadrawi iyo Jacayl dhiig ma lagu qoray?

 

Mahad oo dhan Allah ayaa iska leh-Suugaanta Somaaliyeed ayaa dhaxal
gal weyn ah qiimo gaar ahaaneed ugu fadhiya guud ahaanba Ummadda Somaliyeed
xikmad iyo aftahanimo ku saleeysan iyadoo noocyo kale duwan leh tusaale ahaan:-
Gabay,Jeeraar,Maanso,Masafo,Guuroow iyo(Buraan-bur dhanka Haweenka),
heeso,ciyaaro kala duwan,riwaayado maqal iyo muuqaal,sheekooyin IWM,
Lamana soo koobi karaayo suugaan yaqaanadii iyo abwaanadii waaweynaa oo
ka soo baxay ilaa iyo hadana si weyn loo qiimeeyo loona dhegeeyso Tixihii eey
dhaxal ahaan uga tageen diiwaana suugaantana ku duugan-waxaana kaalinta
hormoodnimo iska leh xikmad iyo aftahinimo loo daayeey-Halyeey-Sayid Ma’d
Cabdule Xassan,Qamaan Bulxan,Cali Dhuux,Salaan Carabeey,Halyeey-Ismaaciil Mire,
Maxamed Cumar Dagge,Raage Ugaas,Aw Muuse,Yawle,X,Aden Af-Qalooc,Cali Sharmaarke, Halyeey-Timaca-Cade,Halyeey-Cismaan Yuusuf Keenadiid,Aden Carab,Dhoodaan,Halyeey- Cabdi Iidaan,Cabdi Gaheeyr,Faarax Nuur,Cali Cilmi Af-Yare(Jaamac Cilmi Kediye)Xidigga. Waqtigan iyo boqolaal dhigooda ahaaba(Fiiro Gaar ah Magacyadu waa tusaale ahaan keliya).

Qormadan maanta ayaa ku saabsan aftahanka weyn xikmada alle hibadda u siiyeey
kuna dadaalay nooleeynta iyo xafidaada suugaanta qaaliga ah ee somaaliyeed iyo u
soo gudbinta jiilaca cusub oo aan nasiibka u helin ka ciil baxa suugaantooda qaaliga
ah lana koowsadeey burburka iyo colaadaha dalkii hooyo curyaamiyeey(Waa Ustaadka
Weyn Qoraaga ah-AXMED FAARAX CALI-IDAAJAA oo ka mid ahaan jiray bahdii saxaafada iyo warbaahintii somaaliyeed gaar ahaan Radio Muqdisho oo lagau xasuusto barnaamijkii qiimaha weyn lahaa ee Fanka iyo Suugaanta xiligana wuxuu si habsami leh uga soo tabiyo. Idaacadda VOA-ka oo hab taxano ah ka soo daayeey noocyo badan oo suugaanta ah si weyn uga faa’iideeysteen bulsho-weynta weliba qurba jooga,Ustaad Axmed ayaa hab gaar ahaaneed iyo hanaan cajiib ah oo cod gaar ahaaneed leh ku soo bandhiga si weyna loo fahmi karaayo erayadiisa iyo faseexnimadda lahjadiisa taasoo qiimo kale siineeysa barnaamijka Ustaadku markaas ka hadlaayo,sidoo kale waxaa mudnaan gaar ah siiya guud ahaanba barnaamijyadda Fanka iyo Suugaanta oo wuu soo diyaariyo Idaajaa Moowduca wuu ka hadlaayo oo intoodaba wuu ku aadiyo waqti ku haboon,bal halkan hoose ka eeg ama ka dhegeeyso qeybo ka mid ah barnaamijyadda Fanka iyo Suugaanta iyo Ustaad-Axmed Faarax Cali-Idaajaa:-Waan tucubyo maanso-yaqaano somaaliyeed oo degaamo kala duwan tiriyeen iyo waayo kala duwanba.

01 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Gabayada) Dageeyso

02 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Geeraarka) Dageeyso

03 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Jiiftada) Dageeyso

04 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Deelqaafka) Dageeyso

05 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Heesaha) Dageeyso

06 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Heellada) Dageeyso

07 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Heellada Q-2aad) Dageeyso

08 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Maanso-curinta) Dageeyso

09 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Suugaanta Libidho Dageeyso

Ustaad-Axmed Idaajaa ayaa barnaamijyo qiimo weyn leh dhaxal suugaaneed ah soo
bandhigaayeey Idaacado kale duwan oo ah kugu ugu waaweyn oo looga hadlo afka
Somaaliga si gaar ahna loo xiiseeyo sida:-Radio Muqdisho,BBC-da iyo VOA-ka oo wuu
xiligan ka daadihiyo barnaamijka xiisaha weyn ee Fanka iyo Suugaanta,Ustaad-Idaajaa
ayaa had iyo jeer ina xasuusiya xikmadii,aftahanimadii iyo hibo gaar ahaaneed Allah u
siiyeey Maanso yaqaanadii somaaliyeed oo waayo kala duwan noolaa waana mid mudan in amaan,gobaadiin iyo mahad celinba loogu soo gudbiyeey Ustaad-Axmed Faarax Cali Idaajaa,iyadoo aan qormo kooban lagu soo koobi kareeyn suugaanta iyo barnaamijyada wuu soo diyaariyeey sida wacana u daadihiyo balse waxaa tusaale inoogu filan inta aan soo qaaray iyo kuwo badan oo aad si xarago leh aad ugaga ciil bixi kartaan Idaacadda. VOA-da,gunaanadka qormadan waxaan qiraayaa shakhsiyan in Ustaad-Idaajaa si wacan oo habsamideeda leh,aftahanimo leh xeelad iyo farsamo sare oo weriye-nimo leh u soo bandhigay suugaan aad iyo aad u badan oo dhaxal qaali ah-Mahad-celin Ustaad-Axmed Faarax Cali-Idaajaa-Tucubyo kalle hoose ka dheehda:-sidoo kalle waxaa ka heli kareeysaan Barnaamijyadda Ustaad-Idaajaa:- www.Calamooeonline.com – www.Doollo.com ,
www.golkhaatumo.com.

10 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Suugaantii Gobanimo-doonka) Dageeyso
11 – Dhaqanka iyo Hidhaha (Suugaatii Gobonimo.doonkii Dageeyso

12 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Suugaantii Goba-nimadoonka Q-3 Dageeyso

13 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Suugaantii Goba-nimadoonka Q-4 Dageeyso

14 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Suugaantii Gobanimodoonka Q-5 Dageeyso

15 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Suugaantii Gobanimodoonka Q-6 Dageeyso

16 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Suugaantii Gobannimodoonka Q-7 Dageeyso

17 – Dhaqanka iyo Hidhaha (Suugaanta Jacaylka)Dageeyso

18 – Dhaqanka iyo Hiddaha (Sugaanta Jacaylka Q-2aad ) Dageeyso

By Warsame Hadrawi

Hooyooy la’aantaa

Oh Mother! Without you

Adduunyadu hubaashii

The world would surely

Habeen kama baxdeenoo

Be perpetual darkness,

Iftiin lama haleenoo.

Devoid of light.

Dadku uma hayaameen

Folks wouldn’t reach

Dayax heego joogoo

Planets in heavens.

Sida haad mafuuleen,

Like hawks wouldn’t

Xiddig hawd ka lulatoo

Soar to looming stars.

Hawo laguma gaareen

With guided ambition

Hubka laguma tureen

Nay, wouldn’t have aspired at

Cirka hirar ka muuqdoo

Sphere in space.

Ruux aad hagaysiyo usha mid aad u haysaa,

Verily one lead by your flawless

hilin toosan weligii, ka habaabi mayee

Devotion the right path never would lose.

Hooyoy adduunku halkuu maanta

Heesta Hooyooy La’aantaa

By Mahad Badan

Waa habeen caways oo dhaqan iyo hawraar xiiso leh la iswaydaarsanayey. Madal si qurux badan looga soo shaqeeyey dad badanina soo camireen hotel imperial oo ku yaalla magaalada Hargeysa, oo marka ugu horreysa ee aad soo gasho hoolka ay ilyartu si qabtay oo si weyn loo soo camiray ilaa dabaqa sare ee hoolka oo labadabaq ka kooban markii aan madasha soo galay ee aan hore u waayey meel aan fadhiisto waxaan dareemay baahida dadka reer Somaliland ama reer Hargeysa ay u qabaan dhaqanka iyo suugaanta soo jireenka ahayd ee ummaddan Ilaahay ku beeray geeska Afrika ay hiddaha iyo dhaqanka u lahaayeen, runtiina waa wax xiiso badan oo loo baahnayahay in la soo celiyo.

Waa madal kulmisey murti maalko kala ah Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, Xasan X. Cabdillaahi “Xasan Ganey”, Axmed Aw Geeddi iyo waliba Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan. Ayaadka Quraanka kariimka ah kadib, waxa si toos ah u billabmay barnaamijkii xiisaha badnaa oo habeenkaa si gaar aha uga hadlayey dhaqanka.

Kulan aad u xiise badan isla markaana looga hadlayay “In dhaqanka Soomaaligu kobcin karo is-ixtiraamka iyo tixgelinta fikirka kale” oo ay soo abaabuleen ururka Dhaqanka ee Kayd ayaa lagu qabtay Magalada Nijmegen ee Waddanka Holland. Ugu horayn kelmadii furitaanka ayaa waxaa soo jeedisay Agaasimaha ururka Kayd Ayaan Maxamuud Cashuur ujeedada kulanka, kaas oo ay tilmaantay inuu daba socdo Bandhigii Mooge Festival oo sannadkan bishii Julaay lagu qabtay magaalada Hargaysa, sidoo kale Ayaan ayaa waxay ka dhawaajisay in bandhigaasi uu furay daaqad cusub oo ilaa tuulooyinka waddanka laga arkay in la dhaqaajiyo maskaxda biniáadamka iyo wax soo saarkeeda lagana faa’iideeyo. Waxa ka soo qayb galayaasha madashaasi ay aad u danaynayeen joogitaanka qaraayo bulshadu aad u tixgaliso isla markaana uga soo socdaalay waddamo kale oo aan ka xusi karno Jaamac Muuse Jamac iyo Maxamed Baashe X. Xasan. Waxaa codbaahiyaha lagu soo dhoweeyey horeba Jaamac Muuse Jaamac oo ka soo kicitimay waddanka Italy kana mid ah xubnaha ururka Kayd, Jaamac wuxuu faahfaadhin dheeraad ah ka bixiyay in urur ahaan ay danaynayan abuuridda Edeg ay ummada Af-Soomaaliga ku hadashaa keeda Cilmiga Diiniga leh, kan Maadiga bartay, ka dhaqanka suugaanta ku wanaagsan, iyo ka waddama shisheeye ku koray, isku dhaafsan karaan fikirkooda kuna soo bandhigi karaan waaya-aragnimadooda si loo helo fikirka wanaagsan ee kama danbaysta ah ee anfacaya dhammaantood.

Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. somheritage waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas’uuliyaddooda ciddii qortey.

By Maxamed Siciid Cilmi

Hooyooy dulqaadeey
Hooyooy dugsiiyaay
Hooyooy daryeelaay,
Aabana daweeyaay.
Dareenkii jaceylkaay
wanaagii dadnimadaay
duunyo aan dhamaaneey
dusha tii i saartee
foosha dihashadeediyo
damqashadaa xanuunka leh,
hurdada taan u diidaay.

Dalkoo nabadu guurtoo
qaraabadu is dilayaan
dadkuna gaajo hoydaan,
adaa noo dadaaloo
diiftiyo xanuunada,
noo diiday hadimada.
Kaa dugsadey dhibaatada
doorka nolosha aayaha
lagu diirsadee mudan
darisyada cibaadada
adaa igu dabiiboo
hooyo Deeqa waa adi.

Hooyooy waxaa tahay
degaankeygii koowaad.
Hooyooy waxaa tahay
diinteyda marinkeed.
Hooyooy waxa tahay
damiirkeyga edebtii.
Hooyooy waxaa tahay
dunidayda khayrka leh.
Hooyooy waxaa tahay
qurux aan dugoobeyn
Hooyooy waxaa tahay
dun xariira oon go’in.
Aamiin ducada aamiin

Alloow daa imoow
adaan kaa dalbanayaa.
degaankeeda aakhiro
ka dhig deriska nabigiyo csw
xuural caynta dumarkee
ku nool daarta dahabka ah
aabahey ha doortoo
dib ha ugo kulmeen nolol.

Guyaal iyo Guyaal iyo Guyaal

Taariikh gu’ weynuu lahaa

Iyo gedaha maanta uu yahee

Gocashada Xasuustiyo Godaal

Adaan kula gulaashaye miyuusi

Gedihii Horaas iyo Virgiilii

Harraad igu gaboobaan rabaa

Ummad wada gammiintaan rabaa

Miltoniiii gabay iiga mara

Waxba gaaxsan maayee

*

Guyaal iyo guyaal iyo quyaal

Gaallaawuhu kolkuu joogayuu

Sooyaal gaboobiyo wuxuu

Cumar Good afkiisiyo waxan

Dhallinyaro gadoodaay war baan

Garta oo ujeeddada fahmoo

Tixdu geeddan weeyiye dhammaan

*

Gadabuursi geyiguu degee

Taariikhda goortaan darseen

Saylac buu gundhigu noo ahaa

Xoolo laga gadyaa iyo cilmiga

Niman Awdal soo gelin la waa

Ilbaxnimo u gaaray lahayd

Iskadaa carabta soo gudboon

Gujaraati baa laga yiqiin

Niman Awdal soo gelin la waa

Ilbaxnimo u gaaray lahayd

Iskadaa carabta soo gudboon

Gujaraati baa laga yiqiin

Garna waxay la yeesheen

Iyagoon dhulkii gelin ayay

Saan bay kaga guddoonsheen heshiis

Odayadii la soo guray ayaan

Hebelaaba loo garanayaa

Gadabuursi buu wada ahaa

*

Afartaasi guuxii baddiyo

Gantaaladii ugaaskiyo

Geeraaradii Cabsiiyiyo Afdeeb

Gabayadii Aw Yaale iyo

Gumburihii Aw Aadan Badaw

Gocashadii Fariid iyo Sugaal

Guubaabadii Daheeyiyo Gufiyo

Cali Bucul gammaankuu watiyo

Galool ubax ku yaalliyo galiyo

Afar kelena tixdaan soo guriyo

*

Geedka Harawe gaafaha jigjiga

Intaan garaw ka beerniyo ilaa

Samaroonka gurigiisu waa

Maal weyn baa u soo gala

Geel iyo lo’ baa buuxa iyo

Gadhoodhka iyo dhaydaan cabnaa

Sixin geeda laga shiilay bay

Giirre hilibka laga gooyay iyo

Xeedho udugga goortii la furo

Gabdhahaa la diiqaa aroos

Garaw baan weliba leenahoon

Geed gaabka heeddiyo galay

Wilwilaan godaynaa kolkaan

Nimay gaajo haysaa ma jiro

*

Afartaasi guuxii baddiyo

Gantaaladii Ugaaskiyo Kunciil

Geeraaradii Cabsiiyiyo Afdeeb

Gabayadii Aw Yaale iyo

Gumburihii Aw Aadan Badaw

Gocashadii Fariid iyo Sugaal

Guubaabadii Daheeyiyo Gufiyo

Cali Bucul gammaankuu watiyo

Galool ubax ku yaalliyo galiyo

Afar kelena tixdaan soo guriyo

*

Axmed-Gurey dagaalkuu galiyo

Geeddiga hayaankuu ku tegey

Jaamac gabayadiisii haddaan

Gobosnowda kiiyoo hayoo

Gadhwadkii Axmaarada markuu

Galaayuus goobtuu ku dilayiv

Geed Soomaalka qoortuu ku furay

Askartii u soo guulay iyo

Geyigii u sii maray dadkuu

Muslinnimo in ay soo gubtoo

Gadabuursi bay wada ahayd

*

Isaguna cidduu galo ayey

Girrid iyo awow iyo intaan

Iskadaa gadaamaha dushiyo

Guntintuu ka sii yahay ayay

Taariikhda kii geddiyayaa

Gabannadii ka joogaan badhkood

Gar ilaah la dhigayaa iyo arlada

Ninkay taasi gubaysaa isagu

Oo geesi kale ha raadsado dadkana

*

Afartaasi guuxii baddiyo

Gantaaladii ugaaskiyo Kunciil

Geeraaradii Cabsiiyiyo Afdeeb

Gabayadii Aw Yaale iyo

Gumburihii Aw Aadan Badaw

Gocashadii Fariid iyo Sugaal

Guubaabadii Daheeyiyo Gufiyo

Cali Bucul gammaankuu watiyo

Galool ubax ku yaalliyo galiyo

Afar kelena tixdaan soo guriyo

*

Jihaadkii kolkuu goobaystayee

Gargaar baa oroobba uga yimid

Imaamkii markuu go’ay dhammaan

Laga golol xumaantii durbana

Amiir Nuur kolkuu galay dagaal

Gulufkiyo hayaankii wadyoo

Gaashaan buurta nimankii ahaa

Guryihii Axmaarada in badan

Isaguna cidduu galo haddaan

Goblan muu ahaynoo arlada

Gabannuu adduunyada ku dhalay

Qabiil bay ku gaadhaan tirada

Geyigay degaan baan haddeer

Gadabuursi Eebbaa ka dhigay

*

Afartaasi guuxii baddiyo

Gantaaladii ugaaskiyo Kunciil

Geeraaradii Cabsiiyiyo Afdeeb

Gabayadii Aw Yaale iyo

Gumburihii Aw Aadan Badaw

Gocashadii Fariid iyo Sugaal

Guubaabadii Daheeyiyo Gufiyo

Cali Bucul gammaankuu watiyo

Galool ubax ku yaalliyo galiyo

Afar kelena tixdaan soo guriyo

*

Gaallaawuhu markuu joogayuu

Guudweyntiyo walaabidu kolkay

Tima-dheerta goortaan ahayn

Gabdhihiyo carruurtiyo kolkay

Ilmadii kolkay gobo’ tidheen

Casar galaba goortuu ugaas

Gurboodkii gugaa kacay kolkay

Da’santii markay soo gashee

Geeddiyaasha nimankii ahaa

Geeddi dabaccdde, geeddi malable

Nimankii Nasriga gaaxday iyo

Geeddi yaryare , Jaamac Guure iyo

Ceelaabe goobtuu ka baxay

Bookh Qalalaw gedihii lahaa

Obsiiyaan ka gaabinin dagaal

Gudcurkuu habeensaday intuu

Faraskiyo gammaankii intuu

Godobtiyo xumaantiyo intuu

Cabsiiyaan ka soo gelin habeen

*

Afartaasi guuxii baddiyo

Gantaaladii ugaaskiyo Kunciil

Geeraaradii Cabsiiyiyo Afdeeb

Gabayadii Aw Yaale iyo

Gumburihii Aw Aadan Badaw

Gocashadii Fariid iyo Sugaal

Guubaabadii Daheeyiyo Gufiyo

Cali Bucul gammaankuu watiyo

Galool ubax ku yaalliyo galiyo

Afar kelena tixdaan soo guriyo

*

Dagaalada intaan soo gallee

Wada gaadhi maayee haddaan

Boqor nuunno amarkii gafkii

Wuxu dunida kala gaabiyuu

Galsho caano laga buuxiyey

*

Guntiweyne gacmihii furraa

Markuu wadhafku kala gaabiyuu

Waraabaay markii goonyihii

Ceegaag markii la isku galay

Guul darradu waatay heshee

Waa kii haadku ku dul guulayee

*

Rag-ku-boqoyne waa taan galeen

Ged dagaal inay tahay ayaan

Waa taan shalawga soo gambinayuu

Geeshkeenu waa tuu gudbaday

Galguduudna waa tuu ku galay

Geda-biirsay goortii la yidhi

*

Afartaasi guuxii baddiyo

Gantaaladii ugaaskiyo

Geeraaradii Cabsiiyiyo

Gabayadii Aw Yaale iyo

Gumburihii Aw Aadan Badaw

Gocashadii Fariid iyo Sugaal

Guubaabadii Daheeyiyo Gufiyo

Cali Bucul gammaankuu watiyo

Galool ubax ku yaalliyo galiyo

Afar kelena tixdaan soo guriyo

*

Gadabuursi boqor loo gartaa

Nin aan gacan xumayn

Diinna ku gafaynin

Geedki Harawaade

Laguma guurayne

Odayo gaashaana

Loo godeyn jireye

Gari ma laalayne

*

Golayaasha diintaa ahaa

Dhallinyar gadooddiyo musheekh

Gallinkii habeen iyo dharaar

Xadradaa la googoyn jiroo

Geebar baa qubuuraha jiriyo

Qaadiriyadu dadkii ay gashee

*

Hal abuur gu weyniyo intii

Hoobalada intaan garanayeen

Gufaacada tixdoodii kuway

Badihii hirwada gaydhiyee

Hillaac dheerayaashii guntiyo

Ustaadkii balwada goobayee

Sinimoo ninkii garanayaan

*

Afartaasi guuxii baddiyo

Gantaaladii ugaaskiyo kunciil

Geeraaradii Cabsiiyiyo Afdeeb

Gabayadii Aw Yaale iyo

Gumburihii Aw Aadan Badaw

Gocashadii Fariid iyo Sugaal

Guubaabadii Daheeyiyo Gufiyo

Cali Bucul gammaankuu watiyo

Galool ubax ku yaalliyo galiyo

Afar kalene tixdaan soo guriyo

Taariikh gabawdiyo waxaan

Hadalada gufaacada waxaan

Odayaal gaboobiyo waxaan

Waxaan uga gol leeyahay

Qarniyo guudkooda

Geeshka samaroonku

Laga galiilyoodo

Gabayga ii geysay

Jiibta ila gooddi

iila gunud heesta

Inan ka gooshaaye

Inay gadoodaaye

Gaydha igu caawi

Mar uun gorofka ii buuxi

*

Qarniyo guudkooda

Galayay ciiddeena

Galawgu ii sheegay

Oday ka soo gaadhay

Idin garwaaqsiine

Gaydha socodsiiya

Geliya laabtiina

*

Guule nagu beeray

Dib u gadaal raaco

Goob la joogaba e

Laga gol nuugyaaba

Girrid awowgiiye

Xidid an guurayne

Badda gedaankeede

Galadaheegiiye

Girrid awowgiiye

Xidid an guurayne

Badda gedaankeede

Galadaheegiiye

Markay gaaladii timide

Badda ku gaadheene

Guurti soo madhaye

Muran ka gooshnayne

Gebi ahaantoode

Guddi horraadkiiye

*

Gudgude roobaad dhe

Gucumadiisii dhe

Gaydh u hadalkii dhe

Gacamadiisii dhe

Goohi Qalalaw dhe

Galawgoodii dhe

Goohi Qabilaad dhe

Faraski Gaylaan dhe

Geedki Harawaad dhe

Galamushaaxay dhe

*

Herer galbeedkeeda

Badda gudboonkeeda

Gal iyo ceelkiiye

Galladdi weeyaane

Gaabanow adhiye

Goor la joogaba e

Gaari dhigtaaye

Gaadhi iyo baalli

La isku wada guuxo

Gacal wanaaggiiye

Guga abuurnaaye

Galaha noo buuxa

Amadka goynaaye

Godaha jiilaale

*

Gudgude roobaad dhe

Gucumadiisii dhe

Gaydh u hadalkii dhe

Gacamadiisii dhe

Goohi Qalalaw dhe

Galawgoodii dhe

Goohi Qabilaad dhe

Faraski Gaylaan dhe

Geedki Harawaad dhe

Galamushaaxay dhe

*

Gulufkii uu qaaday

Goondar dhinaceeda

Gobol ka soo qaato

Geedka hadhinaaya

Gawraca u jiiday

Galawadii naaxday

Ciiddan garab weynle

Geeshku la hayaamay

Sii hal guranaayay

Gibina mooyaane

Birimadii guude

*

Gari ka joogtaaye

Sheegto oday guun ah

Guudka Samaroone

Gudin ku seeereene

Gacalow yeelkiiye

Nolol ku gaadhaaye

Uga gayooyaaba

Girrid ha doondoonto

Yaanu gadafaynin

*

Gudgude roobaad dhe

Gucumadiisii dhe

Gaydh u hadalkii dhe

Gacamadiisii dhe

Goohi Qalalaw dhe

Galawgoodii dhe

Goohi Qabilaad dhe

Faraski Gaylaan dhe

Geedki Harawaad dhe

Galamushaaxay dhe

*

Muslinku guuleystay

Gaala-madawdiiye

La isku wada goohye

Godob la nooleeye

Soo gadaal celiye

Gaydha socodsiiye

Laga gol roonaaye

Gumuc ka sii qiiqye

Gelin ka faalloodo

Kuma galoofnayne

Eebbe galladiiye

Kuna gar weeyaane

Gebi naqaanaaye

Guulle amarkiiyo

*

Gudgude roobaad dhe

Gucumadiisii dhe

Gaydh u hadalkii dhe

Gacamadiisii dhe

Goohi Qalalaw dhe

Galawgoodii dhe

Goohi Qabilaad dhe

Faraski Gaylaan dhe

Geedki Harawaad dhe

Galamushaaxay dhe

*

Galayey ciiddeena

Naga dul goohaysay

Waydin garataane

Hooyo gacal weyday

Ciilka le gabownay

Guule duco tuugay

Taladu soo gaadhay

Galawgu eedaamay

Guulle nagu deeqye

Iyo geeddi badhi-weyne

Cadawga goobaayay

Geesiga Afdeeb ah

Cadaw ka sii giigye

Xuma gadeefeeye

Geelle tuu falaye

Dibad galaynaayay

Guura bixinaayay

Cadaw gulaalaayay

Gudgude roobaade

*

Gudgude roobaad dhe

Gucumadiisii dhe

Gaydh u hadalkii dhe

Gacamadiisii dhe

Goohi Qalalaw dhe

Galawgoodii dhe

Goohi Qabilaad dhe

Faraski Gaylaan dhe

Geedki Harawaad dhe

Galamushaaxay dhe

*

La isla garanaayo

Gobol ka faaloodo

Arlada gaadhsiiye

Gebi is moodaaba

Galab ku tuureene

*

Godob ka raadceeye

Dhacay gariirkiisu

La isku wada goohay

Yuu garwaaqsadaye

Geeridu u timide

Guray raqdiisiiye

*

Goynay cadawgiiye

Gari ka taagnayne

Giigay nacabkiiye

Beri gadaashiiye

Gala mushaaxiiye

Weydin garataane

*

Gudgude roobaad dhe

Gucumadiisii dhe

Gaydh u hadalkii dhe

Gacamadiisii dhe

Goohi Qalalaw dhe

Galawgoodii dhe

Goohi Qabilaad dhe

Faraski Gaylaan dhe

Geedki Harawaad dhe

Galamushaaxay dhe

*

Hayni jirey guule

Gunna ahayn

Ubax baa la guud dhigi jirey ugaas

Kelidii wuxuu gooyo uun

Guddi boqola gacalow budkiyo

Talo madaxi guushaa dhammaan

Galdafaani goobtuu ku jiro

 

*

Gooba dirireede

Galaha noo buuxda

Gu’ iyo jiilaalka

Lagu gammiinaaye

Duco la goobaaye

Guulay baan nahaye

*

Tirisa geeraarka

Gaadho magacooda

Geddiday suugaanta

Dhaliyey goolkeede

Gaadhay xididkeeede

Tixaha gaar yeeshay

Heesi ka gadnayne

*

Gudgude roobaad dhe

Gucumadiisii dhe

Gaydh u hadalkii dhe

Gacamadiisii dhe

Goohi Qalalaw dhe

Galalawgoodii dhe

Goohi qabilaad dhe

Faraski Gaylaan dhe

Geedki Harawaad dhe

Gabagabayntii dhe

Qorayey geeraarka

Sheeko gabaxleeyay

Gooba megacaabay

Ninkaan garanin yeelkiisa.

Bashir Sh. Omer Good (Goth)
February 15, 1984

Assalamu Calaykum Waraxmatulahi Wabarakatahu – Waa Muxadaro Muqayim ah oo Mowduca Kuu Sahabsaan Badbaadaa Bulshada If iyo Aakhiro

Ku Billabid Magaca Alle ee Naxariis Guud Iyo Mid Gaaraba Nariista. Alle ayaa mahad iska leh, isaga ayaan mahadinaynaa, kaalmo waydiisanaynaa, dambi dhaafwaydiisanaynaa, waxaana Alle ka magan galaynaa naftayada sharteeda iyooacmaashayada xun, qofkii Alle hanuuniyo cid baadiyeen karta majirto, kii Allebaadiyeeyana cid hanuunin karta majirto, waxaan qirayaa Alle mooyee Ilaah kalein uusan jirin, xaal uu yahay kaligiis, shariiknaa uusan lahayn, waxaan kalooqirayaa in (Nabi) Muxammed (scw) uu yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii.

Kuwa (xaqa)  rumeeyowka dhawrsada Eebe dhawrsashadiisa xaqaa ah, hana dhimanina idinkon Muslimahayn. Suurat Aali-Cimraam, aayadda 102.

Dadow ka dhawrsada Eebihiina idinka abuuray nafkaliya(Aadam), kana abuuray xaggeeda haweenaydeeda (Xaawo) , kadhawrsada  Eebihiina aad  wax isku  warsataan iyoqaraabada, Eebana wuxuu u yahay korkiinna haaliye. Suurat An-Nisaa’, ayaadda 1.

Kuwa (Xaqa)  rumeeyowka  dhawrsada Eeba hadal oosanna ku hadla:

Haydiinwaanajiyo camalkiinna hana dhaafo dambigiinee, ruuxii adeeca Eebe iyoRasuulkiisa  wuxuu u liibaanay dhab ahaan, liibaan weyn SuuratAl’Axzaab , ayaadda 70-71.

Hadaal  waxa ugu sita kitaabka Allee(sw), hanunna waxa ugu sita hanuunki Muxammad (S.C.W) . Arrimahana waxaaugu shar badan in arrimo cusub lagu soo daro. Caqiidada Islamka iyo iimanka iyo guudahaan waxa lagu daro dhaan Diinta  ee BidcadaBidcaadu  waa Baadi. Baadikastanaa waa Narta. Walciyadu Bilaah.

Intaakadib,

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yidhi:  “Kuwa cesha cadhodooda iskana cafiyo dadka, Allenawaa jecel yahay samaan falayaasha”.wa suuraadda al-ciimraan, aayadda 134.

Wuxuu kaloo yidhi kor ahaaye: ” Samaanta iyo xumaantu ma sinna, gefka lagugu sameeyo ku qaabil wanaag, markaasaa kii colka kula ahaa noqonayaa gacal saaxiiboo kale ah.

Taasina lama siiyo waxaan aheyn kuwaa samra, oo lama siiyo waxaan aheyn cid nasiib weyn leh” waa suuradda Fussilat aayadda 34-35.

Waxa laga weriye Abuu Hureyra ( Allaha karaalli noqdee) , in uu Nebiga (s.c.w)  yidhi:

1- Qofkiika feyda qof mu’min ah kurbo ka mid ah kurbadaha dunida, isagana Allah (s.w) baa ka feyda kurbo ka mid ah kuwa qiyaamah.

2- Qofkiiu xoolo gooya qof sabool ah,  isaganaAllee baa u xoolo gooya  ifka iyo aakhiraba.

3- Qofkiiu xiil qariya qof muslim ah, isagana Allee baa ceebihiisa astura if iyo akhiriba.

4- Qofkii jid mara isago cilmi doonaya Allee baa u fududeeya jidka Jannada loo maroo.

Ilaahay wuu u gargaaaraa addoomadiisa inta qofku u gargaarayo walaalahiisa.

Haddi ay jamaaca ku kulanto guri ka mid ah guryaha Ilaahay ( waa sidaa Masajiida iyo Masaloyinka ..)   iyagoo akhrisanaya Kitaab Allee waa Qur’aanka oo isbaraya,waxa ku soo degeysa xasilloonaan, waxadabooleysa naxariistii Allee (swt),Malaa’iktuna way la safanaysaa, Ilaahayna wuxuu ku xusayaa khalqiga agtiisa jooga.

5- Qofki camalkiisu reebo nasabkiisu  meel marin maayo..

(Waxaaso Weriye Xadiiskan Muslim , Saxadisuuna Waa Saxiix)

Marka xadiiskan waa xadis cajayiib badaan oo macnaa badaan kuu salaysan, sababtoo ah wakhtiiga xadirka ah oo  waaxad mooda inuu bulshadeena iyo dhibatoyinkaa sii  toos ah kaa maacno bixinayo iyo digniin xag walbaa, balse Insha’Allah  xogga baan  dhuxidiisa kuu rageynaa.

Xadiskanii wuxuu ku saabsan yahaay marka xubin amba xubnoo  ka mid ah bulshadadhibaato qabsato sidi waax looga qaban lahaa XAAL..,

wuxuu so qaatay xadiiskan dhowr qodob.

1-Qodobka kobaad waaxa weeyan markay dhibatoo amba kurbo iyo laxaw ku abuurtoqofka walaalka ee muslimka ah, wax kastaba ha noqotee dhibaatadaasi , sidaxanuun amba cuduroo uu u tabar waayay inuu kaa so baxoodhicii  nolool malmeedkii sidaa  masrufkiireerka,  bahaadi toolkaa , zakaadi iyo iwm…

Marka Allee (sw) wuxuu u ballanqaaday qofkadhibaatadaa ka saara qof muslim ah in isagana Ilaahay ka saari doonodhibaatoyinka kulul Maalinta Qiyaamaha waa maalin laaka firdhinayoo labadiiiskuu jecleyd  aduunka, oo cidna cid wax uu fidinayn, qofkastana  wuxuuoo kuu dhawaqaa Nafsii!! Nafsii!! aniiga Nafteydaa!! Nafteydaa !!!

Haddaba, Qofkii  isagoo cudur qadaa dhigayoodawoo  uu soo qaada markanaa Alle(sw)  kuu bogsiyaa waxaaiska leh abaalkaas dhakhtarkii cudurka gartay, kii daawada sameeyey , sidookalee kii bixiyey kharajka , kii soo qadey daawada iyo qofkii buukey.. iwm…

Sidoo kale qofkii hanuuniyaa  qofbaadi kuu jiira marka  kuu toosiyaa jidkaa xaqaa  ooxanuunkii qalbii  kaa saraa taas waa lamiid iyaadna oo Allee (sw) waakaa abalguudi maalintaa Qiyame,  oo waa maalintee ( Waa Maalinta aynau hanannin Nafna Naf  kale waxba , amarkana maalintaas waxaa iska leh Eebe waa  Suurat Al -Infidhaar1-9.

2- Taan Labaad waa qofka ay dhibaato kahaysato xagga dhaqaaalaha ee saboolka ah waxaa Ilaahay (sw) uu ballan qadaay qofkii cidhiidhiga ka saraa inisagana Ilaahay ka saari doono cidhiidhiga ifka iyo mid aakhiraba, waxanaa jirainaan cidhiidhiga ka bixinta aan loola jeedin oo keli ah in qofka walaalka ambawalashaa ee muslimka ah gajoo loo qudiyo.

Waxaa loojeedaa in laga kaalmeeyo siduu cidhiidhiga uga bixi lahaa oo u lugihiisa isugutaagi lahaa.  Tusaale ahaan , waxaa la bari karaa xirfaad ama cilmiuu ku shaqaysto.

Waxa loosamayn karaa mashruuc uu ka shaqeeyo , waaxa la bariikaara waax badaan oo aywalaalka amba walashaa kaaga  kaftoomii karaan, wixi yara eedkuu  turi jirtey sida dhowr dollar oo weey kaa hadheysaa oo  reerko dhaan buu waxtari oo wuxuu yelan dheef qofkasii hadi Raxmanku  sugoooo  waa laguu dhargidonaa Insha’Allah.

3- TaanSaddexaad waa Qofka Walaalka amba Walaasha ee  Muslimka ah ee aad kuuaragtid ceebo u  leyahay oo aanu jecleyn in lagu ogaada marka qofkiiceeb muslim ogaaday ee qariya, waxaa Allee (sw) u ballanqaday in isagana looqarin donoo ceebihiisa if iyo aakhiraba,

laakin ceebahala qarinaayo kuma jiraan kuwa xuquuqda dadka kale kuu dayacmeyso,

Matalan qofkiiku xadgudbaya xoolo ama sharfata iyo cirdiga dad kale inaad qarisoo maahaa , gaar ahaan haddi marag laguu qabsado, waxaana caddaynaya aayado iyoaxaadiis kale inaan waxyaaalaha ceynkaas ah qofka an loogu ceeb qarinaynin.

Haddaba , wuxu xadiiskani ku hanuuniyeymuslimkii horee iyo kaan wakhtigaa xadiirka jogaa iyo kan so socdabaa inuu kaadhikto hubkii uu kaga bixi karii lahaa dhibaatooyinka dhammantood, hubkaas ooah kaan cilmiga, waxaan ugu baaqay dhaaman qofkasta inuu cilmiga barashadiisaaisku shuqliya in Allee (sw) u fududeynaayo jidka Jannada

“Al’Fardowsa Wal’ Acla ,  Allahuma Acdini Fardowsa Wal’acla waa dakhalniicalaal abraar , Insha’Allah dhahaa  Allahuma Amiin !!Allahuma Amiin!!Amiin.

Waxaa  weyanwalaalayal  cilmigu sida ka muqata xadiiskan cajayibka badan AllahumaCajayib! kuma koobna cilmiga diniga ah oo keliya, balsee  waxa sogeli kara cilmi kasta oo wax tar leh  oo sharciga Allee (sw) aankhilaafasaneyn oo Qofkii dhibka Jahligaa, Gaajada, Dhaqalahaa, XanunadaaQarkood iwm ..wax kaa qabankara abaalgud cadim aah,  oowaxanad  kaa heeli doonta  Abalgudkaa Allaha Raxmaanka eeNaxarista Badan.

Waxaan kuu dharanayaa Allaah Nafteyda iyoUnkaan khalqay inaan ciyaar ciyaar iyo dheel dheel iyo kaftaanreer magaal lagu geleynin Janadaa Allee ee balsee shaqo iyo dadaal badanoo Ikhlaas Lilahiyaa kuu saleysaan in la isweydiin donaa.

Wuxuu kolee xadiisku sheegay abaal gudwayninay leehiyhiin dadka mel ku wada kulma iyagoo akhrisanaya oo baranaya kitaabkaIlaahay waa Quranka, waxa loogu abaal gudayaa xasilloonaan iyo naxariista Alleeoo lagu dejinayo, Malaa’iktaa Allee oo an marnaba casiyiin Raxmaanka oohareerahoodaa  fadhiisanayaaa, Ilahayna (sw) kuu ammani doono  khalqigajogga agtisa.

AllahuAkbaar! Bal kaa waaran Raxmankii kuu umay ooku  siyeey nicmoyiinkan oo halkaan an lagu so kobii kariin ookuu xusaaya.

Masha’Allah nicmoyiin kaa adunka Rabii noogumahaadnaqay waa Kitab Qur’anku waa Nur oo waa  Qawlkii Allee (sw).

Allee(sw) wuxii Yidhii: “  Waxaa Eebe uu khushuuca waxa samooyinkaiyo dhulka ku sugan isaga awood leh, waana kan addomadiisa wanaaga u falay eeuu soo diray Rasuul Bani Adan ah, si uu hannuniyo waxna u Barokuwa  jooga iyo kuwa imaandoona waa inagaa.

Xaalkaasnawaa xaal weyn  oo khayr ah ciddu doona yuuna siiya, illeen waa deeqbadanee, Suraat Al-Jumucah 1-4. “

Waaxan kuu so khatimaya  wacdigaanoo ah is xasusiin iyo dhirigaliin walaloyaal amba hunnoyal, sidaa dadka lagukala soocayo marku Raxmankuu abaal marinaayo addomadiisa  oo ah axadka  kastaImaanka iyo Camalka suubaan uun la yimaado faqad,  oo lagu dari mayoXisaabta Nasabkiisa, Qabiilkiisa iyo Xoolahiisa, Sababtoo ah, Ilaahay dadka umakala dhowa mana kala xigaan dhammantood waa  addoomadiisa, waxaanalagu kala bixinayaa abaalgudkooda qof kasta wuxuu kheyr shaqaystay uuna sii qadimey iyo siduu Allee (sw) ugaa baqayey oo waa Taqwaada Baas iyo  sidii sharcigaa diinta uguu hoggansama, axaadkii camalxun la yimid waxba Nasaabkiisuu iyo Qabilkiisu u tari mayo ilaa man Raximullah.

Allee (sw) wuxuu yidhii: “ Caabuda Eebe hanalawadaajinina waxba, labada waalidna u wanaag fala, iyo qarabada , agoonta ,maasakiinta, dariska dhaw, dariska durugsan, saaxiibka dhinaca socotada  iyo waxay hanatay gacmihiinu, Eebana ma jeclacidda Kibirka badan ee faanka badan. Waa Suurat An-Nisaa .36 “

Wiixi an khaldeyna xagaa shandanka walciyadubilah iyo naafteeda weeyan,

wixii an saxeynaa waa wax xaga Rabii ka yimid,Waa Al-Xamdulilah, Wastaqfiirulah Lii Danbi, Wasalatu WasalamuCaleykum  Salam, An Nebiyuuna, Al- Mustafa, Muxammed, Wal khatimuAl’Anbiyahi, Wal ‘Mursalin, Salalahu Caleyhi Wasalam, Waa billahi TowfiqAjmaciin.

WaaSalaamu Caleykum, Wa Raxmatulahii , Waa Barakatahuu.
Sh. Saciid Xasan Beerujif
Ottawa, Canada

Waxaa laga yaabaa in barnaamijkaan dartii aan maalin walbo soo galo qadka webkan, anna waxaa ku biirin lahaa heestii Cigaal iyo Shankaroon ay isla talan taalinaayeen ee Gacalo, waa hees miraheeda aan aad uga daba dhacay waxaan filaaya inaad ka heli doontaan;
Gacalo

Sida haro gigimanoo
Biyo galac ka leeyiin
Geesahana doogiyo
Ubaxii is gaadheen
Laga guurin waligeed
Waxad tahey gadeedii
Sida galab cadceedoo
Godka lagu ganbiyey
Gaban mayo aniguye
Waan is guursaneynaa
Adna gacaladeydaay
Aynu guri yagleelee
Geestaada ila qabo

Sida geenyo uguboo
Geesigu rabeeystoo
Gayigoo barwaqaa
Naqa goosaneysaa
Oon gaajo aragoo
Galabtii la daawado
Waxad tahey gadeedoo
Waxad guri ku leedahey
Halbawlaha guntiisiyo
Wadnaha gararkiisee
Adna gacaladeydaay
Aynu guri yagleelnee
Geestaada ila qabo

And here is the original of gacalo by Ahmed Ali Egal And Shankaroon Ahmed Sagal

Cigaal

Sida haro gigimanoo
Biyo galac ka leeyiin
Geesahana doogiyo
Ubaxii is gaadheen
Laga guurin waligeed
Waxad tahey gadeedii
Sida galab cadceedoo
Godka lagu ganbiyey
Gaban mayo aniguye
Waan is guursaneynaa
Adna gacaladeydaay
Aynu guri yagleelee
Geestaada ila qabo

Shankaroon

Haddaan anigu go’ayoo
Cudurkaad I galisey
Intuu halista ii galey
Aan gabey talaabada
Geeri iyo god mooyee
Ifka gogoli ii ool
Waxa sida tan ii galey
Garaad xume jacaylbaa
Xeryo igu ganbiyayoo
Geestaa I joojee
Gu waaye ha idhigin
Gago laga hayaamee
Kaaley gacanta ila qabo

Cigaal

Sida geenyo uguboo
Geesigu rabeeystoo
Gayigoo barwaqaa
Naqa goosaneysaa
Oon gaajo aragoo
Galabtii la daawado
Waxad tahey gadeedoo
Waxad guri ku leedahey
Halbawlaha guntiisiyo
Wadnaha gararkiisee
Adna gacaladeydaay
Aynu guri yagleelnee
Geestaada ila qabo.

Shankaroon

Sida qaalin geeloo
Inta uu gu roob heley
Cirka baarku gaadhoo
lagu guurin waligii
Galabtii caraabada
Marku geelu yara baxoo
Waxad tahey gediisoo
Midabkiisa gaarka ah
Sida loogu goohaan
Anna kuugu guuxaa
Go iwaaye ha idhigin
Gago laga hayaamee
Kaaley gacanta ila qabo.

Waxaan filaayaa inaad ka hesheen.

Posted by Aisha on Oct 19, 2009

Sidii horey loo sheegay waa barnaamij wanaaagsan aniga waxaan ku darsan lahaa heestii jaceylka aheyd ee Cumar Dhuule (allaha u naxariistee)
Geesi iyo hanad baa [Cumar Dhuule]

Geesi iyo hanad baa
La gaboodsadaa
Rag ninkii wax garadaa
La gar waaqsadaa
Waa nin gala abaaloo
Gudi kara wanaagoo
Samo kugu gargaree
Gar eexiyo
Adoon godob u malayn
Hawsha ila gal
Ama gooni noqoo
Aan kaa go’ee
Aan kaa go’ee

Galad iyo ayaan baa
Lagu guursadaa
Talo aad gorfaysaa
Geed lala tagaa
Runta laga garaabaa
Layskuma gayaxa oo
Gees lagama eegee
Gar eexiyo
Adoon godob u malayn
Gar eexiyo
Adoon godob u malayn
Hawsaha ila gal
Ama gooni noqoo
Aan ka go’ee
Aan ka go’ee

Gaban maayo aniguye
Adaan kuu go’ee
Jacaylbaa I gooyee
Adna ii garaw
Haygu noqonin
Geed adag
Aan go’I karaynoo
Gacmaa daalinaayee
Gar eexiyo
Adoon godob u malayn
Hawsaha ila gal
Ama gooni noqoo
Aan ka go’ee
Aan ka go’ee

Posted by Falaar on Oct 19, 2009

Marka hore aad baad ugu mahadsan tihiin, barnaamijkan aad inoo sameyseen waxaan filayaa inuu noqdo mid wax ku ool ah.
Haddii runtii aan anigu qaato fursadda ugu horeysa waxaan jecleystay inaan soo bandhigo miraha heesta qaranka ee Soomaaliyeey Toosoo, waana sidtan;
Soomaaliyeey toosoo
Toosoo isku tiirsada ee
Hadba kiina taag daranee
Taageera waligiinee.
Ummadyahay mar kale toosoo
Calankiina wada tiirshoo,
Danta guud ku taagsada oo
Isu wada tanaasula eey.
Somaliyaay toosoo
Toosoo isku tiirsada ee
Hadba kiina taag daranee
Taageera waligiinee.
Tawaabkoo qudhaa bixiyoo
Gobannimada taam ka dhigee,
Rabbi toobad weyddiistoo
Talo saarta Weynaha eey.
Somaliyaay toosoo
Toosoo isku tiirsada ee
Hadba kiina taag daranee
Taageera waligiinee.
Qabiilkaad ku tookhdaan baa
Qawmiyaddaada kaa tira oo,
Tayo li’ida qoys-qoyskaa
Idin bada tabaalaha eey.
Somaliyaay toosoo
Toosoo isku tiirsada ee
Hadba kiina taag daranee
Taageera waligiinee.
Inuu Naar ku taro mooyee
Dagaal ehel ma taabaggalee,
Shacabkaa in loo turo oo
La tabantaabsho kaa mudaneey!
Somaliyaay toosoo
Toosoo isku tiirsada ee
Hadba kiina taag daranee
Taageera waligiinee.
Curaddadaada taargo’ayaa
Tiiraanyo qaran weeyee,
Walaalkiis kan tooganayow
Adays jaray tagoogaha eey.
Somaliyaay toosoo
Toosoo isku tiirsada ee
Hadba kiina taag daranee
Taageera waligiinee.
Quruun teeda hanan weydaa
Tiqo kuma leh dunideenee,
Adduunyada ka tamin qaadtoo
Assaagiina tiigsada eey.