September 6 ,2011
Maxamed Cabdiqaadir Axmed Xirsi oo ah Wiil Somaliyeed oo ku nool Magaalada Mombasa ee dalka Kenya, dhalasho ahaana ka soo jeeda Gobolka Awdal ee Somaliland ayaa kaalinta 1aad ka galay tartanka Quraan akhriska ee waddamada Bariga iyo Badhtamaha Afrika.
Tartankan oo sannad walba bisha Ramadaan la qabto ayaa waxa ka soo qayb gala arday kala matalaysa 9 waddan oo ku kala yaalla Bariga iyo Badhtamaha Qaaradda Afrika, Maxamed ayaa waxa uu ka qayb qaatay sannadkan tartanka ardayda 30-ka jis xafidsan, waxaana uu nasiib wanaag ka guulaystay tartankaas ay ka qeyb qaaten ardaydii ka socotay sagaalka waddan isaga oo ku soo baxay kaalinta 1aad isla markaana abaal marin qiimo leh la gudoonsiiyey.
Maxamed Cabdiqaadir waxa uu abaal marin u helay in isaga iyo Aabbihii Xajka la geeyo sannadkani haddii Rabbi SWT idmo isla markaana laga kafaalo qaado kharashka ku baxaya safarkooga kaasi oo dhan $ 8,800 ( Sideed kun iyo Sideed boqol oo Doolar). Intaasi waxa u dheer lacag caddaan ah oo dhan 50,000 oo ah Shilinka Kenya ah, una dhiganta $ 550 (Shan boqol iyo konton Doolar) oo isaga gacanta laga saaray taas oo uu gudoonsiiyey Sheekh Hammad Kassim.
Hambalyo ayaanu leenahay Maxamed Cabdiqaadir Axmed guusha uu u soo hooyey ummadda Soomaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan Gobolka Awdal ee uu ka soo jeedo.
Abdirisaaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor.