By Cali Baxar
Fahmay oo gabaygaagu, Farxad Weeye Cabdoow;
Anoon Faan Ku Darayn, Feedhan Aad Ka Abaartay;
Faygan Aad Wax u Feyday, Fogaa Meesha ad Joogtid;
Foodhin Qaar Gabay Moode, Amba Faal Wax Ku Raadshe;
Fankuna Waa U Dhalasho, Filkaabaaad Socota;
Sidaan Kaa Filayey, Fartaadii Ku Xariiqday;
Ficil Yeesha Tolkayoow, Fariintaadu Na Deeqday;
Fiiro Dheer Ku Qiyaastay, Faraska Kooraha Saartay;
Fulaybaa Warwareega, Ficilbaa Rag Is Dhaafshay;
Fidhinkii An Xardhaayey, Gaashaankaan Foorah Saaray;
Farshaxankii An Lahayn, Foof Shirdoon Qarni Reebay;
Fogaan Maayo Cabdoow, Falaadhaa Ku Hadaysa;
Dhulkuna Waa Far Qiyaasan, Buurta Feedhaha Weyne;
Faafan Maad Ka Habaabi? Fadhixun Fiidkaba Seexo;
Foojignaan Wax Ku Dar, Farsamo Eebe La Kaasho;
Fadka Soo Baxaya, Fiidka Roobakan Hilaacay;
Fadhi Meeshan Ma Yaallo, Inaan Beer Fallanno;
Foolku Maalintu Hooro, Faa’da Ku jirta;
GEB Kuwaa Fadhiya, Ficilbaa Lagu Keenay;
Bal U Fiirso Tolkay, Inteebay Fikiraan?
Amba Ay Fahmayaan? Fajacbaa Ku Dilaaya;
Nikan Faan Ku Habsaama; Farba Aan Kur U Qaadin;
Ficiisii Shalay Dhaaf, Fakhribaa Sar Ku Ootay;
Fijaan Meel Uma Yaallo, Booramay Fadhiyaan;
Dhulkiisii Faa’do Buuxda, Fiid-Kong-baa Faqanaaya;
Dahabkii Firdhinaaya, Fujistay Oo La Caraabay;
Isaaq Feedh Ka Cunaa, Feedhna Loogu Dara;
Ciise Soo Wada Feytay; Hablaheenna Furtaan;
Iska Dhaaf Far An Taagnee, Falaad Reerkan Ka Guur;
Meel Kastoow Fadhiyaan, Fagaarahaa Bal U Saar;
Fircoonaan Laga Waaye, Feyd Oo Dhiig Bal Ka Fiiri;
Adaa Fiidka Baxaayee, Fariintaa Bal U Gee;